21/12/2025
Ogeysiis iyo Digniin Rasmi ah
Digniintan waxa ay ka timid hay’ado dowladeed oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii saraakiil amni ay heleen xog iyo faylal la xiriira arrintan oo u baahan feejignaan degdeg ah.
Waxaa la helay xog muujinaysa in Mohamed Cabdullaahi Ciro oo ah hogaamiyaha Somaliland uu wado qorshe lagu doonayo in lagu soo dejiyo dhulka Somaliland ciidamo h**e uga qeyb qaatay dagaalladii ka socday magaalada Gaza, kuwaas oo la safnaa ciidamadii Israa’iil. Ciidamadan ayaa la sheegay in aysan helin waddan ay magangalyo ka helaan, isla markaana cadaadis caalami ah lagu saaray in aan lagu dejin dhulalka hadda Israa’iil maamusho. Sidaa darteed, waxaa jira dadaallo lagu doonayo in lagu wareejiyo dhulka Somaliland, iyaga oo ay la socdaan xaasaskooda iyo carruurtooda. Xogta la helay waxay sidoo kale tilmaamaysaa in qaar ka mid ah dadkaasi aysan ahayn Carab asal ahaan ama Falastiiniyiin, balse ay yihiin shakhsiyaad tababar militari leh.
Qodobka labaad ee khatarta leh ayaa ah in dadkaasi yihiin ciidamo aqoon iyo waayo-aragnimo dagaal leh, taas oo mustaqbalka u horseedi karta khatar amni iyo mid dhuleed. Waxaa jirta cabsi macquul ah oo ah in sannado kadib, degaan la dejiyo ay u beddeli karaan goob ay ku yeeshaan sheegasho xoog ah, taas oo khatar weyn ku ah xasilloonida iyo lahaanshaha dhulka.
Sidoo kale, waxaa jira isku dayo lagu doonayo in arrintan lagu xiro olole aqoonsi siyaasadeed ee Somaliland , arrin si cad loo caddeeyay in aysan suurtagal ahayn, maadaama ay si toos ah uga hor imanayso danaha caalamka, isla markaana kicin karto falcelin amni oo ka ballaaran gobolka .
Digniin ku Socota Beelaha Deegaanka
Waxaa si gaar ah loo ogeysiinayaa Beesha Isaaq in ay jirto halis dhab ah oo ku saabsan in dhul u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera lagu dejiyo dad aan Soomaali ahayn. Arrintan waxay keeni kartaa in dhul daaqsimeed iyo mid bulsho loo beddelo degaan joogto ah, taas oo mustaqbalka sababi karta barakicin iyo muran dhuleed.
Sidoo kale, waxaa jira khataro amni oo la xiriira weerarro kaabayaal dhaqaale, sida garoomada diyaaradaha iyo dekedaha, maadaama goobahan ay h**eyba ugu jiraan bartilmaameedyo ay daneeyaan kooxaha hubeysan ee gobolka ka hawlgala.
Waxaa si cad loo muujinayaa in ciidan dagaal soo maray uusan ahayn qaxooti, balse uu yahay awood hubeysan oo u baahan feejignaan gaar ah.
Digniin Guud
Beelaha Samaroon iyo Ciise waxaa lagu boorinayaa in ay ilaashadaan dhulkooda, isla markaana ay ka digtoonaadaan in lagu dejiyo dad aan Soomaali ahayn. Waxaa h**ey loo maqlay ballanqaadyo sheegaya aqoonsi dhowyahhay Somaliland oo la aqoonsandoono bishaan december taas ku xirna in dhulkaan la dajiyo ciidankaas,, balse sida ay xaqiijiyeen saraakiil sirdoon oo dowladeed, arrimahaasi weli ma hirgelin, khilaafna waa uu ka taagan yahay.
Ugu dambeyn, dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxaa la ogeysiinayaa in warar iyo ololeyaal cusub ay soo bixi doonaan oo lagu doonayo in lagu caadiyeeyo keenista dad la sheegayo in ay qaxoot falastiin yihiin, balse dhab ahaan ah ciidamo abaabulan. Dadka reer Falastiin si cad ayay u diideen ka bixitaanka dhulkooda, sidaa darteed waa in laga feejignaadaa warar marin-habaabin ah.
Dhulku waa tiirka jiritaanka qabiilka iyo qaranka.
Dhulkiinna ilaashada. Fejignaan muujiya.