Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada

Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada Bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Waa barta rasmiga ah ee Bogga Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Fadlan halkan kala soco saaxiibadaa.

๐—ช๐—”๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ฅ ๐— ๐—”๐—ซ๐—”๐— ๐—˜๐—— ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ ๐—ข๐—ข ๐—ž๐—จ๐—Ÿ๐—”๐—ก MUHIM ๐—”๐—› ๐—Ÿ๐—” ๐—ค๐—”๐—”๐—ง๐—”๐—ฌ ๐— ๐—”๐——๐—”๐—ซ๐——๐—” ๐—ฆ๐—›๐—œ๐—ฅ๐—ž๐—”๐——๐—”๐—›๐—” ๐—œ๐—ฆ๐—š๐—”๐—”๐—ฅ๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ก๐—ง๐—” ๐——๐—”๐—Ÿ๐—ž๐—”.๐— ๐—จ๐—ค๐——๐—œ๐—ฆ๐—›๐—ข, ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ๐—ฌ๐—” โ€“ ๐Ÿฎ๐Ÿฒ ๐—ข๐—ž๐—ง๐—ข...
26/10/2025

๐—ช๐—”๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ฅ ๐— ๐—”๐—ซ๐—”๐— ๐—˜๐—— ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ ๐—ข๐—ข ๐—ž๐—จ๐—Ÿ๐—”๐—ก MUHIM ๐—”๐—› ๐—Ÿ๐—” ๐—ค๐—”๐—”๐—ง๐—”๐—ฌ ๐— ๐—”๐——๐—”๐—ซ๐——๐—” ๐—ฆ๐—›๐—œ๐—ฅ๐—ž๐—”๐——๐—”๐—›๐—” ๐—œ๐—ฆ๐—š๐—”๐—”๐—ฅ๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ก๐—ง๐—” ๐——๐—”๐—Ÿ๐—ž๐—”.

๐— ๐—จ๐—ค๐——๐—œ๐—ฆ๐—›๐—ข, ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ๐—ฌ๐—” โ€“ ๐Ÿฎ๐Ÿฒ ๐—ข๐—ž๐—ง๐—ข๐—ข๐—•๐—”๐—ฅ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane ๐ŒA๐—A๐ŒE๐ƒ ๐€A๐ƒA๐ ๐ŒA๐‚A๐‹L๐ˆM (๐’O๐ŽM๐€A๐‹I) ayaa maanta kulan la yeeshay madaxda sare ee shirkadaha isgaarsiinta dalka, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta tayada adeegyada isgaarsiinta ee Soomaaliya iyo xoojinta wada-shaqeynta.

Kulanka oo uu goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo saraakiil sare oo ka kala socday shirkadaha isgaarsiinta, ayaa lagu falanqeeyay heerarka kala duwan ee uu soo maray adeegga isgaarsiinta dalka, caqabadaha taagan, iyo hiigsiga guud ee Soomaaliya ee dhanka horumarinta isgaarsiinta iyo dhijitaalka.

Wasiir Maxamed Soomaali ayaa sheegay in dowladda federaalku ay ka goโ€™an tahay dhijitaaleeynta dalka iyo dhisidda hannaan casri ah oo lagu hormariyo isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda, si bulshadu uga faaโ€™iideyso adeegyo isku halayn leh oo casri ah.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay shirkadaha isgaarsiinta doorka muuqda ee ay ku leeyihiin kobcinta adeegyada iyo joogteynta isku xirka bulshada Soomaaliyeed.

โ€œ๐—›๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ณ๐—ธ๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ป๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—ถ๐—ป ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ ๐—ฎ๐˜† ๐—ป๐—ผ๐—พ๐—ผ๐˜๐—ผ ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐˜€๐—ฎ๐—ณ๐—ธ๐—ฎ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ธ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ท๐—ถ๐—ฟ๐˜๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฒ๐˜†๐˜€๐˜๐—ฎ ๐˜๐—ฒ๐—ธ๐—ป๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ผ๐—ท๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐˜€๐—ฟ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต. ๐——๐—ผ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐˜€๐—ถ ๐—ท๐—ผ๐—ผ๐—ด๐˜๐—ผ ๐—ฎ๐—ต ๐˜‚๐—ด๐—ฎ ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ป๐—ฎ๐—ฎ ๐—ถ๐—ป ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ฏ๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜‚ ๐—ต๐—ฒ๐—น๐—ป๐—ผ ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐˜†๐—ผ ๐—ฐ๐—ฎ๐˜€๐—ฟ๐—ถ ๐—ฎ๐—ต ๐—ผ๐—ผ ๐—ณ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ ๐—ป๐—ผ๐—น๐—ผ๐˜€๐—ต๐—ผ๐—ผ๐—ฑ๐—ฎ, ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ด๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ป๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฎ ๐˜…๐—ถ๐—ฟ๐—ณ๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ธ๐—ต๐˜‚๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ด๐˜‚๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ,โ€ ayuu yiri Wasiir Maxamed Soomaali.

Masโ€™uuliyiinta ka socday shirkadaha isgaarsiinta ayaa dhankooda soo dhaweeyay dadaalka iyo hoggaanka Wasaaradda, iyagoo bogaadiyay kaalinta ay wasaaradu ku leedahay hagaajinta iyo tayeynta adeegyada tiknolojiyadda ee dalka.

Kulamadan uu hoggaamiyo Wasiirka Isgaarsiinta dalka ayaa qeyb ka ah qorshaha Wasaaradda ee lagu xoojinayo wada-shaqeynta dowladda iyo shirkadaha isgaarsiinta, si loo dardar geliyo horumarka dhanka isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda ee dalka.

DHAMMAAD....................
Wixii faafaahin ah laxiriir
Ali Omar Abdulle
Madaxa Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha

๐Ÿ“ง Email: [email protected]
๐ŸŒ Website: www.moct.gov.so
facebook:https://www.facebook.com/MoCTSomalia?mibextid=ZbWKwL
๐Ÿฆ Twitter:
TIKTO:https://www.tiktok.com/?_t=8rXwxF2VIC0&_r=1

๐—ช๐—”๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ฅ ๐— ๐—”๐—ซ๐—”๐— ๐—˜๐—— ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ ๐—ข๐—ข ๐—š๐—จ๐——๐——๐—ข๐—ข๐— ๐—œ๐—ฌ๐—”๐—ฌ ๐—ฆ๐—›๐—œ๐—ฅ๐—ž๐—” ๐—œ๐—ฆ๐—•๐—จ๐—จ๐—–-๐—Ÿ๐—”๐—›๐—” ๐—˜๐—˜ ๐—ช๐—”๐—ฆ๐—”๐—”๐—ฅ๐—”๐——๐——๐—” ๐—œ๐—ฆ๐—š๐—”๐—”๐—ฅ๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ก๐—ง๐—” ๐—œ๐—ฌ๐—ข ๐—ง๐—œ๐—ž๐—ก๐—ข๐—Ÿ๐—ข๐—๐—œ๐—ฌ๐—”๐——๐——๐—”๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ, ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น...
25/10/2025

๐—ช๐—”๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ฅ ๐— ๐—”๐—ซ๐—”๐— ๐—˜๐—— ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ ๐—ข๐—ข ๐—š๐—จ๐——๐——๐—ข๐—ข๐— ๐—œ๐—ฌ๐—”๐—ฌ ๐—ฆ๐—›๐—œ๐—ฅ๐—ž๐—” ๐—œ๐—ฆ๐—•๐—จ๐—จ๐—–-๐—Ÿ๐—”๐—›๐—” ๐—˜๐—˜ ๐—ช๐—”๐—ฆ๐—”๐—”๐—ฅ๐—”๐——๐——๐—” ๐—œ๐—ฆ๐—š๐—”๐—”๐—ฅ๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ก๐—ง๐—” ๐—œ๐—ฌ๐—ข ๐—ง๐—œ๐—ž๐—ก๐—ข๐—Ÿ๐—ข๐—๐—œ๐—ฌ๐—”๐——๐——๐—”

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ, ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ โ€“ ๐Ÿฎ๐Ÿฑ ๐—ข๐—ธ๐˜๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Soomaali, ayaa maanta guddoomiyay shirka asbuuc-laha ah ee maamulka wasaaradda, kaas oo lagu falanqeeyay howlaha socda, hannaanka shaqo ee waaxyaha, iyo istaraatiijiyadaha lagu horumarinayo adeegyada tiknolojiyadda iyo isgaarsiinta dalka.

Shirka oo uu goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasime Waaxeedyada kala duwan, ayaa ahaa mid lagu qiimeeyay waxqabadka toddobaadyadii la soo dhaafay iyo qorshayaasha lagu dardargelinayo waajibaadka shaqo ee wasaaradda.

Wasiir Maxamed Soomaali ayaa ugu horrayn soo dhaweeyay Agaasimaha Guud, oo shirkaasi uu u ahaa shirkiisii ugu horreeyay ee guud ahaan Agaasime Waaxeedyada ay si wadajir ah uga soo qayb galaan tan iyo markii loo soo magacaabay Wasaaradda.

Wasiirka oo furay shirka ayaa hoosta ka xariiqay in wada-shaqeyn dhow iyo isfaham buuxa ay yihiin furaha horumarka waax kasta. Wuxuuna ku dhiirrigeliyay Agaasime Waaxeedyada in ay ka shaqeeyaan kor u qaadista xirfadda shaqaalaha, joogteynta imaanshaha shaqada, iyo tayeynta adeegyadii bulshada si toos ah u taabanaya.

โ€œQof kasta oo ka tirsan Wasaaradda waa muhiim. Mid kasta wuxuu leeyahay kaalintiisa, waxaana rabnaa inaan dhisno nidaam shaqo oo qof walba uu dareemo qiimaha uu leeyahay,โ€ ayuu yiri Wasiir Maxamed Soomaali, isagoo hadal dhiirrigelin iyo hoggaan leh u jeediyay Agaasimaha Guud iyo madaxda waaxyaha.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa soo bandhigay xaaladda guud ee shaqada inta uu xafiiska joogay, halka Agaasimayaasha Waaxyaha ay iyaguna soo gudbiyeen warbixino faahfaahsan oo ku saabsan horumarka, caqabadaha, iyo qorshayaasha waaxyahooda.

Ugu dambayn, wasiirka isgaarsiinta dalka xildhibaan maxamed Soomaali ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta isla-xisaabtanka, dhiirrigelinta shaqaalaha, iyo dardargelinta howlaha muhiimka ah ee wasaaradda.

Shirka asbuuc-laha ah ee maanta la qabtay ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu joogteynayo wada-shaqeynta iyo isku xirka heerarka maamulka, taas oo horseedaysa in Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ay sii xoojiso kaalinteeda hoggaamineed ee dhanka dijitaalka iyo hal-abuurka tiknolojiyadda dalka.

DHAMMAAD....................
Wixii faafaahin ah laxiriir
Ali Omar Abdulle
Madaxa Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha

๐Ÿ“ง Email: [email protected]
๐ŸŒ Website: www.moct.gov.so
facebook:https://www.facebook.com/MoCTSomalia?mibextid=ZbWKwL
๐Ÿฆ Twitter:
TIKTO:https://www.tiktok.com/?_t=8rXwxF2VIC0&_r=1

21/10/2025

Wareysi uu siiyey warbaahinta dowladda SNTV ee barnaamijka RAAD RAAC, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS, Mudane Maxamed Soomaali

20/10/2025

Hordhaca wareysiga wasiir Mohamed Soomaali caawa kala soco warbaahinta Qaranka.

16/10/2025

Khudbadda Wasiirka Mohamed Soomaali ee Xil ukala Wareejinta Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada iyo wasaaradda howlaha guud.

๐— ๐—จ๐—ก๐—”๐—”๐—ฆ๐—”๐—•๐—”๐——๐——๐—” ๐—ซ๐—œ๐—Ÿ ๐”๐—ž๐—”๐—Ÿ๐—” ๐—ช๐—”๐—ฅ๐—˜๐—˜๐—๐—œ๐—ก๐—ง๐—” ๐—”๐—š๐—”๐—”๐—ฆ๐—œ๐— ๐—”๐—ฌ๐—”๐—”๐—ฆ๐—›๐—” ๐—š๐—จ๐—จ๐—— ๐—˜๐—˜ ๐—ช๐—”๐—ฆ๐—”๐—”๐—ฅ๐—”๐——๐—”๐—›๐—” ๐—œ๐—ฆ๐—š๐—”๐—”๐—ฅ๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ก๐—ง๐—” ๐—œ๐—ฌ๐—ข ๐—›๐—ข๐—ช๐—Ÿ๐—”๐—›๐—” ๐—š๐—จ๐—จ๐——.MUQDISHO โ€“ SOOMAALIYA...
16/10/2025

๐— ๐—จ๐—ก๐—”๐—”๐—ฆ๐—”๐—•๐—”๐——๐——๐—” ๐—ซ๐—œ๐—Ÿ ๐”๐—ž๐—”๐—Ÿ๐—” ๐—ช๐—”๐—ฅ๐—˜๐—˜๐—๐—œ๐—ก๐—ง๐—” ๐—”๐—š๐—”๐—”๐—ฆ๐—œ๐— ๐—”๐—ฌ๐—”๐—”๐—ฆ๐—›๐—” ๐—š๐—จ๐—จ๐—— ๐—˜๐—˜ ๐—ช๐—”๐—ฆ๐—”๐—”๐—ฅ๐—”๐——๐—”๐—›๐—” ๐—œ๐—ฆ๐—š๐—”๐—”๐—ฅ๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ก๐—ง๐—” ๐—œ๐—ฌ๐—ข ๐—›๐—ข๐—ช๐—Ÿ๐—”๐—›๐—” ๐—š๐—จ๐—จ๐——.

MUQDISHO โ€“ SOOMAALIYA, 16 OKTOOBAR 2025:

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane ๐— ๐—”๐—ซ๐—”๐— ๐—˜๐—— ๐—”๐—”๐——๐—”๐—ก ๐— ๐—”๐—–๐—”๐—Ÿ๐—Ÿ๐—œ๐—  (๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ), iyo Wasiirka Howlaha Guud, Dr. Cilmi Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah xilalka ugu kala wareejiyay Agaasimayaasha Guud ee labada wasaaradood, munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, agaasimayaal iyo qaar kamid ah howl-wadeenada labada wasaaradood.

Furitaanka munaasabadda kadib, waxaa hadal jeediyay Agaasimihii h**e ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Faarax Cabdinuur, oo xusay shaqadii wanaagsaneyd ee ay si wadajir ah u qabteen Wasiir ๐— ๐—”๐—ซ๐—”๐— ๐—˜๐—— ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ, isaga oo tilmaamay in muddo kooban lagu gaaray guulo muuqda oo ka tarjumaya dadaal, isku-duubni, hufnaan shaqo iyo walba isagoo ku shaqeeyey fulinta siyaasadda wasiirkiisa.

Dhinaca kale, Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Mahdi Sheekh Cabdullaahi, ayaa sheegay in uu howsha uu ka sii amba-qaadi doono halka uu soo gaarsiiyay agaasimihii h**e. Wuxuu intaa raaciyay in uu ku faraxsan yahay in mar kale uu la shaqeynayo Wasiir Maxamed Soomaali, oo h**ey ugu soo noqday Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud xilli uu isagu ahaa agaasime waaxeed ka tirsan wasaaraddaas.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, mudane Cilmi Maxamuud nuur, ayaa madasha ka hadlay, isagoo xusay in ay si dhow u soo wada shaqeeyeen Agaasime Mahdi, kuna tilmaamay shaqsi howlkar ah oo waqti iyo xirfad u huray waajibaadkiisa shaqo. Wuxuu kula dardaarmay in uu si daacadnimo iyo karti leh uga soo baxo xilka cusub ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda.

Ugu dambeyn, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mudane Maxamed Aadan Macallim (Soomaali) ayaa jeediyay khudbaddiisa, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Agaasimihii h**e ee Wasaaradda Isgaarsiinta dadaalkii iyo kartidii uu muujiyay intii uu xilka hayay. Wasiirku wuxuu tilmaamay in Faarax Cabdinuur uu ahaa shaqsi har iyo habeen u taagnaa horumarinta shaqada wasaaradda, taasna ay horseeday guulaha muuqda ee ay gaartay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda.

Wasiir Maxamed Soomaali ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Agaasimaha cusub isagoo xusay in looga fadhiyo dardargelinta howlaha socda iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee wasaaradda, isagoo carabka ku adkeeyay in dhammaan shaqaalaha iyo masuuliyiinta wasaaraddu ay garab istaagi doonaan.

โ€œX๐—ถ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ผ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—พ๐—ผ๐—ฟ๐—ถ ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐˜‚ ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ฏ, ๐—ถ๐˜€๐—ฏ๐—ฒ๐—ฑ๐—ฒ๐—น๐—ธ๐˜‚๐—ป๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐˜€๐˜‚๐—ป๐—ป๐—ผ. ๐—”๐—ป๐—ถ๐—ด๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎn ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐˜„๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—ธ๐—ฎ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ป๐—ผ๐—พ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†, ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ฒ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ ๐—น๐—ฎ ๐—ถ๐—ถ ๐˜„๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ท๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐˜†. ๐—Ÿ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—”๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—บ๐—ฒ, ๐—ต๐—ผ๐˜„๐—น-๐—ด๐˜‚๐—ฑ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ธ๐˜‚ ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐˜€๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—น๐—ฎ ๐—ท๐—ผ๐—ผ๐—ด๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐—ป, ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ๐˜€๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ ๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ป ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป .โ€ ayuu kusoo xiray munaasabadda Wasiir Maxamed Soomaali.

Intaa kadib, labada agaasime ayaa midba midka kale soo baray qeybaha ay ka kooban tahay wasaaradda uu katagay, iyo shaqaalaha kusuganaa xarumaha wasaaraddaha.

DHAMMAAD....................
Wixii faafaahin ah laxiriir
Ali Omar Abdulle
Madaxa Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha

๐Ÿ“ง Email: [email protected]
๐ŸŒ Website: www.moct.gov.so
facebook:https://www.facebook.com/MoCTSomalia?mibextid=ZbWKwL
๐Ÿฆ Twitter:
TIKTO:https://www.tiktok.com/?_t=8rXwxF2VIC0&_r=1

๐—ช๐—”๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ฅ ๐— ๐—”๐—ซ๐—”๐— ๐—˜๐—— ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ ๐—ข๐—ข ๐—ช๐—”๐—ฆ๐—”๐—”๐—ฅ๐—”๐——๐——๐—” ๐—œ๐—ฆ๐—š๐—”๐—”๐—ฅ๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ก๐—ง๐—” ๐—ž๐—จ ๐—ค๐—”๐—”๐—•๐—œ๐—Ÿ๐—”๐—ฌ W๐—”๐—™๐——๐—œ ๐—ž๐—” ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐—–๐——๐—”๐—ฌ ๐—›๐—”๐—ฌโ€™๐—”๐——๐——๐—” ๐—ค๐—”๐—ฅ๐—”๐— ๐—”๐——๐—” ๐— ๐—œ๐——๐—ข๐—ข๐—•๐—”๐—ฌ ๐—˜๐—˜ ๐— ๐—”๐—ฆ๐—›๐—”๐—”๐—ฅ๐—œ๐—œ๐—–...
13/10/2025

๐—ช๐—”๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ฅ ๐— ๐—”๐—ซ๐—”๐— ๐—˜๐—— ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ ๐—ข๐—ข ๐—ช๐—”๐—ฆ๐—”๐—”๐—ฅ๐—”๐——๐——๐—” ๐—œ๐—ฆ๐—š๐—”๐—”๐—ฅ๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ก๐—ง๐—” ๐—ž๐—จ ๐—ค๐—”๐—”๐—•๐—œ๐—Ÿ๐—”๐—ฌ W๐—”๐—™๐——๐—œ ๐—ž๐—” ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐—–๐——๐—”๐—ฌ ๐—›๐—”๐—ฌโ€™๐—”๐——๐——๐—” ๐—ค๐—”๐—ฅ๐—”๐— ๐—”๐——๐—” ๐— ๐—œ๐——๐—ข๐—ข๐—•๐—”๐—ฌ ๐—˜๐—˜ ๐— ๐—”๐—ฆ๐—›๐—”๐—”๐—ฅ๐—œ๐—œ๐—–๐——๐—” (๐—จ๐—ก๐—ข๐—ฃ๐—ฆ).

Muqdisho, Soomaaliya 13-ka Oktoobar 2025 โ€“

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane ๐— ๐—”๐—ซ๐—”๐— ๐—˜๐—— ๐—”๐—”๐——๐—”๐—ก ๐— ๐—”๐—–๐—”๐—Ÿ๐—Ÿ๐—œ๐—  (๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hayโ€™adda Qaramada Midoobay ee Mashaariicda ๐—จ๐—ก๐—ข๐—ฃ๐—ฆ oo uu horkacayey Alaโ€™a Nemer, Agaasimaha Guud ee UNOPS ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay horumarinta adeegyada dhijitaalka ah ee dowladda, xoojinta kaabayaasha isgaarsiinta, iyo kor u qaadista iskaaashiga wadajirka ah ee Wasaaradda iyo UNOPS.

Intii uu socday kulanka, waxaa laga wada hadlay xaaladda guud ee barnaamijyada socda ee dhijitaalka iyo baahida loo qabo in la dardargeliyo hirgelinta adeegyada dowladda ee hal-meel looga heli karo (Digital Government Services). Waxaa sidoo kale lagu lafa-guray sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinaca tiknoolajiyadda, gaar ahaan dhanka maareynta xogaha, isku xirka adeegyada dowladda, iyo kor u qaadista hufnaanta adeeg bixinta.

Wafdiga UNOPS ayaa soo bandhigay fursado lagu taageerayo mashaariicda Wasaaradda ee la xiriira dhisidda kaabayaasha isgaarsiinta, horumarinta nidaamyada dijitaalka, iyo tababarrada kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha dowladda ee ku shaqeeya dhanka ICT-da.

Wasiir ๐— ๐—”๐—ซ๐—”๐— ๐—˜๐—— ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ ayaa uga mahadceliyay UNOPS garab istaagga Wasaaradda, isaga oo xusay in Wasaaraddu ay ka goโ€™an tahay in ay si buuxda u hirgeliso adeegyo dijitaal ah oo mideysan, kuwaas oo fududeyn doona helitaanka adeegyada dowladda iyo isku xirka hayโ€™adaha kala duwan.

Ugu dambeynt, Wasiirka ayaa ku baaqay in la sii xoojiyo wadashaqeynta iyo qorsheynta mashaariicda la xiriira teknolojiyadda, isgaarsiinta, iyo maamulka dijitaalka, si Soomaaliya uga mid noqoto dalalka ka faaโ€™iideeya tignoolajiyadda casriga ah ee kor u qaadda daahfurnaanta, hufnaanta iyo helitaanka adeegyada bulshada.

DHAMMAAD....................
Wixii faafaahin ah laxiriir
Ali Omar Abdulle
Madaxa Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha

๐Ÿ“ง Email: [email protected]
๐ŸŒ Website: www.moct.gov.so
facebook:https://www.facebook.com/MoCTSomalia?mibextid=ZbWKwL
๐Ÿฆ Twitter:
TIKTO:https://www.tiktok.com/?_t=8rXwxF2VIC0&_r=1

๐—ช๐—”๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ฅ ๐— ๐—”๐—ซ๐—”๐— ๐—˜๐—— ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ ๐—ข๐—ข ๐——๐—”๐—”๐—›๐—™๐—จ๐—ฅ๐—”๐—ฌ ๐—ช๐—”๐——๐—”-๐—ง๐—”๐—ฆ๐—›๐—œ ๐—ค๐—”๐—ฅ๐—”๐—ก ๐—˜๐—˜ ๐—œ๐—ฆ๐—ง๐—”๐—ฅ๐—”๐—”๐—ง๐—œ๐—๐—œ๐—ฌ๐—”๐——๐——๐—” ๐—œ๐—ฆ๐—•๐—˜๐——๐——๐—˜๐—Ÿ๐—ž๐—” ๐——๐—›๐—œ๐—๐—œ๐—ง๐—”๐—”๐—Ÿ๐—ž๐—” ๐—˜๐—˜ ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ๐—ฌ๐—” (๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑโ€“๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฏ...
12/10/2025

๐—ช๐—”๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ฅ ๐— ๐—”๐—ซ๐—”๐— ๐—˜๐—— ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ ๐—ข๐—ข ๐——๐—”๐—”๐—›๐—™๐—จ๐—ฅ๐—”๐—ฌ ๐—ช๐—”๐——๐—”-๐—ง๐—”๐—ฆ๐—›๐—œ ๐—ค๐—”๐—ฅ๐—”๐—ก ๐—˜๐—˜ ๐—œ๐—ฆ๐—ง๐—”๐—ฅ๐—”๐—”๐—ง๐—œ๐—๐—œ๐—ฌ๐—”๐——๐——๐—” ๐—œ๐—ฆ๐—•๐—˜๐——๐——๐—˜๐—Ÿ๐—ž๐—” ๐——๐—›๐—œ๐—๐—œ๐—ง๐—”๐—”๐—Ÿ๐—ž๐—” ๐—˜๐—˜ ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ๐—ฌ๐—” (๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑโ€“๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฏ๐Ÿฌ)

Muqdisho, Soomaaliya โ€“ 12ka Oktoobar 2025

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan ๐™ˆ๐˜ผ๐™“๐˜ผ๐™ˆ๐™€๐˜ฟ ๐˜ผ๐˜ผ๐˜ฟ๐˜ผ๐™‰ ๐™ˆ๐˜ผ๐˜พ๐˜ผ๐™‡๐™„๐™ˆ (๐™Ž๐™Š๐™Š๐™ˆ๐˜ผ๐˜ผ๐™‡๐™„), ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Wada-tashi Qaran oo socon doona laba maalmood, laguna gorfeynayo Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ee Soomaaliya (2025โ€“2030).

Wasiir Maxamed Soomaali ayaa xusay in istaraatiijiyaddan cusub ay noqon doonto hagaha guud ee mideynaya dhammaan hindisayaasha ICT-da ee dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda isku-duwidda siyaasadaha, maalgelinta kaabayaasha dhijitaalka ah, iyo horumarinta awoodda shaqaalaha si loo dardargeliyo adeeg bixinta iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda dalka ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhow ee caalamiga ah, isagoo sheegay in uu saldhig u yahay dhismaha nidaam dhijitaal oo casri ah, loo dhan yahay, isla markaana adkeysi leh. Wasiirku waxa uu u mahadceliyay Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) iyo dhammaan bahda ka qeybgaleysa wada-tashigan.

Wadatashigan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda oo kaashaneysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa laโ€™isugu keenay wakiillo ka socda hayโ€™adaha dowladda, shirkadaha isgaarsiinta, iyo bahda farsamada, si ay uga wada hadlaan qorshaha cusub ee horumarinta dhijitaalka dalka.

Daahfurka waxaa goobjoog ka ahaa Maareeyaha Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka, masuuliyiin ka kala socday wasaaradaha, hayโ€™adaha dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku hawlan adeegyada isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda.

Inta lagu guda jiro wada-tashigan, waxaa lagu gorfeynayaa aragtida dhijitaalka ee Soomaaliya, tiirarka istaraatiijiyadda, iyo qorshaha hirgelinta, iyadoo xoogga la saarayo habraaca maamulka, qaababka maalgelinta, iyo waafaqsanaanta qorshaha qaranka ee dhijitaalka ah la leeyahay kuwa Midowga Afrika (AU) iyo Bulshada Bariga Afrika (EAC).

DHAMMAAD....................
Wixii faafaahin ah laxiriir
Ali Omar Abdulle
Madaxa Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha

๐Ÿ“ง Email: [email protected]
๐ŸŒ Website: www.moct.gov.so
facebook:https://www.facebook.com/MoCTSomalia?mibextid=ZbWKwL
๐Ÿฆ Twitter:
TIKTO:https://www.tiktok.com/?_t=8rXwxF2VIC0&_r=1

๐—ฆ๐—”๐—ฅ๐—˜๐—˜๐—ฌ๐—ข๐—ช ๐— ๐—” ๐—ก๐—จ๐—ฆ๐—ค๐—”๐—”๐— ๐—ข๐—ข๐—ช๐—”๐—”๐—ก ๐—ฆ๐—œ๐——๐—จ๐—จ ๐—ฌ๐—”๐—›๐—”๐—ฌ ๐—˜๐—˜๐—š๐—ก๐—˜๐—˜๐—ž๐—”๐—ก๐—ก๐—” ๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—• ๐—ž๐—”๐—ก๐—” ๐—ฆ๐—”๐—”๐—ฅ.WASIIR MAXAMED SOOMAALI OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HA...
12/10/2025

๐—ฆ๐—”๐—ฅ๐—˜๐—˜๐—ฌ๐—ข๐—ช ๐— ๐—” ๐—ก๐—จ๐—ฆ๐—ค๐—”๐—”๐— ๐—ข๐—ข๐—ช
๐—”๐—”๐—ก ๐—ฆ๐—œ๐——๐—จ๐—จ ๐—ฌ๐—”๐—›๐—”๐—ฌ ๐—˜๐—˜๐—š๐—ก๐—˜๐—˜
๐—ž๐—”๐—ก๐—ก๐—” ๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—• ๐—ž๐—”๐—ก๐—” ๐—ฆ๐—”๐—”๐—ฅ.

WASIIR MAXAMED SOOMAALI OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-OKTOOBAR MAALINTA CALANKA

Muqdisho, Oktoobar 12, 2025.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macallim (Soomaali), ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda qiimaha leh ee Maalinta Calanka Soomaaliyeed, taas oo lagu xusayo 12-ka Oktoobar, maalinta calanka qaranka.

Wasiirka oo shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyada maalinta Calanka ayaa xusay in ay maalintani leedahay muhiimad qaran oo weyn, maadaama ay 12-ka oktoobar sanadkii 1954-kii ku beegan tahay markii la gardaadiyey Calankeenna buluugga ah ee astaan u ah midnimada, gobannimada, iyo qarannimada Soomaaliyeed.

โ€œ12-ka Oktoobar waa maalin ku weyn ummadda Soomaaliyeed, Waa maalintii la hindisay calanka Soomaaliya, calan astaan u ah midnimada iyo sharafka dalkeena. Maanta waa fursad aynu ku xusuusanno halgankii iyo dedaalkii ay halyeeyadeenu u soo galeen xornimada iyo dowladnimada aynu maanta ku faaneyno,โ€ ayuu yiri Wasiir Maxamed Soomaali.

โ€œWaxaan si gaar ah hambalyo iyo ammaan ugu dirayaa ciidamadeenna qalabka sida ee naftooda u huray sareynta iyo weyneynta Calankeenna qiimaha weyn ku fadhiya. Sidoo kale, waxaan u duceynayaa geesiyaashii naftooda ku waayay difaaca qaranka, iyo kuwa maanta ku sugan jiidaha h**e ee dagaalka, kuwaas oo ah tiirka sharafka iyo adkeysiga dalkeena,โ€ ayuu raaciyey Wasiirku.

Ugu dambeyn, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan horumarinta dowladnimada, difaaca madaxbannaanida dalka, iyo ilaalinta astaamaha qaranka, si jiilasha soo koraya loogu gudbiyo dhaxal nabadeed, midnimo, iyo horumar waara.

DHAMMAAD....................
Wixii faafaahin ah laxiriir
Ali Omar Abdulle
Madaxa Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha

๐Ÿ“ง Email: [email protected]
๐ŸŒ Website: www.moct.gov.so
facebook:https://www.facebook.com/MoCTSomalia?mibextid=ZbWKwL
๐Ÿฆ Twitter:
TIKTO:https://www.tiktok.com/?_t=8rXwxF2VIC0&_r=1

๐—ช๐—”๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ฅ ๐— ๐—”๐—ซ๐—”๐— ๐—˜๐—— ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ ๐—ข๐—ข ๐—ฆ๐—ข๐—ข ๐—ซ๐—œ๐—ฅ๐—”๐—ฌ ๐—ž๐—ข๐—ฅ๐— ๐—˜๐—˜๐—ฅ๐—ž๐—” ๐—›๐—œ๐—ฅ๐—š๐—˜๐—Ÿ๐—œ๐—ก๐—ง๐—” ๐— ๐—”๐—ฆ๐—›๐—ฅ๐—จ๐—จ๐—–๐—” ๐—œ๐—ฆ๐——๐—›๐—˜๐—ซ๐—š๐—”๐—Ÿ๐—ž๐—” ๐——๐—œ๐—๐—œ๐—ง๐—”๐—”๐—Ÿ๐—ž๐—” ๐—•๐—”๐—ฅ๐—œ๐—š๐—” ๐—”๐—™๐—ฅ๐—œ๐—ž๐—”Muqdisho, Soomaa...
08/10/2025

๐—ช๐—”๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ฅ ๐— ๐—”๐—ซ๐—”๐— ๐—˜๐—— ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ ๐—ข๐—ข ๐—ฆ๐—ข๐—ข ๐—ซ๐—œ๐—ฅ๐—”๐—ฌ ๐—ž๐—ข๐—ฅ๐— ๐—˜๐—˜๐—ฅ๐—ž๐—” ๐—›๐—œ๐—ฅ๐—š๐—˜๐—Ÿ๐—œ๐—ก๐—ง๐—” ๐— ๐—”๐—ฆ๐—›๐—ฅ๐—จ๐—จ๐—–๐—” ๐—œ๐—ฆ๐——๐—›๐—˜๐—ซ๐—š๐—”๐—Ÿ๐—ž๐—” ๐——๐—œ๐—๐—œ๐—ง๐—”๐—”๐—Ÿ๐—ž๐—” ๐—•๐—”๐—ฅ๐—œ๐—š๐—” ๐—”๐—™๐—ฅ๐—œ๐—ž๐—”

Muqdisho, Soomaaliya, 8 Oktoobar 2025

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS Mudane Maxamed Aadan Macallim (Soomaali) ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca Isdhexgalka Dijitaalka Bariga Afrika (Eastern Africa Regional Digital Integration Project).

Kormeerkan ayaa lagu falanqeeyay heerarka uu marayo mashruuca, dardargelinta qorshayaasha sanadlaha ah, iyo horumarinta isku xirka dijitaalka ee dalalka gobolka Bariga Afrika. Waxaa sidoo kale lagu qiimeeyay qorshaha shaqo ee sanadka 2025/2026, iyo sida loo xoojin karo adeegyada casriga ah ee dowladda, amniga dijitaalka iyo kor u qaadista awoodda hayโ€™adaha dowladda ee dhanka tiknoolojiyadda.

Intii uu socday kulanka, masโ€™uuliyiinta ka kala socday Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Federaalka, Wasaaradaha dowlad-goboleedyada ee Isgaarsiinta, Kooxda Hirgelinta Mashruuca (PIU), iyo Bangiga Adduunka ayaa si qoto dheer uga wada hadlay habraacyada shaqo iyo istiraatiijiyadda lagu hubinayo in mashruuca uu u socdo si hufan oo waafaqsan qorshaha horumarineed ee qaranka.

Gunaanadkii kormeerka ayaa lagu soo bandhigay natiijooyin muhiim ah oo muujinaya horumar la taaban karo, iyadoo la isla gartay in la dardargeliyo wajiyada xiga ee mashruuca si Soomaaliya uga mid noqoto dalalka hormuudka ka ah isku xirka dijitaalka ee Bariga Afrika.

Kulankan xiritaanka ah ayaa sidoo kale carabka lagu dhuftay muhiimadda iskaashiga si loo xaqiijiyo in mashruuca uu noqdo mid waxtar leh oo gacan ka geysanaya koboca dhaqaalaha dijitaalka ah, abuurista fursado shaqo, iyo horumar waara oo dhanka tiknoolojiyadda ah.

Wasiir Maxamed Soomali, oo soo xiray kulanka, ayaa ku adkeeyay in natiijooyinka kormeerkan ay saldhig u yihiin wejiyada xiga ee mashruuca, kuwaas oo diiradda lagu saari doono isku xirnaanta dalalka gobolka iyo adeegyada dijitaalka ee bulshada Soomaaliyeed.

DHAMMAAD....................
Wixii faafaahin ah laxiriir
Ali Omar Abdulle
Madaxa Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
๐Ÿ“ง Email: [email protected]
๐ŸŒ Website: www.moct.gov.so
facebook:https://www.facebook.com/MoCTSomalia?mibextid=ZbWKwL
๐Ÿฆ Twitter:
TIKTO:https://www.tiktok.com/?_t=8rXwxF2VIC0&_r=1

๐—ช๐—”๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ฅ ๐— ๐—”๐—ซ๐—”๐— ๐—˜๐—— ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ ๐—ข๐—ข ๐——๐—”๐—”๐—›๐—™๐—จ๐—ฅ๐—”๐—ฌ ๐—ž๐—ข๐—ฅ๐— ๐—˜๐—˜๐—ฅ๐—ž๐—” ๐—›๐—œ๐—ฅ๐—š๐—˜๐—Ÿ๐—œ๐—ก๐—ง๐—” ๐— ๐—”๐—ฆ๐—›๐—ฅ๐—จ๐—จ๐—–๐—” ๐—œ๐—ฆ๐——๐—›๐—˜๐—ซ๐—š๐—”๐—Ÿ๐—ž๐—” ๐——๐—œ๐—๐—œ๐—ง๐—”๐—”๐—Ÿ๐—ž๐—” ๐—•๐—”๐—ฅ๐—œ๐—š๐—” ๐—”๐—™๐—ฅ๐—œ๐—ž๐—” Muqdisho, Sooma...
06/10/2025

๐—ช๐—”๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ฅ ๐— ๐—”๐—ซ๐—”๐— ๐—˜๐—— ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ ๐—ข๐—ข ๐——๐—”๐—”๐—›๐—™๐—จ๐—ฅ๐—”๐—ฌ ๐—ž๐—ข๐—ฅ๐— ๐—˜๐—˜๐—ฅ๐—ž๐—” ๐—›๐—œ๐—ฅ๐—š๐—˜๐—Ÿ๐—œ๐—ก๐—ง๐—” ๐— ๐—”๐—ฆ๐—›๐—ฅ๐—จ๐—จ๐—–๐—” ๐—œ๐—ฆ๐——๐—›๐—˜๐—ซ๐—š๐—”๐—Ÿ๐—ž๐—” ๐——๐—œ๐—๐—œ๐—ง๐—”๐—”๐—Ÿ๐—ž๐—” ๐—•๐—”๐—ฅ๐—œ๐—š๐—” ๐—”๐—™๐—ฅ๐—œ๐—ž๐—”

Muqdisho, Soomaaliya 5 Oktoobar 2025 โ€“

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ๐—ซ๐—œ๐—Ÿ๐——๐—›๐—œ๐—•๐—”๐—”๐—ก ๐— ๐—”๐—ซ๐—”๐— ๐—˜๐—— ๐—”๐—”๐——๐—”๐—ก ๐— ๐—”๐—–๐—”๐—Ÿ๐—Ÿ๐—œ๐—ก (๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ) ayaa si rasmi ah u daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca Isdhexgalka Dijitaalka Bariga Afrika (The Eastern Africa Regional Digital Integration Project), oo ka furmay Xafiiska Bangiga Adduunka ee Muqdisho.

Kormeerkan, oo soconaya muddo shan maalmood ah (5โ€“9 Oktoobar 2025), ayaa lagu eegayaa heerarka uu marayo mashruuca, qorshayaasha sanadlaha ah, iyo sidii loo dardargelin lahaa dadaallada lagu horumarinayo isku xirnaanta dijitaalka, adeegyada dowladda ee casriga ah, amni-galinta internet-ka (cybersecurity), iyo kobcinta awoodda hayโ€™adaha dowladda ee dhinaca tiknoolojiyadda.

Inta lagu guda jiray kulanka, waxaa lagu soo bandhigay qorshaha shaqo iyo miisaaniyadda sanadka 2025/2026, iyo dib u eegis lagu sameynayo howlaha muhiimka ah ee h**ey u socday. Waxaa sidoo kale lagu gorfeeyay qorshaha hirgelinta ee mustaqbalka dhow si loo hubiyo in mashruucu si hufan u socdo.

Kulankan waxaa ka qeybgalaya masโ€™uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Dowlad-Goboleedyada, xubno ka socda Kooxda Hirgelinta Mashruuca (Project Implementation Unit โ€“ PIU), hayโ€™adaha kale ee dowladda ee la xiriira mashruuca, iyo Kooxda Bangiga Adduunka (World Bank Task Team).

Wasiir Maxamed Soomali ayaa xusay in mashruucan uu qeyb muhiim ah ka yahay dadaalka dowladda ee lagu xoojinayo isdhexgalka dijitaalka ee gobolka Bariga Afrika, isla markaana uu door muuqda ku leeyahay kobcinta dhaqaalaha dijitaalka ah ee Soomaaliya, abuurista fursado shaqo oo cusub, iyo dardargelinta adeegyada dijitaalka ee bulshada.

โ€œ๐˜‹๐˜ฐ๐˜ธ๐˜ญ๐˜ข๐˜ฅ๐˜ฅ๐˜ข ๐˜๐˜ฆ๐˜ฅ๐˜ฆ๐˜ณ๐˜ข๐˜ข๐˜ญ๐˜ฌ๐˜ข ๐˜š๐˜ฐ๐˜ฐ๐˜ฎ๐˜ข๐˜ข๐˜ญ๐˜ช๐˜บ๐˜ข ๐˜ธ๐˜ข๐˜น๐˜ข๐˜บ ๐˜ฎ๐˜ถ๐˜ฅ๐˜ฏ๐˜ข๐˜ข๐˜ฏ๐˜ต๐˜ข ๐˜ด๐˜ช๐˜ช๐˜ฏ๐˜ฆ๐˜บ๐˜ด๐˜ข๐˜ข ๐˜ฉ๐˜ฐ๐˜ณ๐˜ถ๐˜ฎ๐˜ข๐˜ณ๐˜ช๐˜ฏ๐˜ต๐˜ข ๐˜ต๐˜ช๐˜ฌ๐˜ฏ๐˜ฐ๐˜ฐ๐˜ญ๐˜ฐ๐˜ซ๐˜ช๐˜บ๐˜ข๐˜ฅ๐˜ฅ๐˜ข ๐˜ช๐˜บ๐˜ฐ ๐˜ฅ๐˜ฉ๐˜ช๐˜ด๐˜ช๐˜ฅ๐˜ฅ๐˜ข ๐˜ฌ๐˜ข๐˜ข๐˜ฃ๐˜ข๐˜บ๐˜ข๐˜ข๐˜ญ ๐˜ค๐˜ข๐˜ด๐˜ณ๐˜ช ๐˜ข๐˜ฉ ๐˜ฐ๐˜ฐ ๐˜ด๐˜ถ๐˜ถ๐˜ณ๐˜ต๐˜ข๐˜จ๐˜ฆ๐˜ญ๐˜ช๐˜ฏ๐˜ข๐˜บ๐˜ข ๐˜ช๐˜ฏ ๐˜ฅ๐˜ข๐˜ญ๐˜ฌ๐˜ข ๐˜ถ๐˜ถ ๐˜ด๐˜ช ๐˜ฃ๐˜ถ๐˜ถ๐˜น๐˜ฅ๐˜ข ๐˜ถ๐˜จ๐˜ข ๐˜ฒ๐˜ฆ๐˜บ๐˜ฃ๐˜ฒ๐˜ข๐˜ข๐˜ต๐˜ฐ ๐˜ช๐˜ด๐˜ฅ๐˜ฉ๐˜ฆ๐˜น๐˜จ๐˜ข๐˜ญ๐˜ฌ๐˜ข ๐˜ฅ๐˜ช๐˜ซ๐˜ช๐˜ต๐˜ข๐˜ข๐˜ญ๐˜ฌ๐˜ข ๐˜ฆ๐˜ฆ ๐˜จ๐˜ฐ๐˜ฃ๐˜ฐ๐˜ญ๐˜ฌ๐˜ข ๐˜ช๐˜บ๐˜ฐ ๐˜ค๐˜ข๐˜ข๐˜ญ๐˜ข๐˜ฎ๐˜ฌ๐˜ข,โ€ ayuu yiri Wasiirka Isgaarsiinta & Teknolojiyadda Soomaaliya.

Kulankaan kormeerka ah ayaa qayb ka ah taageerada Bangiga Adduunka ee lagu xoojinayo qorshaha Soomaaliya ee dhisidda kaabayaasha isgaarsiinta iyo adeegyada dijitaalka, taas oo saldhig u noqon doonta horumar waara iyo isku xirnaan dhaqaale oo goboleed.

DHAMMAAD....................
Wixii faafaahin ah laxiriir
Ali Omar Abdulle
Madaxa Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
๐Ÿ“ง Email: [email protected]
๐ŸŒ Website: www.moct.gov.so
facebook:https://www.facebook.com/MoCTSomalia?mibextid=ZbWKwL
๐Ÿฆ Twitter:
TIKTO:https://www.tiktok.com/?_t=8rXwxF2VIC0&_r=1

W๐—”๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ฅ ๐— ๐—”๐—ซ๐—”๐— ๐—˜๐—— ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ ๐—ข๐—ข ๐—ž๐—จ๐—Ÿ๐—”๐—ก ๐— ๐—œ๐—ฅ๐—ข-๐——๐—›๐—”๐—Ÿ ๐—”๐—› ๐—Ÿ๐—” ๐—ฌ๐—˜๐—˜๐—ฆ๐—›๐—”๐—ฌ ๐——๐—”๐—ก๐—๐—œ๐—ฅ๐—”๐—›๐—” ๐—–๐—จ๐—ฆ๐—จ๐—• ๐—˜๐—˜ ๐— ๐—œ๐——๐—ข๐—ช๐—š๐—” ๐—ฌ๐—จ๐—ฅ๐—จ๐—• ๐—˜๐—˜ ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ๐—ฌ๐—”๐™ˆ๐™ช๐™ฆ๐™™๐™ž๐™จ๐™๐™ค, ๐™Ž๐™ค๐™ค๐™ข๐™–๐™–๐™ก...
05/10/2025

W๐—”๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ฅ ๐— ๐—”๐—ซ๐—”๐— ๐—˜๐—— ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ ๐—ข๐—ข ๐—ž๐—จ๐—Ÿ๐—”๐—ก ๐— ๐—œ๐—ฅ๐—ข-๐——๐—›๐—”๐—Ÿ ๐—”๐—› ๐—Ÿ๐—” ๐—ฌ๐—˜๐—˜๐—ฆ๐—›๐—”๐—ฌ ๐——๐—”๐—ก๐—๐—œ๐—ฅ๐—”๐—›๐—” ๐—–๐—จ๐—ฆ๐—จ๐—• ๐—˜๐—˜ ๐— ๐—œ๐——๐—ข๐—ช๐—š๐—” ๐—ฌ๐—จ๐—ฅ๐—จ๐—• ๐—˜๐—˜ ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ๐—ฌ๐—”

๐™ˆ๐™ช๐™ฆ๐™™๐™ž๐™จ๐™๐™ค, ๐™Ž๐™ค๐™ค๐™ข๐™–๐™–๐™ก๐™ž๐™ฎ๐™–, 05 ๐™Š๐™ ๐™ฉ๐™ค๐™ค๐™—๐™–๐™ง 2025

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane ๐— ๐—”๐—ซ๐—”๐— ๐—˜๐—— ๐—”๐—”๐——๐—”๐—ก ๐— ๐—”๐—–๐—”๐—Ÿ๐—Ÿ๐—œ๐—ก (๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ), ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, ๐—”๐—บ๐—ฏ. ๐—™๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ฐ๐—ฒ๐˜€๐—ฐ๐—ฎ ๐——๐—ถ ๐— ๐—ฎ๐˜‚๐—ฟ๐—ผ. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada isgaarsiinta, horumarinta dijitaalka, iyo amniga internetka.

Wasiirka isgaarsiinta dalka mudame ๐— ๐—”๐—ซ๐—”๐— ๐—˜๐—— ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Wasaaradda, gaar ahaan mashruuca dhowaan la soo gabagabeeyay ee โ€œInitiative for Digital Government and Cybersecurity (IDGC) for the Horn of Africaโ€, oo uu maalgeliyay Midowga Yurub, kaas oo diiradda saaray horumarinta e-dowladda iyo amniga dijitaalka ee dalalka gobolka.

Dhankeeda, Danjiraha cusub ee Midowga Yurub, Amb. Francesca Di Mauro, ayaa xaqiijisay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, iyadoo carabka ku dhufatay muhiimadda ay leedahay horumarinta dijitaalka, xirfadaha dhallinyarada, iyo mashaariicda lagu xoojinayo isku xirka gobolka iyo maalgashiga tiknoolojiyadda cagaaran.

Kulankan udhexeeyey wasiirka wasaaradda isgaarsiinta & Teknolojiyadda soomaaliya iyo safiirka midowga yurub ayaa muujinaya sida ay labada dhinac uga goโ€™an tahay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dhinac, si loo hormariyo dijitaalka, amniga internetka, iyo horumarinta adeegyada casriga ah ee dowladnimada.

DHAMMAAD....................
Wixii faafaahin ah laxiriir
Ali Omar Abdulle
Madaxa Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
๐Ÿ“ง Email: [email protected]
๐ŸŒ Website: www.moct.gov.so
facebook:https://www.facebook.com/MoCTSomalia?mibextid=ZbWKwL
๐Ÿฆ Twitter:
TIKTO:https://www.tiktok.com/?_t=8rXwxF2VIC0&_r=1

Address

Jidka Jamhuuriya, Boondheere District
Muqdisho
252

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada:

Share