07/03/2024
waxaan aad uga xunnahay heshiiska Somalia iyo Turkiga ee difaaca xeebaha somalia iyo precentage ka ay bixisay dowlada federaalka waa wax aan sinaba u aqbalikarin Mana noqonaayo mid u hirgala turkiga in uu qaato qeyraadka badda somalia 30% Somaliana ay qaadato 70% Ma ahan mid aan aqbali karno saxna ma ahan in dowlada ay ku takrifasho awoodeeda dastuuriga ah ay na heshiis galiso qeyraadka dalka.
Maxaa sababay in heshiis kaas lagaaro.
xaalada Geeska afrika iyo damaca ethopia miyaaa.
waxaan rabaa in umada somaliyeed aan u cadeyno in dowlada Somalia markey heshiiskaas turkiga galeysay ineysan jirin arin qasbi karta in heshiiis noocaas ah ay gasho somalia sababtu waa.
1. Horta majirin Cunaqabateyn Hub saaran somalia markey heshiiskaas galaayeen Xasan sheekh iyo Xukuumadiisa oo waxey awoodeen in ay ka faaideystan moojadaha damaca ethopia ayna keensadaan Hub ka Marine ka ama qalabeynta ciidamada bada si ay u difaacaan dalkooda duulaanka lagu yahay. Taas ma dhicin waana danbi qaran in adoo heysta awood aad ku difaacato dalkaaga helikara hub cari ah maadama aysan jirin cunaqabateyn hub ku saaran inaad heshiis noocaan ah oo kale aad gashaan waa masuuliyad daro weyn iyo hogaan xumo aragti la'aan siyaasadeed iyo indha xernaan dareen la'aan iyo danbi qaran waana la idinkula xisaabtami doonaa xiligey noqoto.
2. waxaan rabnaa inaan umada somaliyeed la wadaagno in si looga baaqsado heshiiskaas ay jirtay fursad kale oo ah in bankiga aduunka uu naga cafiyay deenta.
waa laba qodob oo aad muhiim ugu ahaa in aan ka faa ideysano fursadahaas.
taas waa arimaha waa weyn ee aan uga baaqsankarnay inaan ka baaqsano.
Emotional Damage
Madaxbanaanideenii maanta waa inaan u istaagnaa inaan iska fiirino dhinacyada si aan u xaqiijino qaran somaliyeed oo isku filan dhan walba.
Dadkaaga dhinac ka raac