Xafiiska Dakhliga Degmada Ceelkari

Xafiiska Dakhliga Degmada Ceelkari Bixi Canshuurta iyo dakhliga Waa lafdhabarka Hormarka dalkeene

04/27/2026

Canshuur La'aan Waa Horumar La'aan.

Waxaa dhaman kaalmaha ku yaala deegaanka lagu wargalinayaa inay dalbadaan risiidada cusub ee Qr-code leh.Kaalmaha Shidaa...
04/09/2026

Waxaa dhaman kaalmaha ku yaala deegaanka lagu wargalinayaa inay dalbadaan risiidada cusub ee Qr-code leh.

Kaalmaha Shidaalka ee ku yaala Maamul-magaalooyinka Jigjiga, Goday, Qabri-dahare, Dhagax-buur, Qabribayax iyo wajaale waxay ka dalban karaan Xafiiska dakhliga ee magaalooyinkaas.

Hadaba Waxaa marlabaad la idinku wargalinayaa inaad si hoboon ugadataan waajibaadka idinsaaran.

03/11/2026

Ku xidhnow Boggeena Followna Noo Saar.

  Uqaadida Nidamka Bixinti Canshuurta Iyo Fahanka Guud ee Bulshada*** 1. Canshuurtu Waa Dhismaha Mustaqbalkeena! **"Cans...
11/25/2025

Uqaadida Nidamka Bixinti Canshuurta Iyo Fahanka Guud ee Bulshada***

1. Canshuurtu Waa Dhismaha Mustaqbalkeena!

**"Canshuurtaada Maanta aad Bixiso, Waa Dhismaha Mustaqbalka Bulshadaada Berri!"**

**Macnaha:** Canshuurtaadu ma aha oo kaliya lacag la bixiyay, ee waa **Qayb Aasaasi ah** oo ka mid ah dhismaha bulshadeenna. Adiga ayaa si toos ah u ah shakhsiga kaalin weyn ka qaadanaya, oo naga saacidinaya in aan xaqiijino **Horumarka Waara** ee Degmadeena Ceelkari.

2. Furaha Helitaanka Adeegyo Tayo Leh
**"Bixinta Canshuurtaadu Waa Furaha Lagu Helo Adeegyo Hufan oo Talo Leh."**

**Macnaha:** Markaad si daacadnimo iyo waajib ah u bixiso canshuurtaada, waxaad gacan ka geysataa in la maalgeliyo lana helo:

* **Adeegyo Bulsho** oo tayo leh (Sida Waxbarashada, Caafimaadka, iyo Biyaha).
* **Kaabayaasha Dhaqaalaha** (Sida Waddooyinka iyo Laydhka).

**Xusuusnow:** Hanti-wadaagga iyo horumarka degmada wuxuu ku xidhan yahay sida aan u wada ilaalino waajibaadkeena canshuur bixinta.

**Fadlan ku soo dhawoow Xafiiska Dakhliga Degmada Ceelkari si aad u gudato waajibkaaga!**

** Waa waajib**.

11/07/2025

1. "Canshuurtaadu waa qayb ka mid ah dhismaha bulshadeena; adiga ayaa kaalin weyn ka qaadanaya horumarka!"

2. "Markaad bixiso canshuurta, waxaad gacan ka geysataa in la helo adeegyo tayo leh oo dhammaan bulshada u adeegaya."

**Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.**Anigoo ku hadlaya magaca Xafiiska , waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga d...
11/05/2025

**Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

**Anigoo ku hadlaya magaca Xafiiska , waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa **Ehelka, Qaraabada, iyo dhamaan Bahda Xafiiska** ee uu ka geeriyooday Marxuum **Xasan Idiris**.

* Waxaan xaqiijinaynaa in Marxuum Xasan Idiris uu ahaa **shaqaale daacad ah** oo xafiiska ku soo kordhiyay khibrad iyo aqoon, una ahaa tiir muhiim ah.

* Waxaan dhammaanteen la wadaagaynaa Ehelka **murugada iyo xanuunka** geerida ku timid Marxuumka.

* Waxaan Alle (SWT) uga baryaynaa inuu **naxariistiisa Janno** ka waraabiyo, qabriga u nuuro, kana dhigo kuwii Jannatul Firdowsa lagu casuumo.

* Ehelka iyo asxaabta, waxaan Ilaahay uga baryaynaa **Samir iyo Iimaan Saadiq ah** inuu ka siiyo, oo uu ka dulqaado culayska iyo murugada.
**Marxuumku wuxuu inaga mudan. yahay Duco.**

Wasiirka Xafiiska Dakhliga DDS Mudane Muxiyadiin Cabdi Faarax ayaa fariin u gudbiyay canshuur-bixiyayaasha deegaanka.Far...
08/27/2025

Wasiirka Xafiiska Dakhliga DDS Mudane Muxiyadiin Cabdi Faarax ayaa fariin u gudbiyay canshuur-bixiyayaasha deegaanka.

Fariinta uu wasiirku uu gudbiyay oo ahayd bixinta canshuurta macaashka.
Darajada canshuur-bixiyayaasha, oo h**ey u ahayd 3, ayaa hadda laga dhigay 2 darajo oo kala ah: darajada B & T (ama A & B).

•Canshuurta darajada B ayaa ah dakhli sanadkii soo gala canshuur-bixiyaha ee ka sareeye 2 million birr.

•Halka Canshuurta darajada T ay tahay dakhli sanadkii soo gala canshuur-bixiyaha uu ka hooseeyo 2 million birr.

Xilliyada bixinta canshuurta:
•Darajada B: laga bilaabo 1 Hamle ilaa 30 Diqimti
•Darajada T: laga bilaabo 1 Hamle ilaa 5 Baqume

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in bixinta canshuurta ay kaalin muhiim ah ka qaadato fulinta adeegyada ay bulshadu hesho, kuwaasoo kala ah: biyaha, caafimaadka, nabadgalyada, waxbarashada, iyo wadooyinka.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa canshuur-bixiyayaasha faray inay ku dadaalaan bixinta canshuurta xilligeeda, si ay uga badbaadaan ganaaxyada ku waajibaya.

DAKHLI LA'AAN WAA HORMAR LA'AAN

Madaxweyne kuxigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida Inj. Maxammed ...
03/10/2025

Madaxweyne kuxigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida Inj. Maxammed Shaale isaaq iyo Masuuliyiin kale ayaa Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil-waal ku soo dhaweeyay, Wasiirka Wasaaradda Nabadda JDFI, Mudane Maxamed Idiriis, Madaxweynaha Golaha Arrimaha Islaamka, Sheekh Xaji Ibraahim Tufa iyo mas’uuliyiin kale.Madaxweyne kuxigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida Inj. Maxammed Shaale isaaq iyo Masuuliyiin kale ayaa Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil-waal ku soo dhaweeyay, Wasiirka Wasaaradda Nabadda JDFI, Mudane Maxamed Idiriis, Madaxweynaha Golaha Arrimaha Islaamka, Sheekh Xaji Ibraahim Tufa iyo mas’uuliyiin kale.

Cashuur La,aani waa horumar la,aanWaraysi uu maanta Wasiirka Xafiiska Dakhliga Mudane Maxamed Cabdi Cumer uu siiyay warb...
02/15/2025

Cashuur La,aani waa horumar la,aan

Waraysi uu maanta Wasiirka Xafiiska Dakhliga Mudane Maxamed Cabdi Cumer uu siiyay warbaahinta deegaanka ee SRTV iyo kuwa gaar loo leeyahay ayuu kaga warbixiyay waxqanadkii 6 bilood ee SM 2017 ayuu ku sheegay in ay qabsoomeen shaqooyin badan oo u qorshaysanaa labadii Rubuc ee 1 aad iyo 2 aad ee SM
shaqooyin badan ka qabtay gaar ahaan dhinaca :-
1. dakhli ururinta
2. casriyaynta nidaamka cashuur ururinta,
3. ⁠wacyigalinta,
4. ⁠kor u qaadista garaadka shaqalaha dakhliga iyo
5. ⁠sido kale taakulaynta iyo dabagalka dagmooyinka iyo maamul magaaloyinka.
6. ⁠ku shaqaynta shuruucaha dakhliga ee dhamaan heerarka kala duwan ee deegaanka.

Sida ku cad qorshaha dakhkiga ee rubaca 2aad ayaa waxaa qorshaysnayd in la soo ururiyo dakhli dhan 8.800Billion waxa lasoo ururiyey dakhli dhan 8.355 Billion Birr tasoo boqoleyda ka noqonaysa 95.00%

Degmooyinka waxaa uqorashaysnaa dakhli dhan 1.758B waxay soo ururiyeen dakhli 1.926B oo noqonaysa 109.53%

Maamul magaalooyibka waxaa uqorshaysnaa dakhli dhan 1.272B waxay soo Ururiyeen dakhli 970M oo noqonaysa 76.23%.

Halka heer deegaan ay qorshaysnaa dakhli dhan 5.768B waxaa soo ururay 5.459B oo noqonaysa 95%.

Dhinaca kale marka la isbarbardhigo dakhliga rubacan lasoo ururiyey ki sanadki h**e (2016TI) waxaa lasoo ururiyey dakhli dheeri ah oo dhan 1.736Billion boqoleydana ka noqonaysa 26.23%

Ugu danbayn tii wuxuu wasiirku Fariin udiray dhamaan cashuur bixiyayaasha deegaanku in ay noqdaan cashuur bixiyayaal dhaqan ka dhigta bixinta cashuurta.
Waxaa kaloo oo uu wasiirku ku daray in ka xafiis ahaan qorshe uqaadan doonaan in deegaankeena awoodiisa dakhli ee jirta sida ugu macquulsan looga soo Saari doono si dhamaan kharaashadka dawladu ay isticmaalaysa uu noqdo mid intiisa badan deegaanku lasoo baxo.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay in nidaamkii h**e ee risiidhada la beddelay, isla markaana ganacsatada ay hadda isku diiwaan geliyaan nidaamka cusub, taasoo kor u qaadaysa hufnaanta iyo daahfurnaanta hab

02/15/2025

Dalku wuxuu ku dhisma dakhliga oo labixiyo.

Aan dhameystirno inta dhiman,Si aan U barwaaqowno.

Address

Https://www. Google. Com/maps/place/Kere+1/@5. 8488798, 42. 0967303, 14z/data=, 3m1, 1e3, 4m6, 3m5, 1s0x17cf8895f319cc7b:0xfd82c6434edbff64, 8m2, 3d5. 8425681, 4d42. 098924, 16s%2Fm%2F0260kdk, 5m1, 1e
Elkhorn, WV
HTTPS://WWW.GOOGLE.COM/MAPS/PLACE/KERE+1/@5.8488798,42.0967303,14Z/DATA=!3M1!1E3

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Dakhliga Degmada Ceelkari posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Xafiiska Dakhliga Degmada Ceelkari:

Share