10/15/2022
War-saxaafadeed ku Saabsan
Xaaladda Murugsan ee Galbeedka Gobolka
Sida la wada ogsoonyahay shantii sano ee la soo dhaafay si ka duwan gobollada kale ee deegaanka soomalida, gobolka Siti waxa ku habsatay colaad joogto ah oo qorshaysan taas oo ugu danbayn sababtay in xasuuq bahalnimo ahi ka dhaco saddexda magaalo ee Soomaaliyeed ee kala ah Garbaciise, Cadayti iyo Cundhuufo. Kasokow xasuuqa ba’an oo ay ku naf-waayeen kumannaan shacab rayid birimagaydo ah, waxa sidoo kale magaalooyinkaas ka dhacay dhac iyo b**b hantiyeed iyo barakac baahsan. Barakacaayshu waxay ku baahsanyihiin galbeedka Sitti walow ay intooda ugu badani ku noolyihiin Qarraf, Casbuli, Badhiwayn, Caska, Caydhiidhi iyo Garbacad.
Golaha Wadajirka Siti (Sitti Solidarity Council) kabacdi markuu xaaladda galbeedka gobolka Siti u kuur-galay xogo badanna soo ururiyey waxa uu ogaadey in shacabka dhulkooga laga soo barakiciyey ee ku sugan aaggaas ay qarka u saaran yihiin isla markana wajahayaan xaalad daran oo bani aadantinimo; waxay maalinkasta u dhimanayaan gaajo, xanuunno iyo dacdaro. Waxa uu goluhu ugu baaqaya xukumada deegaanka iyo tan federaalka in ay shacabkaas dhibaataysani yihiin barakacayaal (IDPs), isla mar ahaantaana dawlada federaalka iyo tan deegaankuba qorshaha ku darsadaan daryeelkooga, hayadaha samafalkuna ka hawlgalaan sidii gargaar loo gaadhsiin lahaa inta ay dhulkoogii ku laabanayaan.
Goluhu sidoo kale waxa uu ku araarujinayaa dawladda dhexe ee Itoobiya in ay ka soo baxdo waajibkeega dawladnimo oo ay sugto shacabkaas xuquuqdooda dastuuriga ah iyo tan bani-aadantinimo sida ugu dhaqsaha badanna uga hawlgasho sidii shacabka galbeedka gobolka Siti dhulkoogi loogu celin lahaa amnigoogana loo sugi lahaa sida muwaadin kasta oo dalka ku noolba uu xaq ugu leeyahay in amnigiisa la sugo.
Waxa uu goluhu sidookale si taxadar leh usoo dhaweynayaa ansixinta labada degmo ee kala ah Dhuunyar iyo Daymeed iyo magacaabista maamulladooda ee dhawaanta la shaaciyay. Waxa xusid mudan in deegamadaasi aanay habayaraatee wax horumarin ah ama adeegyada kaabaha
dhaqaalaha ah laga qaban 30kii sano ee la soo dhaafay, sidaa daraadeed waxa lagama maarmaan ah in ahmiyad gaar ah xukuumaddu siiso islamarkaana loo qoondeeyo miisaaniyad ku filan si ay ugu hawlgalaan baahiyaha shacabka galbeedka Siti.
Ugu danbayn waxa uu goluhu baaq u diraaya shacabka Soomaliyeed guud ahaan gaar ahaana shacabka gobolka Siti in ay is garab taagan walaalohooga ku dhibataysan galbeedka Siti dal iyo dibadba; waxa uu goluhu sidoo kale ballanqaadayaa in uu garab taaganyahay shacabkaas, kana shaqayn doono sidii looga saari lahaa dhibaatooyinka ku habsaday.
Golaha Wadajirka Sitti (Siti Solidarity Council)
--- DHAMMAAD ---