15/05/2026
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo ka qeybgalay shir heer gobol ah oo lagu horumarinayo Duulista Rayidka
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Ahmed Moallin Hassan ayaa ka qeybgalay kulan heer gobol ah oo looga hadlayay horumarinta iyo xoojinta Duulista Rayidka dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda CASSOA (Civil Aviation Safety and Security Oversight Agency).
Shirkan oo ka dhacay magaalada Mombasa ee dalka Kenya intii u dhaxeysay 14 – 15 May 2026, ayaa diiradda lagu saaray sare u qaadista wacyiga iyo iskaashiga dhinacyada amniga, badqabka iyo sii jiritaanka Duulista Rayidka. Waxa sidoo kale lagu falanqeeyay caqabadaha saameynta ku leh hawlaha duulimaadyada heer gobol iyo heer caalami, si loo helo xalal mideysan oo waara.
Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay madax iyo khubaro ka kala socotay hay’adaha Duulista Rayidka ee dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika, kuwaas oo is dhaafsaday khibrado iyo talooyin la xiriira horumarinta nidaamyada Duulista Rayidka iyo la jaanqaadidda heerarka iyo habraacyada caalamiga ah ee ICAO.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Md. Ahmed Moallin Hassan ayaa sheegay in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso horumarinta Duulista Rayidka iyo xoojinta iskaashiga gobolka si loo gaaro duulimaadyo ammaan ah, badqab leh oo waara.
“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxaa ka go’an inay sii xoojiso wada shaqeynta heer gobol iyo heer caalami si loo horumariyo adeegyada Duulista Rayidka, loona xaqiijiyo amni, badqab iyo kobac waara oo waafaqsan heerarka caalamiga ah,” ayuu yiri Maareeyaha Guud.
Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo Duulista Rayidka gobolka, iyadoo la xoojinayo iskaashiga iyo mideynta qorshayaasha la xiriira amniga iyo badqabka hawada.