16/09/2022
🇸🇴Waa maxay Tirsi?
Lambarka Tirsi waa 12 lambar oo loo qoondeeyay muwaadinka marka muwaadinka la diiwaangeliyo. Bixinta lambarka Tirsi waa bilaash, Muwaadinkii xaq u lehna looma diidi karo diiwaangelinta iyo helitaanka lambarka Tirsi caddaeyn la'aan ama sabab kale awgeed. Si loo bixiyo lambarka Tirsi, waa in lagu qoraa xogta tirakoobka qofka, waxaa muwaadinka laga qaadayaa toban farood, sawir labada indhood ah, sawir wejiga ah, taleefanka ama iimaylka iyo saxiixa oo dhijitaal ah.
Xogtaas waxaa loo adeegsanayaa in lagu hubiyo xogta ka taala muwaadinka ee ku jirta Database-yada DADSOM si loo xaqiijiyo in aysan jirin diiwaangelin h**e, waxaana la adeegsanayaa habka kala saarista xogta. Marka lambarka Tirsi la siiyo muwaadin isla lamabarka Tirsi mar kale lama siin karo qof kale xitaa haddii milkiilaha Tirsi uu dhintay. Carruurta iyo dadka waaweyna waxaa la siinayaa lambarka Tirsi laga bilaabo dhalashada ilaa dhimashada.
🇬🇧 What is Tirsi?
The Tirsi number is 12 unique random numbering system assigned to an individual upon successful enrolment. The issuance of the Tirsi number is free and no person otherwise eligible shall be denied enrollment and getting The Tirsi number for lack of documentation or for any other reason. In order to be issued the Tirsi number, it should be recorded the person’s demographic data, captured ten fingerprints, two IRIS, facial picture, phone or email and digital signature.
These will be used to cross-check existing data in DADSOM Databases to confirm that there is no duplication by using data deduplication process. Once the Tirsi number is issued to an individual it can’t be issued again to another person even if the owner is deceased. Both children and adults can be issued the Tirsi number from birth to death.