27/05/2026
URURKA 165-AAD EE GUUTADA 16-AAD KUMAANDOOSKA DANAB OO SALAADDA CIIDDA KULA OOGAY SHACABKA DEEGAANKA BUURHAKABA.
​BUURHAKABA, BAY – Ciidanka Kumaandooska Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, ayaa maanta Salaaddii Ciidda kula oogay boqolaal ka tirsan shacabka ku dhaqan deegaanka Buurhakaba ee gobolka Bay.
​Tallaabadan ayaa muujinaysa xiriirka dhow iyo kalsoonida ka dhexaysa Ciidanka Qaranka iyo bulshada deegaanka, iyadoo saraakiisha ciidanku ay shacabka la wadaageen farxadda Ciidda, una fidiyeen bogaadin iyo hambalyo.
​Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad ee Danab ayaa safka h**e kaga jira hawlgallada qorshaysan ee deegaannada Gobolka Bay looga sifaynayo haraadiga kooxda Khawaarijta ah ee argagixisada ah.
Ciidanka ayaa si naf-hurnimo leh u wada hawlgallo xiriir ah oo lagu baacsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta, si shacabka ku dhaqan gobolka ay ugu noolaadaan nabad, amni iyo deggenaan buuxda.
​Hogaanka Ururka 165-aad ee Danab ayaa munaasabadda Ciidda ka dib ballan-qaaday inay sii labanlaabi doonaan hirdanka iyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada, ilaa laga tirtiro deegaannada ay ku dhuumaalaysanayaan, iyagoo shacabka ku ammaanay sida ay mar walba u garab-taagan yihiin ciidankooda geesiyaasha ah.
​— DHAMAAD — Danab Special Force