02/08/2023
Marka h**e waxaan Hambalyeyneenaa dhamaan ardaydii guuleesatay Ee ka gudubtay Marxaladda Dugsiga dhexe una gudubtay Marxaladda Dugsiga sare. Guulo intaan ka badane waan idiin rajeynaa bi idnillaah.
Marka xiga Labada arday ee hartay waxaan leeyahay k**a harin waxbarashada iyo nolosha intaba , haddaad dhibco fiican keeni weyday micnaheedu ma ahan in aadan wax aqoon , balse imtixaanka dabeecaddiisa ayaa ah in dadna dhacaan , dadna baasaan , maxaa yeelay imtixaanku waxa uu leeyahay ( stress , wareer , il-duuf iwm ) waxaa laga yaabaa In aad il-duufto su'aal aad taqaano , waayo binu aadam ayaa tahay. si la mid ah waxaa laga yaabaa in uu il-duufo qofka saxaayo , oo jawaab saxan uu qaldo amaba qalinka kaga dhaco , waayo asagaba waa binu aadam.
Ugu danbeen waxaan idiin leenahay waxaa dhacay/haray qofkii asaga is-reebo oo ka haro waxbarashada , dadaal oo ka sii badi , haddaad shalay dhacday bari waa baasee ha niyad-jabin , dadaal , hadafkaaga mar-walbo ha kuu muuqdo.
Mahadsanidiin.