07/10/2024
Muqdisho, 7da Oktoobar, 2024, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed Marwo. Hawo Ahmed Hassan ayaa maanta kulan la yeelatay madaxa hay’adda UNIDO ee Soomaaliya Mr. Ygor Scarcia oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac iyo dardar gelinta mashruuca badqabka cuntada iyo fududeynta ganacsiga ee wax soo saarka dalka.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Agaasimaha Machadka Tayada ee Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed Md. Cabdiqaadir Cabdisalaan. Labada dhinac ayaa iska xog-waraysteen mashaariicda horumarinta ganacsiga dalka gaar ahaan beeraha, kalluumeysiga iyo xanaanada xoolaha.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed ayaa uga mahadcelisay hay’adda UNIDO mashaariicda horimaneed oo ay dalka ka hirgelisay.