08/28/2026
BAAQ KU SOCDA IMAAMYADA IYO HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYEED EE MINNESOTA
Waxaan ugu baaqayaa Imaamyada, culimada, waalidiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota inaan si dhab ah uga shaqeyno dhibaatada dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku lug yeelanaya dambiyada, rabshadaha, daroogada iyo kooxaysiga.
Dhalinyaradeennu waa mustaqbalkeenna. Waa inaan u dhowaano, dhageysanno, tarbiyadeyno oo aan u abuurno fursado wanaagsan ka hor inta aysan dhibaatadu weynaan.
Falalka dhalinyaro tiro yar ma metelaan bulshada Soomaaliyeed oo dhan, laakiin dhibaatada jirta waa inaanan iska indhatirin.
Masaajidda, waalidiinta, iskuullada, hay’adaha bulshada iyo laamaha sharciga waa inaan si wadajir ah uga shaqeynaa badbaadinta dhalinyaradeenna.
Aan kuwa wanaagsan dhiirrigelinno, kuwa khaldamayna aan saxno oo lala xisaabtamo.
Dhalinyaradeenna maanta haddii aan badbaadinno, berri iyagaa bulshadeenna hoggaamin doona.
Imaam: Abdirisak Duale — Minnesota