07/29/2025
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed oo Kulan Muhiim ah la qaatay Mas’uuliyiinta Gobolka Bakool iyo Odayaasha Dhaqanka
Xudur, 29 Luulyo 2025 – Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Bakool, kuwa Degmada Xudur iyo odayaasha dhaqanka. Kulankan oo ka dhacay magaalada Xudur ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta horumarinta adeegyada bulshada, sugidda nabadgalyada iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo si gaar ah u taabanaya baahiyaha shacabka deegaanka.
Intii uu socday kulanka, waxaa xoogga la saaray sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee mar kale kusoo noqnoqday magaalada Xudur, taasoo saameyn ku yeelatay hannaanka dowlad-dhisidda iyo horumarka deegaanka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in laga gudbo ismariwaaga siyaasadeed ee saameynta taban ku leh amniga iyo adeegyada bulshada. Wuxuuna carabka ku adkeeyay in xal waara lagu gaari karo oo keliya isla-xisaabtan, wada-tashi dhab ah iyo in la dhowro danaha guud ee shacabka reer Xudur.
> “Dib-u-dhacyada siyaasadeed ee markale ka soo cusboonaaday Xudur, waa in aan si wadajir ah uga hortagnaa. Dowladda Koonfur Galbeed waxay diyaar u tahay inay ka shaqeyso xal waara oo ay qeyb ka yihiin dhammaan waxgaradka, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah,” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saleysan:
In la dhiso Guddiyo isku dhaf ah oo xal u raadiya arrimaha siyaasadeed.
In la dardargeliyo adeegyada muhiimka ah sida caafimaadka, waxbarashada, iyo biyaha nadiifta ah.
In la xoojiyo xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe, dowlad-goboleedka iyo odayaasha dhaqanka si loo ilaaliyo midnimada bulshada.
Dowladda Koonfur Galbeed ayaa ku adkeysatay inay ka go’an tahay horumarka deegaanka Bakool, gaar ahaan magaalada Xudur, iyada oo la kaashaneysa shacabka deegaanka, bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka.