Taliska Policeka Degmada Balanballe

Taliska Policeka Degmada Balanballe shaqadeenu waa u adeegidda Bulshada

24/10/2023

Taliska policeka degmada Balanballe oo maanta sameyey hawlgal ciidan oo lagu xaqiijinayo amniga deeganada xeeran degmada Balanballe

Waxaa hogaaminayay hawlgalka Taliyaha Qaybta booliska gobolka Galgaduud gaashanle qalbi Axmed, Taliyaha saldhiga Booliska degmada Balanballe Cabdifitaax Daahir iyo ku xigeenkiisa Cabdishukri Cawil isaxaaq.

Taliyaha policeka qaybta gobolka Galgaduud gaashanle Qalbi Axmed, Taliyaha Saldhigga policekada degmada Balanballe dhamm...
22/10/2023

Taliyaha policeka qaybta gobolka Galgaduud gaashanle Qalbi Axmed, Taliyaha Saldhigga policekada degmada Balanballe dhamme Cabdifitaax Daahir, taliye ku xigeenka Degmada Guriceel ahna taliyaha koontoroolada Galmudug dhamme Cabdi Cali gurey, taliye ku xigeenka degmada Balanballe L/xidigle Cabdishukri Cawil isaxaaq oo ay wehelinayaan gudoomiye ku xigeenka degmada Balanballe jaamac muxumed Diini iyo agaasimaha amniga iyo siyaasadda degmada Balanballe Micraaj ayaa maanta booqday deeganka Xirsi lugey oo ka mid ah deeganada hoos yimaada degmada Balanballe waxayna halkaas kulamo kula soo qaateen dadka
Deeganka ayaga oo kala soo hadlay sidii nabadda iyo xasiloonida dadka isku oodda ah looga wada shaqayn lahaa.

Masuulyiinta ayaa bulshada kala hadlay in kala
Shaqeeyaan amniga sidoo kalena ciidanka ay ku soo wargaliyaan cidii wadda wax liddi ku ah xasilooda deeganka.

Dhanka kale shacabka xirsi lugey ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan ciidanka waxayna balan qadeen in la shaqayn doonaan.

13/11/2022
Hawlgal  balaaran oo ay sameeyeen ciidanka policeka degmada Balanballe oo uu hogaaminayay madaxa hawl-galinta ciidanka p...
20/08/2022

Hawlgal balaaran oo ay sameeyeen ciidanka policeka degmada Balanballe oo uu hogaaminayay madaxa hawl-galinta ciidanka policeka Fanax Faarax Duwane ayaa waxaa laga sameeya degaano badan oo Balanballe ku teedsan waxaana u jeedkiisu ahaa sidii looga hortagi lahaa dadka dhulka ku wada nabaad guurinta.

Waxaana intii ay hawlgal ka ku jireen u suurta gashay in ay helaan goobo lagu shido dhuxusha waxayna ciidanku gacanta ku dhigeen agabkii halkaas yaalay ayaga oo la wareegay sidoo kale waxay baadi goob ugu jiraan dadkii shiday.

Balanballe ayaa waligeed waxaa mabnuuc ka ahaa jarista dhirta iyo in laga shido dhuxul waxaana qofkii lagu qabto asaga oo sidaas samaynaysa la saaraa ganaax laacageed iyo xarig.

Baaq nabadeedEebow walaalaha Isdilay baaji dirir toodaEebow dakano waa baleeQari waxii daatayDuba culus ruuxuu kudhacoDa...
10/12/2021

Baaq nabadeed
Eebow walaalaha
Isdilay baaji dirir tooda
Eebow dakano waa balee
Qari waxii daatay
Duba culus ruuxuu kudhaco
Daamankaa jabba,e
Eebow ilkihii daate
Oo waan dulaaqnahaye
Dad islaaama oo saan noqdaa
Waa daliil nimo,e
Danta cadawga weeyiyo
Shar wade dihashadiisiiye
Sidaad diinka qoloftiisa adag
Haada uga daahday
Eebow wax khayr loo dadaga nagu dawee manta
Eebow laka daadayoo waxaan nahay dab iyo baasiine cid kaloo dib noo eegtay iyo duul kalaan jirine
Daladaada eeboow ku qari ceebtayada daadsan )

Waxa kaxa kasocda nawixiga dagmada balanbale
Wax ladaawan karo maahan dad ahaan iyo diin ahaanba waa loolumayaa hadaan laga hortagin dhiiga islaankoo macna la,aanta kudaa danaya

Taliyaha Guud ee Ciidanka Policeka Galmudug  Gaashanle sare khaliif cabdille maalin iyo  taliyaha policeka Qaybta Galgmu...
04/01/2021

Taliyaha Guud ee Ciidanka Policeka Galmudug Gaashanle sare khaliif cabdille maalin iyo taliyaha policeka Qaybta Galgmudug gaashanle Dhexe Sharmaake cabdul Warsame iyo wafti ay hogaaminayaan ayaa soo gaaray degmada Balanballe Galbeedka Gobolka Galgaduud.

Taliyaayasha iyo waftigii la socday ayaa waxaa magalada ku soo dhaweeyey Taliyaha Policeka Degmada Balanballe Dhamme Abdifitax Daahir Xirsi waxayna kormeer ku sameyeeyeen Saldhiga Policeka Balanballe dhanka kalana waxay xogo ku saabsan sida ciidanku u hawl galo ka qaateen Taliyaha policeka degmada dhamme Cabdifitaax Daahir Buldhe.

Taliska policeka degmada Balanballe oo hogaaminayo Taliyaha saldhiga Axmed  ayaa saaka soo qaaday maydka mid ka mid ah d...
12/10/2020

Taliska policeka degmada Balanballe oo hogaaminayo Taliyaha saldhiga Axmed ayaa saaka soo qaaday maydka mid ka mid ah dablay hubaysan oo xala wadada u gashay gaari ay saarnaayeen dad shacab oo ku wajahnaa deeganka qaran oo ka tirsan degmada Balanballe, Ciidanka oo tagay goobta oo u falku ka dhacay una kuur galay sida wax u dhaceen ayaa ogu danbayntii soo qaaday maydka waxaana loo gudbiyay dhanka magalada Guriceel iyadoo lagu waeeejiyay taliska Policeka magalada Guriceel.

Ilaalinta amniga waa waajib saaran cidwalba, waxaana kula dardaarmaynaa Bulshada ku dhaqan degmada Balanballe  in police...
08/09/2020

Ilaalinta amniga waa waajib saaran cidwalba, waxaana kula dardaarmaynaa Bulshada ku dhaqan degmada Balanballe in policeka ay kala shaqeeyaan sidii amniga loo sugi lahaa.

05/09/2020

Taliska Policeka degmada Balanballe waxay ku wargalinayaan dhamaan bulshada ku dhaqan degmada Balanballe in aan la arki karin Qof shacab ah oo Qori wata.

Address

Tembisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Taliska Policeka Degmada Balanballe posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category