The Somali Voice

The Somali Voice Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from The Somali Voice, Qardho.

17/01/2026

Axmed Madoobe "Xassan 360° baa layiraahdaa birri 360° wareegayaa".

15/01/2026

Axmed Madoobe "Xassan Shiikh Dawlado ayuu soo dirsaday"

14/01/2026

"Xasan Sheekh hawadii ayuusan meel ku ogayn oo deked waxba laga waydiin maayo, Soomaaliyey dalka shirkadda halaga qabto intaysan gacanteeda ku burburin", Madaxweyne Axmed Madoobe.

14/01/2026

Yaa keenay Somaliland.

14/01/2026

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud;

“Marar badan waan ka dalbannay (UAE):
in naloo aqoonsado hal dal, madax-bannaan, mas’uul ah — lagana tanaasulo albaabada kala duwan”

Soomaaliya ayaa baabi’isay dhammaan heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka Carabta kadib markii hoggaamiyaha gooni-u-goosa...
13/01/2026

Soomaaliya ayaa baabi’isay dhammaan heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka Carabta kadib markii hoggaamiyaha gooni-u-goosadka Koonfurta Yemen, Ceydaruuus Al-Zubaydi, oo ay taageerayeen Imaaraadku, si sharci-darro ah uga soo galay dalka isagoo soo maray gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, sida uu Al Jazeera u sheegay Cali Balcad.

Cali Balcad, ayaa u sheegay Al Jazeera in soo gelitaanka Al-Zubaydi, oo ahaa hoggaamiyihii h**e ee Golaha Kumeelgaarka Koonfurta (STC), kuna yimid dhulka Soomaaliya 8-dii Janaayo, ay ahayd “dhacadii ugu dambeysay” ee keentay in Muqdisho ay buriso dhammaan heshiisyadii ay la gashay Abu Dhabi.

“Ku isticmaalka hawada Soomaaliya iyo garoomadeeda si loo tahriibiyo nin baxsad ah ma aha wax ay Soomaaliya oggolaanayso,” ayuu yiri Cali Cumar, isagoo sharraxaya in Al-Zubaydi lagu eedeeyay inuu ku safray diyaarad xamuul ah oo ka diiwaangashan Imaaraadka, kana timid dekedda Berbera kuna soo degtay Muqdisho.

“Arrintaas waxay ka mid ahayd sababaha aan tallaabadan u qaadnay. Ma aha sababta kaliya, balse waa mid ka mid ah,” ayuu yiri. “Waxaan isku daynay inaan si diblomaasiyadeed ula tacaalno, balse hadda waxaan go’aansannay inaan tallaabo qaadno. Diblomaasiyaddu ma shaqayn, sidaas darteed hadda dastuurka ayaa shaqaynaya.”

DEG DEG: Puntland ayaa gabi ahaanba diiday Go’aankii XF Soomaaliya ee ay ku laashay Heshiisyadii Imaaraatka Carabta.
12/01/2026

DEG DEG: Puntland ayaa gabi ahaanba diiday Go’aankii XF Soomaaliya ee ay ku laashay Heshiisyadii Imaaraatka Carabta.

12/01/2026

Gudoomiye Mursal " Mucaaradkii shalay k**a aysan fikirayn danta Qaranka.

Shacabka iyo Dawladda Puntland wax garab istaag ah k**a helin Dawladda Federalka; Dagaalkii Daacish & Gurmadka Cal-miska...
11/01/2026

Shacabka iyo Dawladda Puntland wax garab istaag ah k**a helin Dawladda Federalka; Dagaalkii Daacish & Gurmadka Cal-miskaad.— Senator Majiino.

10/01/2026

Isku daygii larabay in lagu soo qabto Madaxweyne Ahmed Madoobe xiligii Farmaajo iyo sida uu ku bad baaday.

Diyaaradda Saudi Airlines, ayaa billaabaysa duulimaad toos ah oo isku xiri doono magaaloyinka Muqdisho iyo Riyadh talaba...
10/01/2026

Diyaaradda Saudi Airlines, ayaa billaabaysa duulimaad toos ah oo isku xiri doono magaaloyinka Muqdisho iyo Riyadh talabadaas oo ah mid kor u qaadeysa xiriirka labada dal.

Sidaas waxaa shegay maareeyaha hay’adda duulimaadyada rayidka Soomaaliyeed Axmed Macallin Xasan.

Warbaahinta dalka Canada laga lee yahay CBC ayaa soo bandhigtay xogta waddamada 10 kii sano ee la soo dhaafay sida sharc...
10/01/2026

Warbaahinta dalka Canada laga lee yahay CBC ayaa soo bandhigtay xogta waddamada 10 kii sano ee la soo dhaafay sida sharci darrada ah u guranayey Kalluunka iyo Khayraadka Badda ee ku jira Biyaha Soomaaliya. Waddamadan waxa ay si joogta ah u qaataan Khayraadka Badda waxaana mid walba ka jooga Maraakiib wata shabaag gaadhaysa gunta badda oo xaaluf aad u xooggan halkaas ka wada.

Liiskan waxa ugu horreeya Iran oo Soomaaliya kaga kalluumaysata 711 Markab, waxa ku xiga Shiinaha oo Soomaaliya kaga jillaabta 186 Markab, waxa soo raaca Kuuriyada Koonfureed oo 13 Markab ka joogaan xeebaha Soomaaliya, waxa ku sii xiga Sri lanka oo ay joogaan lix Markab iyo weliba Jamhuuriyadda Djibouti oo ay joogaan 6 Markab. Dhammmaanba Maraakiibtan waxa ay badda Soomaaliya soo galeen 10 kii sano ee la soo dhaafay.

Waxa xusid mudan in waddamada gurta Kalluunka Soomaaliya ay ku jiraan dalalkaa Panama iyo Honduras oo dhaca Qaaradda Ameerika kuwaas oo masaafo aad u dheer u soo gala in ay wax ka boobaan khayraadka dalka Soomaaliya.

Turkiga ayaa dhowaan ku soo biiray waddamada u beratamaya Khayraadka Soomaaliya ilaa haddana ma jirto cid wax ka qabatay Khayraadka sida sharci darrada ah lagu guranayo ee Soomaaliya.

Address

Qardho

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when The Somali Voice posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to The Somali Voice:

Share