24/03/2026
Maxaan ka jira inay socdaan wada-xaajoodya lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ka dhanka ah Iiraan?
Dagaalka u dhexeeya Washington iyo xulufadeeda iyo Tehran, ayaa galay marxalad xasaasi ah oo wax kasta laga filan karo, waxaana marba mark aka danbeeya dhinacyada sii xoojinayaan hanjabaadyada iyo bartilmaameedyada ay duqeymaha la beegsanayaan.
Waxaa xiisadda sii xoogeysatay kadib markii Trump, uu habeenkii Sabtida u qabtay Iiraan in 48 saacadood ay ku furto marinka Hormuz, isagoo ku hanjabay in la tirtiro doona dhamaan kaabayaasha tamarta Iiraan haddii ay ka madax adeygto dalabkiisa.
Tehran, ayaa dhankeeda ku jawaabtay inay Falcelin adag ka bixin doonaan haddii la beegsado kaabayaasheeda tamarta, hase ahatee subaxnimadii Isniinta, Trump, waxuu ku dhawaaqay in muddadii ay u qabteen furitaanka Hormuz, lagu kordhiyay 5 maalmood, taasi oo u muuqatay tallaabo xeeladaysan oo lagu dejinayo xiisadda.
Tani waxay muujineysaa rabitaanka Mareykanka ee ah inuu gaaro guulo siyaasadeed, xilli qiimaha shidaalka uu kordhay 40%, taasoo cadaadis gudaha ah saartay maamulka Trump si loo soo afjaro dagaalka.
Inkastoo ay sii socdaan duqeymaha ka dhanka ah bartilmaameedyada militari iyo gantaallada, ayaa haddana waxaa soo baxaya war sheegaya wada-hadallo wax ka abadalaya xaalada dagaalka in ay u socdaan dhinacyada dagaalka.
Maamulka Trump, oo adeegsanaya waddooyin is barbar socda oo guul doon aha ayaa laga soo warinayaa in dhawrjeer uu dalbaday in dagaalka la joojiyo oo markan la aado dhanka wada hadalada. Warbixinno ay daabaceen The New York Times iyo The Wall Street Journal ay sheegayaan in xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay Iiraan iyo Mareykanka aanay si buuxda u go’in, balse ay ka gudbeen is dhaafsi fariimo una gudbeen wicitaanno toos ah.
Warbixinta waxay shegeysaa in Jared Kushner, oo ah soddogga Trump iyo la-taliyihiisa, iyo Steve Wyckoff, oo ah ergeyga gaarka ah ee Bariga dhexe, Labaduba aanay goynin xariirka Iiraan, inta uu socday dagaalka.
Warbixinta waxay shegeysaa in qadka telefoonka ay kuwada hadleen Steve Wyckoff iyo wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Abbas Araghchi, si loo sahmiyo fursada lagu dejin karo xiisadda.
New York Times, oo soo xigatay mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa sheegtay in wada-hadallada telefoonka ee u dhexeeyay Araghchi iyo Wyckoff, waxaa lagu tilmaamay kuwo hordhac ah oo sahaminaya xal laga gaaro dagaalka.
Sida uu xusay Wargeysku, Abbas Araghchi, waxuu u sheegay Steve Witkoff in Iiraan, hadda aysan dooneyn xabbad-joojin ku-meel-gaar ah, balse ay raadineyso heshiis nabadeed oo waara, kaas oo ay ku jiraan dammaanad qaadyo ka imanaya Mareykanka iyo Isra’iil oo ah inaan mar kale la weerarin. Sidoo kale, dhinaca Iiraan, waxay dalbadeen in si gaar ah loo qaado qaar ka mid ah cunaqabateynta dhaqaale ee uu horay u saaray Mareykanka iyo in raaligalin lagabixiyo dullaankii lagu qaaday, sidokalana waxay Iiraan dalbaneysaa magdhaw aan la cayimin.
Sida muuqata Xaaladda Wada-xajoodka waxuu u muuqdaa mid ay ka maqan tahay kalsoonida labada dhinac. Dhanka Tehran waxay iska diidday in wada-hadallo dhab ah ay jiraan, waxay u aragtaa sheekada mid daarran cabsi galin, halka Washington ay wada-hadalada u aragto fursad lagu joojinkaro dagaalka ayna ku sheegankaraan guul dagaal.
Haddaba Su’aashu waxay tahay, wada-hadallada socda ma yihiin xabbad-joojin farsamo oo loogu talagalay in neef lagu qaato, mise wakiillada ka socda Islamabad, Cairo, Istanbul, iyo Oman ayaa ku guuleysan doona inay sameeyaan heshiis dhameystiran oo laga gaara dagaalka saameeyay gobolka iyo dhaqaalaha caalamka ah?
Su’aashu weli waa mid furan oo xujeyneysa awoodda diblomaasiyadda ee lagu xakameyn karo dagaalkan dhaafay dhammaan xuduudaha casriga ah iyo sadaasha khatara dagaalka.