17/03/2026
Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubno miisaan leh oo ka tirsan Golaha Wasiirrada, Afhayeenka Madaxweynaha, Danjireyaal, La-taliyeyaal Madaxweyne, Agaasimeyaal Guud ayaa kulan Afur iyo Casho Wadareed ah la qaatay Haldoorka Bulshada, Hoggaanka Dhaqanka, Aqoonyahanka, Haweenka iyo Siyaasiyiinta degaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Gabiley.
Kulankan oo ku qabsoomay jawi farxad iyo is-qaddarin leh ayaa lagaga wada hadlay xoojinta wadajirka bulshada, adkaynta nabadda iyo amniga, iyo horumarinta iskaashiga u dhexeeya Xukuumadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Gabiley.
Masuuliyiinta Xukuumadda ayaa si qoto dheer uga dhegaystay talooyinka, aragtiyaha iyo baahiyaha bulshada Gobolka Gabiley, iyaga oo caddeeyey in Xukuumaddu ay ka go’an tahay ka jawaabista danaha shacabka, horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo xoojinta Dawladnimada.
Dhankooda, Haldoorka Cuqaasha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee Gobolka Gabiley ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyey Ictiraafka Somaliland iyo tallaabooyinka yididiilada leh ee ay Xukuumaddiisu qaaday muddada ay xilka haysay.
Hoggaanka Dhaqanka iyo Haldoorka Bulshada ee Gobolka Gabiley waxa ay muujiyeen in ay ka go’an tahay ilaalinta nabadda, wadajirka iyo ka qayb qaadashada horumarka Qaranka, iyaga oo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta joogtada ah ee u dhexaysa bulshada Gobolka Gabiley iyo Xukuumadda haatan talada haysa.
Kulanka Afurka iyo casho-wadareedka ah ayaa xambaarsanaa farriin Qaranimo, wadajir iyo is-kaashi bulsho, isaga oo mar kale muujiyey in wada-tashigu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaadho nabad, xasillooni iyo horumar waara.