Xogta Dunida

Xogta Dunida Kabogo waxa ka dhacaya Dalkaaga iyo Caalamka oo dhan

Maxaan ka jira inay socdaan wada-xaajoodya lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ka dhanka ah Iiraan?Dagaalka u dhexe...
24/03/2026

Maxaan ka jira inay socdaan wada-xaajoodya lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ka dhanka ah Iiraan?

Dagaalka u dhexeeya Washington iyo xulufadeeda iyo Tehran, ayaa galay marxalad xasaasi ah oo wax kasta laga filan karo, waxaana marba mark aka danbeeya dhinacyada sii xoojinayaan hanjabaadyada iyo bartilmaameedyada ay duqeymaha la beegsanayaan.

Waxaa xiisadda sii xoogeysatay kadib markii Trump, uu habeenkii Sabtida u qabtay Iiraan in 48 saacadood ay ku furto marinka Hormuz, isagoo ku hanjabay in la tirtiro doona dhamaan kaabayaasha tamarta Iiraan haddii ay ka madax adeygto dalabkiisa.
Tehran, ayaa dhankeeda ku jawaabtay inay Falcelin adag ka bixin doonaan haddii la beegsado kaabayaasheeda tamarta, hase ahatee subaxnimadii Isniinta, Trump, waxuu ku dhawaaqay in muddadii ay u qabteen furitaanka Hormuz, lagu kordhiyay 5 maalmood, taasi oo u muuqatay tallaabo xeeladaysan oo lagu dejinayo xiisadda.
Tani waxay muujineysaa rabitaanka Mareykanka ee ah inuu gaaro guulo siyaasadeed, xilli qiimaha shidaalka uu kordhay 40%, taasoo cadaadis gudaha ah saartay maamulka Trump si loo soo afjaro dagaalka.
Inkastoo ay sii socdaan duqeymaha ka dhanka ah bartilmaameedyada militari iyo gantaallada, ayaa haddana waxaa soo baxaya war sheegaya wada-hadallo wax ka abadalaya xaalada dagaalka in ay u socdaan dhinacyada dagaalka.

Maamulka Trump, oo adeegsanaya waddooyin is barbar socda oo guul doon aha ayaa laga soo warinayaa in dhawrjeer uu dalbaday in dagaalka la joojiyo oo markan la aado dhanka wada hadalada. Warbixinno ay daabaceen The New York Times iyo The Wall Street Journal ay sheegayaan in xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay Iiraan iyo Mareykanka aanay si buuxda u go’in, balse ay ka gudbeen is dhaafsi fariimo una gudbeen wicitaanno toos ah.
Warbixinta waxay shegeysaa in Jared Kushner, oo ah soddogga Trump iyo la-taliyihiisa, iyo Steve Wyckoff, oo ah ergeyga gaarka ah ee Bariga dhexe, Labaduba aanay goynin xariirka Iiraan, inta uu socday dagaalka.

Warbixinta waxay shegeysaa in qadka telefoonka ay kuwada hadleen Steve Wyckoff iyo wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Abbas Araghchi, si loo sahmiyo fursada lagu dejin karo xiisadda.
New York Times, oo soo xigatay mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa sheegtay in wada-hadallada telefoonka ee u dhexeeyay Araghchi iyo Wyckoff, waxaa lagu tilmaamay kuwo hordhac ah oo sahaminaya xal laga gaaro dagaalka.
Sida uu xusay Wargeysku, Abbas Araghchi, waxuu u sheegay Steve Witkoff in Iiraan, hadda aysan dooneyn xabbad-joojin ku-meel-gaar ah, balse ay raadineyso heshiis nabadeed oo waara, kaas oo ay ku jiraan dammaanad qaadyo ka imanaya Mareykanka iyo Isra’iil oo ah inaan mar kale la weerarin. Sidoo kale, dhinaca Iiraan, waxay dalbadeen in si gaar ah loo qaado qaar ka mid ah cunaqabateynta dhaqaale ee uu horay u saaray Mareykanka iyo in raaligalin lagabixiyo dullaankii lagu qaaday, sidokalana waxay Iiraan dalbaneysaa magdhaw aan la cayimin.
Sida muuqata Xaaladda Wada-xajoodka waxuu u muuqdaa mid ay ka maqan tahay kalsoonida labada dhinac. Dhanka Tehran waxay iska diidday in wada-hadallo dhab ah ay jiraan, waxay u aragtaa sheekada mid daarran cabsi galin, halka Washington ay wada-hadalada u aragto fursad lagu joojinkaro dagaalka ayna ku sheegankaraan guul dagaal.

Haddaba Su’aashu waxay tahay, wada-hadallada socda ma yihiin xabbad-joojin farsamo oo loogu talagalay in neef lagu qaato, mise wakiillada ka socda Islamabad, Cairo, Istanbul, iyo Oman ayaa ku guuleysan doona inay sameeyaan heshiis dhameystiran oo laga gaara dagaalka saameeyay gobolka iyo dhaqaalaha caalamka ah?

Su’aashu weli waa mid furan oo xujeyneysa awoodda diblomaasiyadda ee lagu xakameyn karo dagaalkan dhaafay dhammaan xuduudaha casriga ah iyo sadaasha khatara dagaalka.

Yaa Gacanta ku haya joojinta dagaalka, Trump mise Mojtaba Khamenei?Shaki kuma jiro in Dagaalka mar un uu istaagi doona, ...
23/03/2026

Yaa Gacanta ku haya joojinta dagaalka, Trump mise Mojtaba Khamenei?

Shaki kuma jiro in Dagaalka mar un uu istaagi doona, ma jiro dagaal weligiis sii soconkaro. Laakiin su’aasha ugu adag waxay tahay goorma ayuu istaagayaa ama dhammaanayaa dagaalka?. Su’aasha kale waxay tahay ma heshiis ayuu ku istaagi doonaa mise in hal dhinac laga adkaado?.
Si kastaba ha ahaatee, dagaalladu badanaa way ka dheeraadaan intii la filayay, sidoo kale muddada uu qaato ma aha caddayn guul-darro, balse waa xaqiiqda dhabta ah ee dagaalka.
Sida saxda ah dagaalka waxu dhamaan karaa marka la gaaro danahii loo bilaabay ama ay yimadaan caqabado lama filaan ah. Danaha dagaalka waa kuwa is beddeli karo marka loo eego saddexda dhinac ee dagaalka.
Maalinkii uu dagaalka galay toddobaadkiisii saddexaad, madaxweyna Trump iyo mas’uuliyiintiisu waxay bixiyeen calaamado is khilaafsan oo ku saabsan muddada uu Maraykanku sii wadi karo dagaalka.
Wasiirka difaaca Pete Hegseth ayaa sheegay in Trump keliya uu go’aamin karo in dagaalku ku jiro “bilowgiisi, bartankiisi, ama dhammaadkiisa,” taaso micnaheedo yahay in Trump, uu yahay midka leh go’aanka dagaalka.
Wareysi uu dhawaan siiyay bogga Axios, Trump, wuxuu sheegay in dagaalku dhowaan dhammaan doono, isagoo ku daray: “Marka aan rabo inuu dhammaado, wuu dhammaanayaa.” Si kastaba, qiyaaso qaar ayaa sheegaya in hadalladiisa ku saabsan dhammaad degdeg ah ay u egyihiin xeelad siyaasadeed, halkii ay ka ahaan lahaayeen qiimeyn dhab ah oo militari.
Khibradaha taariikhiga ah ee dagaallada waxay muujinayaan in inta badan dagaallada dhex maro dowladaha ay yihiin kuwo aan la sadaalinkarin. Tusaale, dagaalka Russia- iyo Ukraine, waxuu galay sannadkiisii afraad, waxuuna ka dheeraaday intii la filaayay.
Hoggaamiyeyaasha militariga iyo siyaasiyiinta Israa’iil, ayaa sida muuqato aad uga niyad-jabsan waqtiga dagaalka, iyagoo muujinaya in daciifinta awoodda militari ee Iiraan ay u baahantahay howlgallo joogto ah muddo dheer qaadankarto, taana waxay meesha ka sareysaa filashadii h**e ee aheed in muddo gaaban lagu soo afjaro dagaalka.
Marka laga eego dhinaca Israa’iil, yoolkeeda militari waa in la yareeyo khataraha ka imaan karo Iiraan. Balse Mareykanka waxaa u muuqda inuu meesha ka saaro maamulka Iiraan, Farqiga u dhexeeya Washington iyo Telabib, wuxuu sii kordhinayaa hubanti la’aanta mustaqbalka dagaalka.
Qiyaasaha ugu miisaanka culus waxay sheegayaan in aan la filaneynin in nidaamka Iiraan, uu si dhaqsa ah u burburikarin sababa badan awgood.
Taasi waxaa kuu caddeynkarta waxaa dilay hoggaamiyihii sare ee Iiraan, Ali Khamenei, kadib weerar cirka ah oo ay fuliyeen Maraykanka iyo Israa’iil. Iiraan waxaay si dhaqsaleh u doortay wiilka hoggaamiyihii la dilay, Mojtaba Khamenei, si uu u noqdo hoggaamiye sare dalka, taasi waxay lama filaan ku noqotay xulufadii dagaalka.
Isla waqtigaas, waxaa dunida laga dareemay hoos u dhac dhaqaale, marin biyoodka Hormuz, oo ay maraan ku dhawaad shan meelood meel sahayda shidaalka adduunk ayaa xermay, suuqyada tamarta waxay la kulmeen isbeddello xooggan, qiimaha shidaalkuna wuu kacay inkasta oo soo saarayaasha Shidaalka ay fasaxeen keydkoodii.
Dhanka kale, Iiraan waxay fahamsan tahay inay ku jirto dagaal kii ugu danbeeyay oo la damacsanyahay in lagu burburiyo, mana danaynayso in si degdeg ah loo soo afjaro xiisadda, sida ka muuqato wararka aan is khilaafsaneen ee ka soo baxaya Siyaasiyiintooda.
Sidaas darteed, haddii Tehran ay sii haysato awooddeeda militari—oo ay ku jiraan hanjabaadaha aan sinnayn—si ay u waxyeelayso Maraykanka iyo xulafadiisa, isla markaana ay sii hayso qiimaha tamarta oo sarreeya, waxay noqon kartaa dhinaca ugu dhow ee go’aamin kara dhammaadka dagaalka.
Arrintan, waxay mas’uuliyiinta Maraykanka iyo Israa’iil hordhigeysaa su’aal aan la iska indho tiri Karin, taasi oo ah ma la gaaray yoolkii dagaalka maxaase laga faa’iday?
Marka la eego Warbixin ay dhawaan daabacday Jariirada The New York Times, oo si qoto dheer u falanqaynaysaa guul-darrada ku timid qorshihii Mareykanka iyo Israa'iil ee ku aaddanaa isbeddelka nidaamka Iiraan, ayaa sheegtay in
Mareykanka iyo Israa’iil, markii h**e ay filayeen in weerarrada Iiraan lagu qaaday ay keeni doonaan kacdoon shacab oo horseeda in xukunka laga tuuro madaxda dowladda Iiraan, balse taasi ma dhicin waxayna sii xoojisay filashadii Saraakiisha sirdoonka ee ku saabsanaa in dagaalka uusan si cad u abuurikarin cadaadis dibadda ah ama kacdoon gudaha ah.
Sidokale, waxaa la laalay fikradahii ahaa in la adeegsado xoogagga Kurdida si ay qeyb uga noqdaan rida nidaamka, ka dib markii la darsay khataraha ka dhalankara iyo nidaamka Iiraan oo soo bandhigay sida ay ugu baraan dageen qorshaka dagaallo ka dhaca gudaha dalka.

Gabagabadii, waxaan orankarnaa Trump wuxuu awood u leeyahay inuu ku dhawaaqo in dhiniciisu dagaalka ka baxay, taasi oo saameyn kartaa jihada dagaalka, balsemidas ma dammaanad qaadi karto in dagaalku dhammaaday haddii
Mojtaba Khamenei, oo leh awood la mid tan Trump uusan dhankiisa aqbalin joojinta dagaalka. Si kastaba ha ahaatee, go’aanka joojinta dagaalka ma jiro dhinac si dhab ah u balan qaadi karo haddii aanan la helin go’aamo mideysan oo u dhaxeeya dhinacyada dagaalamaya.

Saamaynta iyo waxa laga dhaxli karo sii socoshada dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo IiraanDagaal kasta oo ka...
10/03/2026

Saamaynta iyo waxa laga dhaxli karo sii socoshada dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan

Dagaal kasta oo ka dhaca Bariga Dhexe wuxuu saameyn ballaaran ku yeeshaa gobolka iyo dunida inteeda kale. Haddii uu sii socdo ama sii xoogaysto dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo xulufadiisa iyo Iiraan, waxaa ka dhalan kara dhibaatooyin isugu jira mid milatari, dhaqaale, isaseeg siyaasadeed iyo mid bani’aadamnimo. Gobolka Bariga Dhexe waa meel istaraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah iyo tamarta, sidaas darteed dagaal kasta oo halkaas ka dhaca wuxuu saameyn toos ah ku yeelan karaa dalal badan oo caalamka ah.

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu horreeya ee laga dhaxli karo dagaalka sii socda waa colaad ku baahda gobalka. Iiraan waxay leedahay xulafo iyo kooxo taageera oo ku sugan dalal kala duwan oo gobolka ah, halka Mareykanka iyo Israa’iil ay sidoo kale leeyihiin xulafo kale. Haddii dagaalku sii dheeraado, waxaa suuragal ah in dalal kale ama kooxo hubaysan ay ku biiraan, taasoo keeni karta dagaal ka ballaaran kan iminka socda.

Arrinta labaad, waa saameynta dhaqaale, gaar ahaan dhinaca shidaalka iyo ganacsiga caalamiga ah. Bariga Dhexe waa halka laga soo saaro qayb weyn oo ka mid ah shidaalka dunida. Haddii dagaal uu sii socdo, waxaa khatar geli kara marinnada muhiimka ah ee maraakiibta shidaalka, taas oo sababi karta in qiimaha shidaalka kor u kaco. Markaasna waxaa saameyn ku yeelan doontaa dhaqaalaha dunida oo dhan, gaar ahaan dalalka saboolka ah.

Waxaa muhiim ah oo aan meesha ka marneen waa kororka xiisadda siyaasadeed ee caalamka. Marka dalal awood leh ay isku dhacaan, waxaa dhici karta in quwadaha kale ee caalamka ay siyaasad ahaan kala saftaan. Taasi waxay kordhin kartaa xiisadaha caalamiga ah, waxayna mararka qaar keeni kartaa tartan cusub oo dhanka Hub iyo Tignolojiyadda ah.

Ugu dambeyn, sii socoshada dagaalka noocan oo kale ah waxay keeni karaa khatar amni oo caalami ah, sababtoo ah marka colaado waaweyn dhacaan waxaa kordha weerarrada aan tooska ahayn, falalka aargudashada iyo khataraha amni ee ka dhasha qalalaasaha siyaasadeed.

Sii socoshada Dagaalkan u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan, wuxuu yeelan karaa saameyn aad u ballaaran oo ka baxsan dalalka hadda ishaya. Waxaana sii xoogeeysan karo colaadda, dhibaato dhaqaale, qalalaase ammni, xaalad bani’aadamnimo iyo xiisad siyaasadeed oo caalami ah. Sidaas darteed, xal nabadeed iyo wada-hadal diblomaasiyadeed ayaa ah waddada ugu habboon ee lagu yareyn karo khatarahaas aan soo xusnay.

Side loo arkaa magacaabista Mojtaba Khamenei oo noqday hoggaamiyaha IiraanMagacaabista Mojtaba Khamenei inuu noqdo hogga...
09/03/2026

Side loo arkaa magacaabista Mojtaba Khamenei oo noqday hoggaamiyaha Iiraan

Magacaabista Mojtaba Khamenei inuu noqdo hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa noqotay arrin si weyn looga hadlay siyaasadda caalamka. Mojtaba ayaa beddelay aabbihiis Ali Khamenei, oo muddo dheer ahaa hoggaamiyaha ugu awoodda badan dalka. Isbeddelkan hoggaamineed wuxuu yeelan karaa saameyn ballaaran oo ku saabsan gudaha Iiraan, gobolka Bariga Dhexe, iyo xiriirka caalamiga ah ee dalkaas.

Ugu horreyn, gudaha Iiraan waxaa laga yaabaa inay ka dhalato dood siyaasadeed oo xooggan. Dad badan ayaa is weydiinaya in xilka si qoys ah loogu wareejiyay Mojtab, maadaama uu si toos ah u beddelay aabbihiis. Qaar ka mid ah shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah waxay arrintan u arkaan mid u eg nidaam boqortooyo, taas oo keeni karta muran siyaasadeed iyo mudaaharaadyo. Dhanka kale, taageerayaasha nidaamka iyo hay’adaha awoodda leh sida ciidamada kacaanka waxay u arki karaan magacaabistan mid sii xoojinaysa xasiloonida siyaasadeed iyo sii wadidda siyaasaddii Ali Khamenei.

Marka la eego gobolka Bariga Dhexe, hoggaamiyaha cusub wuxuu saameyn ku yeelan karaa siyaasadda dibadda ee dalka. Inta badan Iiraan waxay door muhiim ah ka ciyaartaa arrimaha dalal badan oo gobolka ku yaalla sida Ciraaq, Suuriya, Lubnaan iyo Yemen. Haddii Mojtaba Khamenei, uu sii wado siyaasaddii aabbihiis, waxaa dhici karta in taageerada ay Iiraan, siiso xulafadeeda gobolka ay sii socoto ama xitaa kororto. Tani waxay xoojin kartaa xiisadaha gobolka.

Dhinaca caalamka, magacaabista hoggaamiyaha cusub waxay saameyn ku yeelan kartaa xiriirka Iiraan iyo dalalka reer galbeedka. Dalalka sida Mareykanka ayaa muddo dheer khilaaf kala dhexeeyay Iiraan, gaar ahaan arrimaha la xiriira barnaamijka nukliyeerka. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta caalamka, oo uu ugu h**eeya madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa walaac ka muujiyay hoggaanka Mojtaba.

Hoggaamiyaha cusub ee Mojtaba Khamenei, waa ninka ugu sareeya Siyaasadda Iiraan, wuxuu si toos ah u maamulaa ciidamada iyo go’aamada waaweyn ee Jamhuuriyadda. Sidaas darteed, isbeddelka hoggaanka wuxuu saameyn ku yeelan karaa istiraatiijiyadda militari ee dalka iyo xiisadaha ka jira gobolka.
Ugu dambayn, magacaabista Mojtaba Khamenei, waxay noqon kartaa mid sii wadda nidaamka siyaasadeed ee Iiraan, iyadoo ay suuragal tahay in ay abuurmaan caqabado cusub oo gudaha iyo dibadda ah, taasi oo ku xirnaan doonta sida hoggaamiyaha cusub uu u maareeyo arrimaha gudaha, xiriirka caalamiga ah, iyo xiisadaha gobolka, balse waxaa biyo k**a dhibcaan ah in halkii aabahiis uu ka joogay xariirka reer galbeeda aanay waxba iska badali doonin.

Maxaa sababay in Iiraan joojiso Duqeymahii ay ka wadey dalalka Khaliijka?Malinnimadii Shalay madaxweynaha Dowladda Iiraa...
08/03/2026

Maxaa sababay in Iiraan joojiso Duqeymahii ay ka wadey dalalka Khaliijka?

Malinnimadii Shalay madaxweynaha Dowladda Iiraan Masoud Pezeshkian, ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in dalkiisu joojinayo duqeymihii lagu hayay dalalka deriska ah ee ku yaalla gobolka Persian Gulf. Go’aankan ayaa yimid xilli ay jirto xiisad militari oo ka taagan Bariga Dhexe, gaar ahaan Iiraan, oo dhinac ah iyo Isbaheysiga uu hoggaaminaya Mareykanka.

Go’aankan ka soo baxay Iiraan, ayaa la aaminsan yahay inay keeneentay in Iiraan, ay joojiso duqeymaha ay ka wadday dalalka ku yaalla gobolka dhawr arrimood oo is biirsaday.
Sida ay qabaan dadka wax falanqeeya go’aankan waxaa keenay sababa dhawr ah oo is biirsaday sida.

1. Cadaadis Caalami ah
Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn waa cadaadiska kaga yimid quwadaha waaweyn ee uu hoggaamiyo Mareykanka. Dalalkan ayaa si cad uga digay in weerarrada ka socda Khaliijka ay keeni karaan dagaal ballaaran oo gobolka oo dhan ku fida. Si taas looga hortago, Iiraan, waxay dooratay inay joojiso duqeymaha ka dhanka ah dalalka Khaliijka, balse taasi badalkeeda waxay ku xertay sharuud aheed in dhankooda aanan laga soo weerarin.

2. Ka hortagga Dagaal weyn oo gobolka ka qarxa
Dalalka Khaliijka sida Sacudi Carabiya, Imaraadka, iyo Qatar waxay xariir militari la leeyahiin Maraykanka. Haddii duqeymaha sii socdaana, waxaa dhici karta in dalalkan ay si toos ah ugu lug yeeshaan dagaalka, taas oo keeni lahayd in xiisadda gobolka ay sii fogaato.

3. Ilaalinta Dhaqaalaha gobolka
Gobolka Khaliijka, wuxuu muhiim u yahay dhaqaalaha adduunka sababtoo ah waa halka laga dhoofiyo qayb weyn oo ka mid ah shidaalka dunida. Haddii weerarradu sii socdaan, waxay dhaawici kartaa dhoofinta Shidaalka iyo gabi ahaan ganacsiga caalamiga ah. Sidaas darteed Iiraan waxay dooratay in ay dajiso xaaladda.

4. Suurtagalnimada Gacmo kale oo la tuhunsanyahay inay ku lug leeyahiin duqeymaha Khaliijka
Su’aasha ah in Iiraan kaligeed duqeymaha waday iyo in kale waa arrin ay falanqeeyaan khubarada siyaasadda. Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha waxay sheegaan in mararka qaarkood ay jiraan kooxo hubeysan ama daneeyayaal kale oo ka shaqeeya in ay kiciyaan xiisadda si loo wiiqo dhaqaalaha dalalka Khaliijka.

Inkasta oo Iiraan nafteeda ay sheegtay in duqeymahii ka dhacay dalalka khaliijka qaarkood anay fulinin haddana caddeyn rasmi ah oo muujineysa in duqeymaha ay wadeen gacmo kale oo qarsoon wali si buuxda looma xaqiijin.

Marka la soo koobo, go’aanka Iiraan ee joojinta duqeymahii ay ka waday dalalka Khaliijka, wuxuu ka dhashay isku darka cadaadis caalami ah, rabitaanka Iiraan ee ah in la ilaaliyo xiriirka deriska, ka fekerka dhaqaalaha dalalka Carabta iyo isku day lagu dejinayo xiisadda ka jirta Bariga dhexe. Tallaabadan waxaa loo arkaa mid horseedi karto deganaansho, balse waxay ku xirnaan doontaa sida ay dhinacyada kale ee ku lugta leh dagaalka uga jawaabaan.

Ilaalada Kacaanka Iiraan, waxay digniintii ugu danbeeysay u direen ciidamada Maraykanka ee damacsan Marinka HormuzCiidam...
07/03/2026

Ilaalada Kacaanka Iiraan, waxay digniintii ugu danbeeysay u direen ciidamada Maraykanka ee damacsan Marinka Hormuz

Ciidamada Iiraan ayaa manta o Sabti ah digniintii ugu danbeeysay siiyay kuwa Mareykanka ee sheegay inaay ilaalinayaan maraakiibta ganacsiga si ay uga gudbaan marinka Hormuz, kadib markii Iiraan ay ku dhawaaqday inay xirtay marinkan muhiimka ah ee maraakiibta.

Digniintay ayaa soo baxday kadib markii wasiirka tamarta ee Maraykanka Chris Wright uu sheegay in ciidanka badda ee Maraykanka ay isu diyaarinayaan ilaalinta maraakiibta mara marinkan istaraatiijiga ah ee Hormuz.

Afhayeenka Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan Ali Mohammad Naeini, oo la hadlay Wakaaladda wararka ee Fars News Agency, ayaa yiri: “Waxan aan sugaynaaba waa iyaga… waxaan kula talinaynaa Maraykanka, ka hor inta aysan go’aan qaadan inay xasuustaan weerarakii markabkii weynaa ee shidaalka Maraykanka SS Bridgeton ee dhacay sanadkii 1987 iyo sidoo kale maraakiibtii shidaalka ee dhawaan la beegsaday.”

Hadalka wasiirka tamarta ee Maraykanka ayaa ku soo beegmay xilli uu wargeyska The Wall Street Journal, uu sheegay in maamulka madaxweynaha Trump uu diyaariyay caymis lacageed oo dhan 20 bilyan oo doolar si loo ilaaliyo maraakiibta ganacsiga ee ka gudbaya Marinka Hormuz.

Saddex sababood awgood Iiraan ma ahan Venezuela Iyadoo uu wali sii socda dagaalka ay sida wada jirka ah ugu qadeen Marey...
07/03/2026

Saddex sababood awgood Iiraan ma ahan Venezuela

Iyadoo uu wali sii socda dagaalka ay sida wada jirka ah ugu qadeen Mareykanka iyo Israel, Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiraan, kaasi oo galay toddobaadkiisii labaad, ayaa waxaa jira doodda caalamiga ah oo ku saabsan isbarbardhigga Venezuela iyo Iiraan, waxayna tani ka gudubtay su’aal laga yaabo in lagaga jawaabo “haa” ama “maya”, balse Jawaabta ka dhigeysa “Iran ma ahan Venezuela.”
Sax ahaanshaha Jawaabtan, waxaa ugu h**eeynba ka dhawaajiyay Thomas Massie, oo ah xildhibaan ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, isaga oo ka hadlayay toddobaadkan gudaha Congress-ka ayuu ka sheegay hadal markhaati u eg, isagoo yiri: “Nicolás Maduro ma ahan hoggaamiyaha sare ee Iiraan Ali Khamenei. ”
Hadalkan ayaa gabi ahaanba meesha ka saaraya hadaladii Donald Trump, ee ku aaddanaa isbarbar dhigga xaaladda Venezuela iyo Iiraan.
Isbarbardhigga labada xaaladood iyo isku dayga in la saadaaliyo inay suurtagal tahay in qaabka Venezuela lagu dabaqo Iiraan, waxay u baahan tahay in si cad loo eego xogaha aasaasiga ah ee labada Waddan.
Marka koowaad: istiraatiijiyadda juqraafiyeed
Marka laga hadlayo juqraafiyadda Venezuela, si ka duwan Iiraan, waxay ahayd bartilmaameed aad u sahlan marka loo eego qorshaha milatari ee Maraykanka.
Mashiinda ay adeegsadaan milatariga, gaar ahaan kuwa hawada iyo badda ee Maraykanku waxay si xor ah u gaaf wareegayeen Badda Caribbean-ka, iyadoo hubkooda iyo ciidamadoodaba ay ku sugnaayeen gooba u dhaw biyaha iyo dhulka waqooyi ee Venezuela, taa oo si weyn u fududeeysay damacii Mareykanka uu ka lahaa Venezuela.
Dhanka kale, xaaladda Iiraan, waxay noqon doontaa mid aad u adag, waayo? waa waddan aad u ballaaran, dhulkiisuna ka badan yahay 1.5 milyan km², lehna juqraafi kala duwan. Intaa waxaa dheer, waxaa ku hareeraysan dowlado xulafao la ah gaar ahaan China iyo Russia, taana waxay Maraykanku ku qasbeysaa inuu tixgeliyo.
Intaa waxaa dheer, Iiraan waxay maamushaa marin-biyoodka Hormuz, waxayna sababi kartaa in suuqyada iyo saamiyada caalamka, qiimaha shidaalka iyo gaaska ay si waalli ah kor ugu kacaan. Arrintani kaligeed waxay wax ka badali kartaa qorshaii ay is tuseen Trump iyo Netanyahu.
Midda labaad: dhinaca awoodda milatariga
Marka la eego arrinta milatariga, istaraatiijiyadda Washington ee keentay in ay weerarto Iirana 28-kii Febraayo, saldhigeedu waxuu ahaa.
• Duqeyn cabsi gelin ah.
• Dil ama beegsiga hoggaamiyeyaasha Iiraan.
• Kicin shacabka, si marka meesha laga saaro hoggaanka dalka ay ula wareegaan dad ayaga taabacsan.
Laakiin Trump iyo Netanyahu, waxay si buuxda u fahmin in nidaamka iIraan ay horay u dajiyeen qorshe ku saabsan in si degdeg ah loo buuxiyo boos kasta oo bannaanaada, tusaale, haddii la dilo ama la waayo hoggaamiyaal sare, sida hoggaanka sare ee dalka, wasiirka difaaca ama mas’uuliyiin kale oo culus sida toddobaadkii h**e dhacay haddana waxaan aragnaa in nidaamku uu sii shaqaynaayo iyadoo aan la dareemin qalalaase weyn.
Waxaa mudan in maanka lagu haayo inay lama filaan tahay in amniga Iiraan uu raali ka noqdo inay dhacdo mid la mid ah tii ka dhacday Venezuela.
Sababaha arrintan meesha ka saaraya waxaa ka mid ah:
• Farqiga awoodda milatari ee labada dal.
• Kala duwanaashaha Dareenka waddaniyadeed iyo midka diineed ee mas’uuliyiinta labada Waddan.
• Farqiga Kalsoonida Shacabka ay u hayaan dalkooda iyo hoggaankooda.
In kasta oo ay jiraan Jawaasiis ka howlgala gudaha Iiraan, haddana dilalka qorsheysan ayaa ka dhow in la afduubto madaxda dalkaasi.
Waxaakale oo sii xoojinaya kala duwanaashaha habdhaqanka labada dowladood ay u dajiyeen Ciidamada. Hadii aan ku hormarno Miisaaniyadda milatari Venezuela qiyaastii waa 4 bilyan oo doolar sanadkii. Halka Iiraan ay ka badan tahay 23 bilyan oo doolar.
Difaacyada hawada ee Venezuela waxay ku kooban yihiin gantaallada Ruushka uu farsameeyay oo duuggobay sida, S-125 iyo S-300. Laakiin Iiraan, waxay ku guulaysatay inay samaysato tiknoolajiyadda difaac hawadeeda, waxay soo saartay Bavar-373 iyo nidaamyo kale oo ay iyadu horumarisay, kuwaas oo awood u leh inay ogaadaan ama xitaa soo ridaan diyaaradaha tiknoolajiyada sare lagu farsameeyay.
Midda saddexaad: istaraatiijiyadda Delcy Rodríguez
Marka laga hadlayo istaraatiijiyadda ay qaadatay madaxweynaha ku-meelgaarka ah ee Venezuela Delcy Rodríguez, oo isku dayday inay noqoto beddel gudaha ah oo lagaga maarmay madaxweynahii dalka. sida ay qabaan qaar ka mid ah falanqeeyayaasha Latin America, Delcy, Waxay si dhaw uga shaqeeysay waxii ka dhacay dalkeeda. Waxayna ku tilmaameen mowqifkeeda inay u sameeysay waxkasta si ay u badbaadiso Venezuela oo aanay u burburin.
Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha waxay qabaan in waxii Venezuela, ka dhacday ay aad ugu yar tahay inay ka dhacdo Iiraan. Alberto Priego, oo ah falanqeeye siyaasadeed ayaa sheegay in dabeecadaha maskaxeed ee bulshada Iiraan aysan aqbalikarin fikraddaha noocaan ah, sababtoo ah tani waxay si toos ah uga hor imanayso dabeecaddaha, nidaamka iyo aas-aaska fikradeed dadka reer Iiraan. Sidaas darteed, waa wax aad u adag in la qiyaaso in qof ka tirsan nidaamka Iiraan uu hadda qaato doorka Delcy Rodríguez. Sababtu waa in wada-shaqayn kasta oo noocaas ah gudaha Iiraan, looga arko mid dhaawacaysa madaxbannaanida iyo daacadnimada qaran.
Waxaa jira arrimo kale oo weerarka Iiraan, ka dhigaya mid ka duwan kii Venezuela ka dhacay. Waxaana Arrimahan ka mid ah:
• Taariikhda Iiraaniyiinta ee la xiriirta dagaallada.
• Kala duwuwanaashaha Dabeecaddaha muwaadiniinta laba dal.
• Ku kala aragti duwanaashaha qiyamka dalka.
• Miisaanka tirada dadka (demography).
Waxaa intaa dheer, dhaqanka bulshada Iiraan, aad buu uga duwan yahay dhaqamada bulshada qaaradda Ameerika ha ahaato Waqooyi ama Koonfur.
Gabagabadii. Marka loo eego dhamaan arrimaha aan soo xusnay waxay caqabad ku noqon kartaa awoodda United States, waa haddii ay ku sii adkeystaan sii wadidda duullaanka military ee ay ku qadeen Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

28/12/2025

Waa degaan Quruxbadan kana mid Dhulkeena Hooyo.
Hadduu jira qof aqoon u leh Comments-ka hanagula wadaago.
.

15/06/2025

Warar goordhaw soo dhacay ayaa sheegaya in magaalada Irbid ee Jordan, ay ku dhacday Diyaarad ka mid ah kuwa aan duiliyaha laheen ee Iiraan oo ku wajahneed Isra’iil.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Cirka ee dowladda Jordan ay soo rideen diyaaradan ay leedahay Iiraan.

15/06/2025

Dowladaha Pakistaan iyo Ruushaka ayaa la sheegayaa in ay bilaabeen shixnado diyaarado ah oo sida gargaar kuwaa oo ay u dirayaan dalka Iiraan, sidaas waxaa sheegay Channel-ka 12 ee ku hadla afka maamulka Isra’iil.

14/06/2025

Wararka ka soo kordhay xiisadda dagaal ee Iiraan iyo isra’il ayaa sheegaya in Dowladda Pakistan ay ku wargalisay Mareykanka iyo Dowladaha la safan maamulka Yahuudda, in weerar kasta oo looo adeegsado hubka wax gumaada ee Nukliyeerka oo lagu rido Iiraan ay ka bixin doonaan jawaab kale, iyaga oo adeegsan doona Nukliyeer.

Pakistan ayaa wacad ku martay iney dhulka la simi doonto Israil hadii Iiraan loo adeegsado Hubka wax gumaadda.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Pakistan ay sidoo kale ku wargelisay Madaxda dalalka Faransiiska iyo Maraykanka in haddii ay caddaato in Dalkale uu si toos ah u soo farageliyo dagaalka u dhaxeeya Dehran iyo maamulka Talabib ay Pakistan ay si toos ah u garab istaagi doonto Iiraan.
Warkan ayaa waxaa goordhaw wariyay Saxaafadda Yahuuda ee xariirka la leh Maamulka N-Yahu, xilli caawa markale ay ku bilowdeen Diqeymo culus.

24/07/2023

Maxaad kala socotaa Xirfadaha looga raadinta badanyahay Suuqyada shaqada Adduunka?

Address

Makka Almukarama Street
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xogta Dunida posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share