24/04/2026
DOORASHADA GUDDOOMIYAHA Sports-ka Degmada Wisil
Jimco:, 24-04-2026: Waxaa xarunta Degmada lagu qabtay doorashada guddoomiyaha Sports-ka Degmada Wisil.
Doorashada oo xiiso iyo xamaasad lahayd ayaa waxaa ku tartamay labo Musharax oo kala ah Cabdi-xakiin Abshir Axmed iyo Cabdi Xuseen Cabdule.
Tartan iyo codeyn dheer kadib, Cabdi Xuseen Cabdule [ Buus] ayaa si aqlabiyad leh ugu guulaystay Hogaanka ugu sareeya ee Maamulka Ciyaaraha Degmada Wisil.
Doorashada Waxaa goob joog ahaa Maamulka Degmada Wisil oo uu ugu h**eeyo Gudoomiyaha Degmada Wisil Mudane: Abdi Najiib Xuseen oo ay Wehliyaan Xog-hayaha Degmada Liban Abshir Warsame Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Xasan Xuseen Farax Qaar kamid ah Agaasimayasha, Gudoomiyayaasha Xafadaha iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Wisil.
Gudoomiyaha Degmada Wisi| mudane: Abdi Najiib Xuseen Cabdi oo soo xiray kulanka ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee la doortay, waxa uu sidoo kale uga mahad celiyay guddoomiyihii h**e kartidii uu Dhalinyarada Sports-ka kusoo. Hogaamiyey.
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Dowladda Hoose Ee Degmada Wisil.
DHAMMAAD