24/03/2024
MAALINTAA QAAXADA ADUUNKA.
WORLD TB DAY.
Ayadoo maantoo kale dunida laga xuso Maalinta Caalamiga ah ee Qaaxada(TB) oo sanadkaan halku-dhig looga dhigay ‘’ HAA! WAA DHAMEEN KARNAA QAAXADA(TB)’’ ayaa waxey sheegayaan warbixinada eey soo saartay Hey’adda Caafimaadka Aduunka(WHO), in Sanadkii 2022, ku dhawaad 10.6 million oo qof Uu Ku dhacday cudurka Qaaxadda(TB) aduunkoo dhan.
Sidoo kale, 1.3 million qofood ayaa u dhinteen cudurka Qaaxada aduunkoo dhan.
Haddaba markaan u nimaadno Soomaaliya, intii u dhaxeysay Sanadadii 2019 iyo 2021 ayaa waxaa kordhay tirada dadka cususb ee qaba cudurka Qaaxada taas oo kordheesay qiyaas ahaan sanad kasata 1.5 boqolkiiba, laga soo bilaabo sanadkii 2019 oo tirada guud ee dadka qaba cudurka Qaaxada eey aheed 16,918, sanadkii xigay ee 2020 waxey aheed 17,203 iyo sanadkii 2021 oo ahaay 17,422 Sida lagu xusay (Somalia 2022 Epi review report).
Dhamaan xogahaas waxey muujinayaan in sanad kasta oo sanadahaas ka mid ah eey sii kordhayeen tirada dadka qaba cudurka Qaaxadda, sababa la xariira Cudurkii Safmarka ahaa ee COVID-19 oo dunidoo dhan dhibaatooyin u geestay.
Haddaba, anagoo ka faa’iideysaneena Maalintan, waxaa lagama maarmaan ah inaan uga faa’iideysano Baraarujinta dhibaatada iyo saameynta eey ku yeelan karto bushada si gaar ah Ummadda Somaaliyeed.
Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Caafimaadka DFS, oo kaashaneysa saaxibadda Caalamka eey Dadaal ugu jirto sidii eey u yareen laheed dhibaatada iyo baahitaanka Cudurka Qaaxada.
WABILLAAHI TOWFIIQ.