Han iyo Hiigsi

Han iyo Hiigsi Bage-ka waxaad kahelaysaa maqaalo iyo warbixino kahadlaya nolosha, sooyaalka dadkii guulaysta iyo wa

08/04/2023

I aamin khayr waa dambeeyaa 😂😂

Allaah ha u naxariisto Labadoodaba.Boqoradda Ingriiska ee Hadda Nool Queen Elizabeth ayaa Cadan Booqatay 1954, ( F.S: 1-...
28/06/2022

Allaah ha u naxariisto Labadoodaba.

Boqoradda Ingriiska ee Hadda Nool Queen Elizabeth ayaa Cadan Booqatay 1954, ( F.S: 1- 3aad)
Si Madax badan oo ka kala yimid Afrika iyo Asiya ey ula kala saxiixato Heshiis Ganacsi iyo mid Maxmiyadeed.

Waxa ey soo Bandhigtay Awoodeeda Ciidan si Madaxdu ey u ogaadaan Awoodeeda ey ku leedahay wadamada halkaa ku yaal. ( F.S: 4- 9aad )

Waxaa Cadan 1954 lagu casuumay Ciidan iyo Madax ka kala socotay Ingriiska, Hindi, Carab ka kala socotay dhowr wadan, Iran ,Bakistaan, Somali iyo kuwa kale.Meesha Xafladda dhoola tuska lagu qabanayo, marka uu Qofku yimaad waa in uu Madaxiisa hoos u dhigo Boqoradda Horteeda, si Ul ey wadato ey Madaxa ey uga saarto.( F.S: 10- 12aad)

Markaa kadib ayuu Qofku fadhiisanayay Kursigii loogu tala galay si uu Xafladda uga qeyb galo.

Dhamaan ka qeyb Gala yaashii Madaxooda ayeey Hoos u dhigeen marka laga reebo Laba Hogaamiye oo kaligood ka socoday Somaliya , kuwaa oo kala ahaa:

1. Suldaan Cabdiraxmaan Diiriye, Suldaanka Isaaq. ( F.S: 13aad)
2. Suldaan Suldaan Maxamud Shire, Suldaanka warsangeli.( F.S:14aad )

Maanta Aaween Faracii Somalidii h**e, Qabkii weli ma jiraa mise mid Prank ah ayaa naloo jilaa, Mise Diblomaasiyadda Caalamka ee Casriga ah ayaan u hogaansanay ?

FG: Koleeyba Anigu Maanta, Madaxeyga hoos uguma dhigeen Duqdaa weli Nool Haddaan arki lahaa, malaha Reer Baadiyanimadii ayaa igu dambeeyso oo Baadiyaan ka imid Aniga oo wax garto, kuwo Magaalada ku koray oo aan Madaxooda hoos u dhigi leheyna waa jiraan oo aan fahmin ama aan aaminsaneyn diblomaadiyada casriga ah, sida Adiga ama isaga iyo iyada oo kale.

Xushmo u muuji waalidka, Macalinka Suuban iyo Culumada qaar.Laakin siyaasiga........ , Adiguna Sawiro Prank ah Comment ha nooga dhigin. Odayaashii h**e ee aan Madaxooda hoos u dhigin Alla ha u naxariiso, waa iga Duco iyo Talo.

FG: wixii iga khaldan iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir

01/06/2022

You don't lose friends.
You lose undercover haters.
Real friends can never be lost.

23/03/2022

Maasha Allaah❤

Colaad iyo dagaal marwalba daawo maaha Madaxwayne Siyaad Barre iyo dawladii uu hogaaminayay ee kufikaray in aan talada d...
15/12/2020

Colaad iyo dagaal marwalba daawo maaha

Madaxwayne Siyaad Barre iyo dawladii uu hogaaminayay ee kufikaray in aan talada dalka lawareejin xitaa haduu burburo waxaan xasuusanaa dhibkii iyo aafooyinkii kadhacay.

Casharkaas Soomaalida oodhami waa in ay xasuusnaadaan oo aan dagaal xal laga dhigin.

Mucaaradka: Dalka hogaankiisa inaad qabataan waxaa kamuhiimsan in dalkan nabad ahaado oo aan lakala tagin shisheeyahana aan garab lagu siin hoosaynteena. Waxaad kashaqaysaan sidii aad nabad ugu iman lahaydeen adinkoon rabshado kicin waxaa jira xeelado kale dagaalkuna maahi xal ilaa xalkale lawaayo.

Dawladda: dalka hogaankiisa adinkaa haya maanta, masuuliyadiina ha ahaato in aan dalku kala qaybsamin dagaalo sokeeye oo dalkan lala rabana aysan adinka idinku magac sheegan. Doorashada waa tii aad ku timaadeen ayadoo daah furan qabta kartidiina iyo dadaalkiina kusoo laabta hana samaynina wado kaxun tii aad ku imateen.

Waxa ugu danbayn cidkasta oo dalka lex jecla kahayso ugu baaqayaa in dalkan dagaal laga baajiyo, shisheeye uusan anagoo isku luuqada nookala turjumin, fursadan dawladnimo ee gacanteena kusoo laabatayna aan dana shaqsi darteen aysan inooga lumin.

Han iyo Hiigsi

Sawir kamida kan lagu tababaro dadka ugu sareeya ee danbi baarayaasha xirfadooda sarayso.Tijaabi garashadaada iyo sida a...
31/03/2020

Sawir kamida kan lagu tababaro dadka ugu sareeya ee danbi baarayaasha xirfadooda sarayso.

Tijaabi garashadaada iyo sida ay maskaxdaadu u haleeli karto hadba sida wax ujiraan.

Waxaa sheegta qofkan dhintay in ladilay iyo in uu isdilay ? Adiga oo raacinaya sababaha aad kutiri ?

Sheeko odaygii Farda yaqaanka ahaa ----------Bari baa waxaa jiray oday indha la oo laba faras oo baroor jilbo madow ah l...
17/01/2019

Sheeko odaygii Farda yaqaanka ahaa
----------

Bari baa waxaa jiray oday indha la oo laba faras oo baroor jilbo madow ah laga xaday. wiilkiisii buu kuyidhi soo baadi goob cidda fardaheenii kaxaystay.
wiilkii wuxuu soo ogaaday in cido meel aad udheer fardihii kaxaysteen.
odaygii wuxuu wiilkiisii kuyidhi ina bixi oo cidaha waxaad inagu beegtaa saq dhexe . markii cidihii ladulyimi buu kuyidhi udhac xerada fardaha oo waxaad soo saartaa labadeenii faras. wiilkii wuxuu aabihiis kuyiri aabe nuucya badan baa kujiree maxaad kudirsoocaa kuweena.
Odaygii wuxuu yiri : baroorku had iyo goor fardaha waa kasoocanyahay, miscilishuu fooda kuhayaa, xaga banaankana waa usii jeedaa. wiilkii mooradi buu soo galay oo lasoo baxay labadii faras. markay cidihii xoogaa kasocdeen baa odaygii yiri daaji fardaha deex jixi leh, markay jeexii mudo miranayeen buu hadana kuyiri daaji jeex kale oo dureemo leh. wiilkii yaraa waa yabanyahay isagoo leh waa la idin qabanayaa. markii oogu istaagay buu yiri ina dhaqaaji, mise niman fardooley ah baa daba socda oo soo muuqda. wiilkii wuxuu aabihiis usheegay in lagu soodhawyahay. kabacdiina odaygii wuxuu wiilkiisii kuyiri haddii ay fardoolayda ugu h**eeyaan nuuca fardaha ee looyaqaan QAAJE cadceeda fooda usaar, wuu cawarmaaye si uu ucawarmo oo inooga haro. hadii uu fardooleyda ugu soo h**eeyo nooca fardaha ee loo yaqano XAMAR dhulka kobaha iyo baliyada leh inoo leexi wuu turunturo badanyahaye si uu inooga haro. hadii uufardooleyda ugu soo h**eyo nuuca fardaha looyaqaan CAYNAB dhulka dhagaxa leh inoo leexi wuu cagaag badanyahaye si uu inooga haro. hadii uu fardoolayda ugu soo h**eeyo nuuca fardaha looyaqaan ASHKIR dhulka dhulka dhirta leh inoo leexi wuu hirig necebyahaye si uu inooga hadho. hadi uu fardooleyda ugu h**eeyo nuuca fardaha looo yaqaan BULAALE dhulka togaga leh inoo leexi wuu didmo badan yahaye si inooga hadho. hadii uu fardaha ugu h**eeyo nuuca fardaha looyaqaano BAROOR JILBA MADOW ina dhaqaaji, ninkii dixi daajiyay oo dureemo ugu luqluqay baa kuleh.

waxaa sheekada ka arkaysaa sidii dadkii Soomaalidu aqoonta ugu lahaayen fardaha iyo dabeecadohooda oo aad hada moodo inay xitii muqoodii sii dabar go ayaan wadankeena .

Gaarsii kuwa dhaqanka jecel iyo farda fuulnimada

Doqonimada Soomaalida waxaa lagu aqoon jiray inay iska ilaaliyaan arimaha ceebta iyo dhagxumada usoo jiidaya. Dadku waxa...
14/01/2019

Doqonimada

Soomaalida waxaa lagu aqoon jiray inay iska ilaaliyaan arimaha ceebta iyo dhagxumada usoo jiidaya. Dadku waxay iska ilaalin jireen in macsi lagu sheego(Dhilaysi) , in tuug lagu sheego, sifa xun loo tiiriyo, in wax dadnimadooda wax udhimaysa loo niabeeyo, iwm.
waxyaalaha Soomaalidu iska ilaalin jirtay waxaa kamid ahaa doqonimada lagu sheego.
Doqonimada waxaa lagu qeexaa qofla oo garaadkiisu kahooseeyo wax fahanka ama garashada qofka caadiga ah. Soomaalidu waxay doqonimada ukala saaraan toban bahood oo sadex-sadex isu bah ah iyo mid bahgooni ah, kuwaas oo kala ah :-
• Surin dheer kadhaanshe, Soor quureed cune iyo si xun uwaran, waa sadex isku bah ah.
• Xididkii xante, Xaajaduu watay kaxogwarame, iyo xiluhuu uureeyay xoog moode, Sadexdaasina waa isku bah.
• Duufleey, Daableey iyo Danleey, sadexdaasina waa isku bah.
• Gar ma gasho kamana baxdo, Waa bah gooni.

Qaybaha doqonimada waxaa laga helaa dadka badankiis, dadka qaarbaa mid kaliya kujirtaa, qaarbaa labo kujirtaa, qaarbaa dhawr kujiraan. Doqonimada daawadeedu waa waxbarasho. Qofkasta oo aan wax baran dhawr nooc oo doqonimada ka mid ah baa kujirta.

BAHDA 1aad ee Surin dheer kadhaanshe, Soor quudheed cune iyo Si xun uwaran waxa lagu fasari karaa sida soo socota: SURIN dheer kadhaanshe waa ninka la yaal reerka uu la xididka yahay oo hawsha lagu dayaco ee garan waayey reerkaaga meel gooniya ula guur oo had iyo goor isaga iyo awrkiisu u qoolan yihiin dhaanka iyo gaadiid celintaba. SOOR quureed cune waa qofka wixii loo taagaba iyo meeshii loogu taagaba iska cuna oo aan u meel dayin wuxuu quudanayo. SI XUN uwaran waa qofka wuxuu maqlaba wax kudara ee warxuma tashiilka ah.

BAHDA 2aad ee SIDIDKII XANTE, XILIHUU UUREEYAY XOOG MOODE, IYO XAAJADUU WATAY KAXOG WARAME waxaa lagu fasiri karaa in xididka xante yahay qofka xanta reerka laxididka yahay iyo dadka nolosha hoose kadhaxayso, Xiluhuu uureeyay xoog moode waa ninka haweenaydiisa hawsha kudayaca, Xaajaduu watay kaxog warame waa qofka aan arimihiisa sir ahaan uhayn karin.

BAHDA 3aad ee Duufleey, Daableey iyo Dareenley: Duufley waa qofka baaliga ama areebada ah. Dareenleey waa qofka shakiga badan ee hadii labo qof is eegto u qaata in isaga laga hadlaayo ama loo jeedo. Daabley waa qofka bud laduulka ah ee isaga oon waxba hubsan dadka ladagaala ama aflagaadeeyo.

GAR MAGASHO KAMANA BAXDO waa qofka gar maqaataha ah ee dadka aan macaamiil dhex mari karin. hadaad wax la amaahato oo walaxdii kugu lunto oo aad badelkeeda u keento ku odhanaya : maya kaygi baan rabaa oo qudha.

Xigasho: dhiganaha AFKA IYO DHAQANKA ee Dugsiga sare fasalka 9aad ee uu qoray Ustaad Cabdisalaam Maxamed Xuseen.

Address

Mogadishu

Telephone

+252682616067

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Han iyo Hiigsi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Han iyo Hiigsi:

Share