Xisbiga Xaqsoor

Directions Website Contact the organization

Xisbiga Xaqsoor Xaqsiinta Muwaaddinka iyo Xilkasnimo Qaran

25/10/2026
17/10/2026

🇸🇴 HAMBALYO XULKA QARANKA U-17🏆

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa ciyaartoyda, tababarayaasha iyo dhammaan bahda Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17 sano, guusha taariikhiga ah ee ay gaareen.

Waa guul si gaar ah u weyn in xulkeennu markii saddexaad gaaro finalka tartanka CECAFA U-17, isla markaana markii saddexaad Soomaaliya u soo baxdo Koobka Qaramada Afrika ee CAF U-17.

Guushiinnu waa farxadda ummadda Soomaaliyeed, dadaalkiinnuna waa sharafka qarankeenna. Waxaad muujiseen karti, adkaysi iyo isku-duubni, waxaadna mar kale kor u qaaddeen magaca iyo calanka Soomaaliyeed.

Waxaan idiin rajeynaynaa guul iyo nasiib wanaagsan ciyaarta k**a dambaysta ah. Waxaan rajeynaynaa inaad koobka u soo hoysaan dalkeenna.

Hambalyo, geesiyaasha Soomaaliyeed! 🇸🇴

17/10/2026
15/10/2026

𝐂𝐀𝐌𝐁𝐀𝐀𝐑𝐄𝐘𝐍: 𝐉𝐀𝐃𝐖𝐀𝐋 𝐔 𝐒𝐀𝐌𝐄𝐘𝐍𝐓𝐀 𝐃𝐎𝐎𝐑𝐀𝐒𝐇𝐎 𝐍𝐀𝐓𝐈𝐈𝐉𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃𝐀 𝐋𝐀 𝐒𝐈𝐈 𝐀𝐒𝐓𝐄𝐄𝐘𝐀𝐘

XOGHAYAHA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA EE XISBIGA XAQSOOR OO KULAN LA QAATAY DHALLINYARO CUSUB OO XISBIGA KU SOO BIIRTAYX...
15/10/2026

XOGHAYAHA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA EE XISBIGA XAQSOOR OO KULAN LA QAATAY DHALLINYARO CUSUB OO XISBIGA KU SOO BIIRTAY

Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xisbiga Xaqsoor, Mudane Abdimajid Cabdullaahi Cabdikariim (SIISII) ayaa kulan la qaatay dhallinyaro dhawaan ku soo biiray Xisbiga Xaqsoor. Kulanka ayaa waxaa ku weheliyey xubno ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray soo dhoweynta xubnaha cusub, is-xogwaraysiga, xoojinta wada-shaqaynta iyo dardargelinta hawlaha xisbiga. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii loo horumarin lahaa doorka dhallinyarada ee dhismaha, hawlaha iyo mustaqbalka Xisbiga Xaqsoor.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Xoghaynta Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ay ku xoojinayso isku-xirnaanta, abaabulka iyo ka qaybgalka dhallinyarada ee hawlaha siyaasadeed iyo kuwa bulshada, iyadoo mudnaanta la siinayo kobcinta garaadka siyaasadeed, kartida hoggaamineed iyo xilkasnimada qaran.

Dhallinyaro firfircoon, hoggaan xilkas ah iyo mustaqbal wanaagsan.

Xaqsiinta Muwaaddinka iyo Xilkasnimo Qaran.

14/10/2026

𝐎𝐤𝐭𝐨𝐨𝐛𝐚𝐫 𝟏𝟒, 𝟐𝟎𝟏𝟕–𝟐𝟎𝟐𝟔 | 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟗-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐌𝐮𝐬𝐢𝐢𝐛𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐙𝐨𝐨𝐛𝐞

Xusuus Aan Duugoobayn!

Maanta waxaan xusuusanaynaa boqollaalka Soomaaliyeed ee ku naf waayay qaraxii 14-kii Oktoobar 2017 ee ka dhacay isgoyska Zoobe.

Sagaal sano kaddib, xusuusta murugadii iyo tiiraanayadii maalintaas weli waxa ay ku harsan tahay quluubta ummadda Soomaaliyeed.

Alle ha u naxariisto dhammaan dadkii ku naf waayay, eheladoodiina samir iyo iimaan haka siiyo.


Sannad-guurada 𝟕𝟐-𝐚𝐚𝐝 ee ka soo wareegtay maalinta Calanka Soomaaliyeed.Hambalyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed.
12/10/2026

Sannad-guurada 𝟕𝟐-𝐚𝐚𝐝 ee ka soo wareegtay maalinta Calanka Soomaaliyeed.

Hambalyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed.

Address

Airport Road
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xisbiga Xaqsoor posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Xisbiga Xaqsoor:

Shortcuts

Share