18/07/2013
Ujeedada Soonka iyo Faa’idooyinkiisa:
----------------------------------------------
Waayo Rasuulkii iLaahay Wuu Nacladay, Naxariis Eebana Helimeyso Qofka Dumarka Ahi Ee Gurigeeda Ka Baxda idin La’aanta Cidda Ka Mas’uulka Ahi Xitaa Hadday Deriska Aadi-Tixraac Qowlka Rsuulka iLaahay : Haka Mamnacina Masaajidka Alle Hadey idinka idin Dalbadaan Haweynkiina Midkood Masjidka Haka Reebina . Waxaa Wareyey Muslim & Axmed
Raggana Waxaa Laga Dooni inayan Dumarka Ku Eegan Kagana Aamusin Dumarka Ku Xadgudubka Diinka iLaahay Oo Ay Sharciga iLaahay Laasumiyaan, Si Ay Noloshooda Aadduunka iyo Aakhiradaba U Hagaagto Dumarkana Ay Sharciga iLaahay Ragoooda Uga Yeeraan Hadday Ragga Xumo Doon Yihiinna Ay Arrintooda Kala Tashadaan Ehlu Diinka Daacadda Ah Haddayse Reer Wanaagsan Ka Dhalatay iLaahay Ka Baqa Arrintiisa Ha U Bandhigto
Waxaa Sidoo Kale Xadgudub Ah, Khilaafsan Diinta islaamka Iyadoo Duqeyda Carruurta iyo Dumarka Lagula Tartamo Fuulitaanka Gaadiidka, Sida Basaska Oo Lagu Ciriiriyo iyagoo Xoog Lagu Muquuninayo, Arrintaa Oo Diinteenna Khalad Kaga Tarjumi iyo Dhaqanka Suubban ..
Waana Waajib Muslimiinta Saaran in Gaadiidka Dadweynaha Ee Xaafadaha U Kala Goosho Raga iyo Dumarka Loo Kala Sooco
Sidaa Awgeed Buu Hadduu Qofka Sooman Tixgellyo Aayadda iyo Xadiiskaa Aynu Soo Sheegnay Ariimaha Xaaraanta Aynu Soo Xusnay Ka Fogaado Wuxuu U Noqon Soonka Macallin Xaqa Ku Barbaariya Qofka Adaabtiisa Dhisa Saluugiisa Toosiya, Bishii Ramadaanna Waxay Dhammaan Qofkii Oo Is Beddelay is Badel Dhan, Isbadel Ka Muuqan Naftiisa Akhlaaqdiisa, Saluugiisa, iyo Gurigiisaba, Guri Kasta Kalkuu Hagaagana Bulshadoo Dhan Baa Haggaagi Ciriiriga iyo Abaartana Laga Bixi iLaahay idanki .
Waxaa Sidoo Kale Ka Mid Ah Ujeedooyinka iyo Xigmadda Soonka Ka Dambeysa inuu Ogaado Qofka Hantida, Leh Garowsado Galadaha Eebe iyo Helitaanka Cunto iyo Cabitaan La’aanta iyo Dhibaatada Xaas La’aanta, Markaa Buu Qofka iLaah U Mahad Naqi, Wuxuu Tarayna Uusan Wax Kale Ka Hormarineyn Kan Gaabineyn.
Sidoo Kale Wuxuu Qofka Dhab U Dareemi Shacuurta iyo Xaalada Walaalaha Muslimiinta Ee Saboolka Ah Ee Aan Heli Karin Cunto iyo Cabitaan iyo inay Guursadaan Markaa Buu Muslimiinta Dhabta Ah U Axsaan iyo Sadaqo Fali Arrimaahan Ka Kaalmeyn…
Waxaa Sidoo Kale Ka Mid Ah Ujeedooyinka iyo Xigmadaha Soonka inuu Qofku Barto Sida Uu Naftiisa U Xukumi Lahaa U ILaalin Lahaa Xumaha Kaga Xakabeyn Lahaa Si Uu Qofka Uga Hoggaamiyo Naftiisa Waxaa Danteena Ah Aduun iyo Aakhiraba, iLaahna Dooni, Qowlka iyo Ficilkiisana Waafajin Kitaabka iLaahay iyo Sunnada Rasuulka (CSW)
La Soco Cashirka Xiga []
[] DARIIQA TOOSAN []
---------------------------
•.•°°•✫Abdirahman Aßuukar Diini.•°°
°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°