Faculty of Arts and Social Sciences Students Association

Faculty of Arts and Social Sciences Students Association "Waa Bogga Rasmiga Ah Ee Midowga Ardayda Kulliyadda Siyaasada iyo Culuumta Bulshada Ee Jaamacadda SIU"

Guddoomiyaha Naadiga Ardayda Kulliyadda FASS Mudane Fahad Hassan Sheikhow ayaa isku shaandheyn ku sameeyey Golaha Xukuum...
19/05/2026

Guddoomiyaha Naadiga Ardayda Kulliyadda FASS Mudane Fahad Hassan Sheikhow ayaa isku shaandheyn ku sameeyey Golaha Xukuumadda Naadiga Ardayda FASS, wuxuuna magacaabay xubnaha cusub ee kala ah:

• Marwo Fartuun Aadan Cali
Madaxa Arrimaha Bulshada ee Naadiga Ardayda FASS.

• Mudane Yuusuf Warsame Faarax
Madaxa Arrimaha Dibadda ee Naadiga Ardayda FASS.

Guddoomiyuhu wuxuu xubnaha cusub u rajeeyey guul, hufnaan, iyo inay si wanaagsan ugu adeegaan ardayda iyo horumarka kulliyadda.

🏆 FURITAANKA TARTANKA KULLIYADAHA JAAMACADDA SIU 🏆Waxaa si rasmi ah uga furmay xarunta dhexe ee Jaamacadda SIU tartanka ...
17/05/2026

🏆 FURITAANKA TARTANKA KULLIYADAHA JAAMACADDA SIU 🏆

Waxaa si rasmi ah uga furmay xarunta dhexe ee Jaamacadda SIU tartanka kulliyadaha Jaamacadda, kaas oo ay ka qeybgalayaan kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.

Kulliyaddeennu sanadkan waxay tartanka u galeysaa difaacashada horyaalnimadii ay ku guuleysatay sanadkii h**e, taas oo ka dhigeysa tartankan mid leh xamaasad, tartan adag, iyo dhiirrigelin sare.

Waxaan u rajeyneynaa dhammaan ardayda matalaysa kulliyaddeenna guul iyo sharaf, si ay mar kale u muujiyaan dadaalka iyo kartida ay kulliyaddu caan ku tahay.




SIMINAAR AQOON-WADAAG AH OO SI GUUL LEH U QABSOOMAYwaxaa si heer sare ah u qabsoomay Siminaar Aqoon-wadaag ah oo loogu t...
08/05/2026

SIMINAAR AQOON-WADAAG AH OO SI GUUL LEH U QABSOOMAY
waxaa si heer sare ah u qabsoomay Siminaar Aqoon-wadaag ah oo loogu talagalay ardeyda, kaas oo cinwaankiisu ahaa:
“Hogaaminta Isbedelka Bulshada: Doorka Dhallinyarada, Siyaasadda, iyo Xirfadaha Practical-ka ah ee Horumarinta Bulshada.”
Siminaarkan oo lagu qabtay Admin Campus, ayaa ahaa mid ay ardeydu ka faa’iideysteen aqoon iyo waayo-aragnimo la xiriirta hoggaaminta, horumarinta bulshada, iyo doorka muhiimka ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed.
Waxaa si qoto dheer uga hadlay: ustaad Abdullahi Farah Ali Abdullahi (Abdulahi Somali)
Sidoo kale waxaan u mahadcelineynaa dhammaan ardeydii ka soo qeybgashay iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay qabsoomidda siminaarkan qiimaha badan.
Gaar ahaan: Amal Nuur Cabdi – Wasiirka Waxbarashada xukuumada FASS
Ugu dambeyn, waxaan rajeyneynaa in aqoonta iyo fikradaha laga kororsaday siminaarkan ay noqdaan kuwo bulshada wax weyn ku soo kordhiya.

Somali International University - SIU


Highlights

📢 OGEYSIIS MUHIIM AHKulliyadda Arts and Social Sciences – SIU waxay ardayda iyo bahda jaamacadda Gaar ahaan ardayda secu...
06/05/2026

📢 OGEYSIIS MUHIIM AH
Kulliyadda Arts and Social Sciences – SIU waxay ardayda iyo bahda jaamacadda Gaar ahaan ardayda security studies and criminology iyo international relations ku wargelinaysaa in la qaban doono Seminar Aqoon-wadaag ah oo muhiim ah.
Mowduuca: “What kinds of effects does the ongoing conflict in the Middle East have on the world, particularly in terms of Security, Politics, and Economy?”
🎤 Marti-sharaf / Keynote Speaker: Prof. Dr. Osman Barre PhD
📅 Taariikhda: 7-May-2026
⏰ Waqtiga: 3:30 AM
📍 Goobta: Admin Campus, KM4
Seminaarkaan waxaa lagu falanqeyn doonaa saameynta dagaallada Bariga Dhexe ay ku leeyihiin:
✅ Amniga Caalamka
✅ Siyaasadda Dunida
✅ Dhaqaalaha Adduunka
Dhamaan ardayda iyo daneeyayaasha aqoonta waxaa lagu casuumayaa inay kasoo qeyb galaan.
Wasiirka Wasaaradda
Marwa Amal Nur Abdi
Mahadsanidiin.

01/05/2026

SEMINAR GUUL LEH OO SI HEER SARE AH U QABSOOMAY
Alxamdulillaah, waxaa si rasmi ah oo guul leh u qabsoomay seminar aqoon-wadaag ah oo cinwaankiisu ahaa:
“Hoggaaminta Isbeddelka Bulshada: Doorka Dhallinyarada, Siyaasadda, iyo Xirfadaha Wax-ku-oolka ah ee Horumarinta Bulshada.
Seminaarkan waxa uu ahaa mid si qoto dheer looga falanqeeyay doorka muhiimka ah ee dhallinyarada Soomaaliyeed ku leeyihiin hoggaaminta isbeddelka, ka qayb qaadashada siyaasadda, iyo horumarinta bulshada iyagoo adeegsanaya xirfado wax-ku-ool ah.
Waxaa si hufan u soo jeediyay:
Abdullahi Farah Ali Abdullahi, oo si xirfad leh uga hadlay aragtiyo muhiim ah, tusaalooyin dhab ah, iyo talooyin wax ku ool ah.
👏 Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan ka qaybgalayaashii, ardaydii, iyo cid kasta oo door ka qaadatay qabsoomidda seminar-kan qiimaha leh.
📚 Ugu dambeyn, aqoontu waa furaha horumarka — aan sii wadno barashada iyo wadaagista fikradaha wax dhisaya.

Ku: Dhammaan ardayda Kulliyadda Siyaasadda iyo Culuumta Bulshada ee Jaamacadda SIU.mudane/Marwo.OGEYSIIS: SIMINAAR AQOON...
27/04/2026

Ku: Dhammaan ardayda Kulliyadda Siyaasadda iyo Culuumta Bulshada ee Jaamacadda SIU.
mudane/Marwo.
OGEYSIIS: SIMINAAR AQOON-WADAAG AH
🧠 Mowduuca:
Hogaaminta Isbedelka Bulshada: Doorka Dhallinyarada, Siyaasadda, iyo Xirfadaha Practical-ka ah ee Horumarinta Bulshada
🎤 keynote speaker:
Abdullahi Farah Ali Abdullahi (Abdulahi Somali)
📅 Taariikhda: Arbaco: 29 Abriil 2026
⏰ Xilliga: 9:30 AM (Subaxnimo)
📍 Goobta: Admin Campus, KM4
Amal nuur cabdi: Wasiirka Wasaaradda.

FG:Siminaarkan wuxuu noqon doonaa mid kor u qaadaya aqoonta iyo xirfadaha ardeyda, sidaas darteed dhammaan ardeyda waxaa lagu dhiirigelinayaa inay si firfircoon uga soo qeybgalaan.
Mahadsanidiin.
Somali International University - SIU

Guddoomiyaha Naadiga Ardayda Kulliyadda FASS iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Naadiga Ardayda FASS ayaa ka qeyb galay tabab...
19/04/2026

Guddoomiyaha Naadiga Ardayda Kulliyadda FASS iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Naadiga Ardayda FASS ayaa ka qeyb galay tababar cinwaankiisu ahaa “Right People. Right Roles. Right Results. Gaar ahaan(Human Resource management)kaas oo si guul leh uga qabsoomay Xarunta Arkaan Leadership & Innovation Hub.
Tababarkani wuxuu ahaa mid muhiim ah oo diiradda lagu saaray kobcinta hogaaminta, iyo sidii loo xoojin lahaa waxqabadka shaqsiyaadka.
Ka qeybgalka tababarkan wuxuu muujinayaa dadaalka joogtada ah ee hoggaanka Naadiga Ardayda FASS ay ugu jiraan horumarinta aqoontooda, xirfadahooda, iyo tayada adeegga ay u hayaan ardayda.
Somali International University - SIU

Qaar ka mid ah ardayda Kulliyadda Siyaasadda iyo Culuumta Bulshada ee Jaamacadda SIU ayaa ka qeybgalay taxanaha Waaya-Ar...
17/04/2026

Qaar ka mid ah ardayda Kulliyadda Siyaasadda iyo Culuumta Bulshada ee Jaamacadda SIU ayaa ka qeybgalay taxanaha Waaya-Arag Expert Series #7 oo ay soo qabanqaabisay Arkaan Leadership and Innovation Hub, kaas oo lagu qabtay xarunta Arkaan Leadership and Innovation Hub. Dood ciwaakeedu ahaa “Fahamka Bulshada, Islaamka iyo Dawladnimada: Doorka Dhalinyarada”, waxaana cinwaan-ka jeediyay Dr. Abdurahman Moallim Abdullahi (Baadiyow), oo ah Gudoomiyaha Golaha Sare ee Jaamacadda Muqdisho

Xarunta Maamulka Jaamacadda SIU waxaa maanta ka qabsoontay munaasabad lagu abaalmarinayay siddeedda arday ee ugu sarreys...
01/04/2026

Xarunta Maamulka Jaamacadda SIU waxaa maanta ka qabsoontay munaasabad lagu abaalmarinayay siddeedda arday ee ugu sarreysa kulliyadaha Jaamacadda SIU.

Munaasabaddan oo uu soo agaasimay Xafiiska Arrimaha Ardayda ee Jaamacadda SIU ayaa abaalmarinno isugu jira deeqo waxbarasho iyo shahaadooyin lagu guddoonsiiyay siddeedda arday ee ugu sarreysa kulliyadaha Jaamacadda SIU semester-ka koowaad ee sannad waxbarasheedka 2025 - 2026.
maamulka jaamacadda oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha Jaamacadda SIU Dr. Maxamed Cali Ismaaciil, iyo dhammaan maamulka waxay bogaadiyeen dadaalka dheeraadka ah ee ay muujiyeen ardayda guuleysatay.
Xukuumada naadiga Ardeyda Kulliyadda FASS waxay hambalyo u diraysaa Nuur Xuseen cali oo ka mid ah 8 ardey ee ugu sareysa.
Sidoo kale nuur wuxuu sanadkiisi 1aad ee jaamacada kalinta 1aad ugalay kuliyadda uu ka tirsanyahay ee Faculty of Arts and Social Sciences.
Gudomiyaha naadiga ardeyda kuliyadda FASS mudane Fahad Hassan Sheikhow wuxuu nuur xasan cali ugu hambalyeynayaa dadaalkiisa.
Midowga Ardayda Jaamacadda SIU Somali International University - SIU

Xarunta dhexe ee Jaamacadda waxaa lagu oogay salaadda Eid al-Fitr, iyadoo ay si wadajir ah uga qayb galeen maamulka Jaam...
20/03/2026

Xarunta dhexe ee Jaamacadda waxaa lagu oogay salaadda Eid al-Fitr, iyadoo ay si wadajir ah uga qayb galeen maamulka Jaamacadda, ardayda, ehelada iyo asxaabta.waxaana qeyb ka ahaa Xukuumada iyo baarlamaanka naadiga ardayda FASS oo kalin weyn ka qaadatay in xarunta Jaamacadda lagu tukado markii ugu h**eysey hogaanka sare ee naadiga FASS wuxuu hambalyo iyo mahadcelin usoo jeedinaya dhamaan xubnaha naadiga ardeyda kulyada FASS.
Munaasabaddan barakeysan ayaa ku soo beegantay jawi farxad, midnimo iyo isxilqaan leh, taas oo muujinaysay qiimaha wadajirka iyo isku duubnida bulshada Jaamacadda. Khudbado kooban oo halkaas laga jeediyey ayaa lagu xusay muhiimadda ciidda, iscafinta, isu naxariisashada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya bulshada.
Ugu dambeyn, waxaa halkaas laga jeediyey ducooyin Alle looga baryayey inuu aqbalo cibaadadii bishii barakeysneyd ee Ramadaan, isla markaana nabad, barwaaqo iyo horumar u waara siiyo dalka iyo ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Naadiga Ardayda Kulliyadda  Siyaasadda iyo Culuumta Bulshada eeJaamacadda SIU mudane Fahad Xasan Shiikhow w...
03/03/2026

Guddoomiyaha Naadiga Ardayda Kulliyadda Siyaasadda iyo Culuumta Bulshada ee
Jaamacadda SIU mudane Fahad Xasan Shiikhow
wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xoghayaha Baarlamaanka Naadiga Ardayda Kulliyadda Siyaasadda iyo Culuumta Bulshada kuwaas oo si dimuqraaddi ah loo doortay. Waa markii ugu h**eysey ee Naadigu yeelanayo baarlamaan rasmiya kuwaas oo ka shaqeyn doona horumarinta Naadiga
Guddoomiyuhu wuxuu u rajaynayaa masuuliyiinta cusub guul, xilgudasho iyo hoggaan hufan, wuxuuna ku dhiirriggelinayaa inay ka shaqeeyaan xoojinta wadashaqeynta, horumarinta ardayda, iyo tayeynta hawlaha baarlamaanka kulliyadda.

Address

Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Faculty of Arts and Social Sciences Students Association posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share