NIRA Somalia

NIRA Somalia Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka.

Hirgelinta Aqoonsiga Qaranka guud ahaan Dalka waa tiir muhiim u ah xoojinta adeegyada casriga ah iyo xaqiijinta aqoonsig...
17/06/2026

Hirgelinta Aqoonsiga Qaranka guud ahaan Dalka waa tiir muhiim u ah xoojinta adeegyada casriga ah iyo xaqiijinta aqoonsiga muwaadiniinta.

Wasaaradda Isgaaarsiinta iyo Teknoolojiyada Galmudug waxay soo saartay go’aanka taaba gelinta iskuxirka adeegyada iyo nidaamka hubinta aqoonsiga Qaranka(National ID) adeeyada ay bixiyaan shirkadaha isgaarsiinta ka howlgala Galmudug

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle Abdiweli Timacad...
15/06/2026

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle Abdiweli Timacade ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxda Ururka isbitaallada gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii adeegga diiwaangelinta iyo aqoonsiga qaranka loo gaarsiin lahaa isbitaallada gaarka loo leeyahay, si muwaadiniinta loogu adeego hab casri ah oo hufan, isla markaana ay u helaan tixraac rasmi ah oo fududeynaya xogtooda iyo helitaanka adeegyada caafimaadka.

Maareeyaha NIRA ayaa xusay in ay diyaar u yihiin in dhammaan isbitaallada gaarka loo leeyahay ee dalka laga hirgeliyo adeeggan, si loo fududeeyo helitaanka adeegyada diiwaangelinta muwaadiniinta.

Dr. Maxamed Cabdullaahi Ciise (Gaaladiid), Guddoomiyaha Fulinta Ururka Isbitaallada Gaarka loo Leeyahay ee Soomaaliya, ayaa sheegay in ay si dhow ula shaqeyn doonaan NIRA, si loo xaqiijiyo hirgelinta adeegyada diiwaangelinta ee lagu gaarsiinayo shacabka goobaha caafimaadka.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan xoojinta wada shaqeynta labada dhinac, si loo dardargeliyo adeegaga aqoonsiga iyo diiwaangelinta muwaadiniinta.

13/06/2026

Howl-wadeennada NIRA ayaa goobaha dadweynaha ka wada wacyigelin ku saabsan muhiimadda iyo habka loo helo Aqoonsiga Qaranka.

Muwaadin, Aqoonsiga Qaranku waa xaqaaga.

Howl-wadeennada NIRA waxay goob iyo goor walba ayay kuugu diyaarsanyihiin, si ay hagar la’aan kuugu adeegaan.Aqoonsigu w...
10/06/2026

Howl-wadeennada NIRA waxay goob iyo goor walba ayay kuugu diyaarsanyihiin, si ay hagar la’aan kuugu adeegaan.

Aqoonsigu waa xaqaaga.

10/06/2026

Howlwadeennada Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa booqday goobaha ay dadweynuhu isugu yimaadaan, iyagoo dhageystay talooyinka, cabashooyinka iyo aragtiyada bulshada.

Howlwadeennadu waxay sidoo kale bulshada u sharxeen habraacyada lagu helo Aqoonsiga Qaranka, iyagoo bixiyay wacyigelin ku saabsan adeegyada hay’adda iyo sida loo xalliyo caqabadaha ka iman kara inta lagu jiro diiwaangelinta ama helitaanka aqoonsiga.

Hadda is-diiwaangeli, kuna hel Shahaadada Aqoonsiga Qaranka wax ka yar saacad gudaheed.Aqoonsiga Qaranku waxa uu kuu fud...
09/06/2026

Hadda is-diiwaangeli, kuna hel Shahaadada Aqoonsiga Qaranka wax ka yar saacad gudaheed.

Aqoonsiga Qaranku waxa uu kuu fududeynaysaa helitaanka iyo isticmaalka dhammaan adeegyada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

𝐎𝐠𝐚𝐲𝐬𝐢𝐢𝐬 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡!Muwaadin ma hubisay in farriini kuuguso dhacday taleefan-numberka aad isku diwaangelisay Aqoonsiga Qa...
06/06/2026

𝐎𝐠𝐚𝐲𝐬𝐢𝐢𝐬 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡!

Muwaadin ma hubisay in farriini kuuguso dhacday taleefan-numberka aad isku diwaangelisay Aqoonsiga Qaranka?

01/06/2026

Sidee Madasha TIRSI kaaga Caawin kartaa helitaanka Shahaadada Aqoonsiga Qaranka?

Tirsi.nira.gov.so

Hay’adda NIRA waxa ay dhammaan hawl-wadeennada NIRA, shacabka Soomaaliyeed, iyo guud ahaan ummadda Islaamka ugu hambalya...
26/05/2026

Hay’adda NIRA waxa ay dhammaan hawl-wadeennada NIRA, shacabka Soomaaliyeed, iyo guud ahaan ummadda Islaamka ugu hambalyaynaysaa Munaasabadda Barakaysan ee Ciidul-Adxaa, iyada oo u rajeynaysa Ciid ku suntan farxad, nabad, barwaaqo, iyo midnimo.

Ciid Mubaarak! 🌙🕋

16/05/2026

Maareeyaha Guud ee Hay'adda NIRA iyo Ku-xigeenkiisa oo ka warbixinaya Shirweynaha ID4Africa ee ka qabsoomay magaalada Abidjan ee dalka Côte d'Ivoire (Ivory Coast). 👇

Address

Waberi

AIRPORT

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when NIRA Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to NIRA Somalia:

  • Want your organization to be the top-listed Government Service?

Share