Saylac Media

Saylac Media Saylac media Awdal

27/10/2025

Geerisa……….👀

  Labada caaqil ee kala ah Cismaan cali duule iyoCilmi maxamed warsame Ayaa hada naloo xaqiijiyay in ay geerisa ka qaade...
27/10/2025

Labada caaqil ee kala ah
Cismaan cali duule iyo
Cilmi maxamed warsame
Ayaa hada naloo xaqiijiyay in ay geerisa ka qaadeen ciidamo ka yimid borama.
Xigasho
laan media

Wixii wara ee kasoo kordhana halkan kala socda

Dag-Dag: Beesha Gadabuursi oo ka cadhootay Maayarka SaylacWararka laga helayo degmada Saylac ayaa sheegaya in Maayarka d...
24/10/2025

Dag-Dag: Beesha Gadabuursi oo ka cadhootay Maayarka Saylac

Wararka laga helayo degmada Saylac ayaa sheegaya in Maayarka degmada, Maxamuud Cigaal Wacays, oo ka soo jeeda Beesha Ciise, uu cashuurtii degmada ku bilaabay inuu kusoo iibiyo dharka iyo garmaanta xeerCiise, iyada oo muddooyinkii ugu dambeeyay booqashooyin iyo bookings dhar badan loogu keenayey magaalada.

Arrintan ayaa shacabka reer Saylac iyo odayaasha dhaqanka Gadabuursi ka dhalisay caro xoog leh, maadaama ay ku tilmaameen:
• Ku takri-fal hanti dadweyne
• Cashuurtii bulshada oo u leexatay dano qabiil
• Kicinta xaalad bulsho iyo kala-qayb

Sida ay wararku sheegayaan, taandhadii lagu qaban lahaa buugga XeerCiise waxa xataa la sheegay in ay taalo “Guriga cad”, la soo dhaafinkari waayey bulshada saylac Ayaa taasoo sii kordhisay tuhunka ah in maamulka degmada uu u shaqeynayo dano gaar ah oo beeleed.

Bulshada Gadabuursi ayaa hadda ku jirta is-abaabul, iyadoo:
• Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradku ay hor istaageen qorshahan
• Go’aan laga sugayo Xukuumadda Somaliland
• Dadku ay dalbanayaan in la caddeeyo halka ay ku baxday cashuurtoodii iyo sababta loogu adeegsanayo dano qabiil ah

Xigasho =Heemaal TV

Mahdi cabdi siciid wiilka badhasabka gobalka salel uu dhaley ayaaa Ilaa shaley Ka shaqaynaya soo dhawaynta gabadh Tiktok...
21/10/2025

Mahdi cabdi siciid wiilka badhasabka gobalka salel uu dhaley ayaaa Ilaa shaley Ka shaqaynaya soo dhawaynta gabadh Tiktoker ah oo magaceedu yahey Filsan dheman taasi Oo xaalad abuur ka dhex wada degmada saylac dhinaca jabuuti kasooo gashey manta galinkii danbe isagoo Kusoo dhaweyay Guryihii shaqalaha kastamka saylac

Gaadhiga Noah-da kastamka saylac oo shaqadi Loogo talagaley aan lagu qaban taasi Oo dad khaas ah Looogu adeego ilaa 2da habeenimo magalada Socota

mahdi waa shaqaalaha wasarada maaliyada gaar ahaan qasnajiga Kastamka saylac oo Ku Tafri-faley awoodii iyo maamulki gobalka salel isagoo Gaadhigii khaas ah ee badhasaabka Gobalku laha u adeegaya gabadha rabshada iyo khilaaf-ka dhex wada degmada saylac

Waa nasiib daro in Cid gaara la idhaahdo Isaga baxa gobalka oo masoo Gali kartaan
dhinackale Uu caaqil cabdi siciid Iyo wiilkiisu ay Ku Howlan yihiin sidi gabdha Tiktokerada Jabuuti uga timid Isku-dirka iyo kicinta dad-waynaha ugu-soo dhawayn lahayeen degmada saylac

Rabshadaha Iyo Amni-darada Gobalka waxa ka shaqaynaya waaa caaaqil Cabdi siciid iyo wiiilkiisa lknse wxuu ka Helo yaanay cidna waxba ka siin

Ugu danbayn wxaan baaaq U dirayaa wasarada Horomarinta maaliyada oo ay Khusayso arintaasi iyo ciidamada police Jsl iney waxka qabtaan howshaas

! Xigasho Heemal TV 📺

21/10/2025

Ree Borama manta Hanjabaad uma baahna
Halkaa ku noqo ayan leenahay badhasaabka gobolka

21/10/2025

WAR SAXAAFADDEED

Ku: Warbaahinta Qaranka iyo Tan Madaxa-bannaan

Ka: Bulshada ku dhaqan Somaliland ee ka walaacsan xaaladda Somaliland gaar ahaan gobalada Awdal iyo salal

Ujeeddo: Digniin ku aaddan in Somaliland garato danteeda iyo jihadeeda siyaasadeed



Boorama, 21 Oktoobar 2025 –

Waxaa soo ifbaxaya walaac weyn oo laga qabo jihada siyaasadeed iyo midnimada bulshada gaar ahaan Gobalka Awdal iyo salal ee Somaliland. Dadka aqoonyahanka ah, cuqaasha dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa muujinaya cabsi ah in haddii aan maanta la garan danaha dhabta ah ee qaranka, ay suuragal tahay in daad siyaasadeed iyo mid bulsho oo aan la moosin karin uu dalka ku soo fataho.

War-saxaafadeedkan wuxuu ku baaqayaa in hoggaanka Somaliland ay dib isu eegaan, isla markaana ay mudnaanta siiyaan:

1. Midnimada shacabka iyo ilaalinta isku duubnida qaranimo.

2. Cadaalad dhab ah oo lagu wada noolaan karo.

3. Ka hortagga faragelinta shisheeye iyo kala qaybin gudaha ah

“Somaliland haddii ay maanta danteeda garan waydo, wallee daad aanay iska moosi karin ayaa ku soo socda,”

War-saxaafadeedkani wuxuu ugu dambayn ku boorinayaa bulshada reer Somaliland in ay ka shaqeeyaan nabad, wadajir iyo ilaalinta karaamada dalkooda, si aan berri looga shallayn fursadaha maanta la dayacay.

F.G:SOMALILAND HA GARATO SAAXIBKA DHABTA AH İYO DANTEEDA

20/10/2025

Highlights

Address

Saylac

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252634639967

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Saylac Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Saylac Media:

Share