17/05/2026
Gudida Qaban qaabada Xuska Maalinta Qaranimada Jsl Ee 18 May Ee Degmada Sheekh Oo Uu Hogaaminaayo Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Sheekh Maxamed Faarax Axmed Ahna Gudoomiyaha Gudidaasi Oo Maalmahanba Waday Dardar gelinta Hawlaha Dabal Dega Xuska Maalinta Qaranimada Jsl Ee 18 May Ayaa Maalmahanba Ku Guda jiray Booqashada iyo Kormeerida Goobaha Ay Bulshadu Ku Kulanto Sida Goobaha.
* Dugsiyada Kala Duwan Ee Waxbarashada .
*Dugsiga Ciidanka Milatariga.
Goobaha Dalxiiska Ee Dawga Degmada Sheekh .
* Suuqayada Kala Duwan Ee Ay Bulshadu Ku Kulanto.
*Xaruumaha Ururada Arimaha Bulshada Ee Degmada Sheekh.
* marti galinta fanaanita qaran ee dayax band si bulshada ula dabal degaan iyaga oo tixgalinya codsiga bulshada uga yimi iyo soo jeedinaha.
Geesta Kale Waxay Kulamo La Qaateen
Ganacsatada Degmada Sheekh, Iyo Weliba Laamaha Kala Duwan Ee Wasaradaha Dawlada Ee Degmada Sheekh.
Gudida Oo Heegan Buuxa Ugu Jira Hawlaha Dabal Dega Xuska Maalinta Qaranimada Jsl Ee 18 May Ayaana Bulshada Degmada Sheekh Ku Bararujinayey Xuska iyo Muunaynta Maalinta Qaran Ee 18 May.
Sido Kale Waxay Bulshada Ku Dardar gelinayeen, Inay Weyneeyaan Maalinta Qaran Ee 18 May Oo Ah Maalin Ku Wayn Quluubta Shacbi Weynaha Reer Somaliland,Isla Markaana Lagu Muujinayo Madax banaanida Iyo Jiritaanka Qaranka jamhuriyada Somaliland.
Gabo Gabadii Gudida Aya Guud ahaanba Bulshada Degmada Sheekh iyo Weliba Degamada Hoose yimada Ku Bogadiyey Sida Wanagsan Ee Ay Ugu Hawlan yihiin Diyaarinta iyo Qurxinta Maalinta Qaran Ee 18 May.
REER SHEEKH MID AH HAL U JEEDONA LEH