17/02/2026
Muqdisho –Febraayo 2025
Agaasinka Caafimaadka ee Gobolka Banaadir oo kaashanaya Kooxda OGOW, ayaa qabtay tababar laba maalmood ah oo ku saabsan Diiwaanka Tallaalka iyo Nidaamka Digniinta (Health Immunization Registry & Alert System), kaas oo ay ka qaybgaleen shaqaale caafimaad oo ka kala yimid 23 xarumood caafimaad oo ku yaalla Gobolka Banaadir.
In lagu guda-jiray tababarka, waxaa shaqaalaha caafimaadka ee lagu qalabeeyay qalab dijitaal ah si loo kordhiyo xirfada diiwaangelinta tallaalka, isla markaans loo diro farriimo xusuusin ah (SMS) waalidiinta/daryeelayaasha, loona hubiyo in aan caruurta ka baaqan tallaallada muhiimka ah.
Hindisahan waxaa si wadajir ah u fulinaya Gobolka Banaadir iyo OGOW Health, iyadoo taageero laga helayo Grand Challenges Canada oo ay maalgelisay Global Affairs Canada.
Aqoon-is-weydaarsiga waxaa si wadajir ah u furay Xasan Axmed Maxamed (Agaasimaha Caafimaadka Dijitaalka iyo Hal-abuurka, Wasaaradda Caafimaadka Federaalka), Dr Ismaaciil Daahir Axmed (Agaasimaha HR iyo Dhisidda Awoodda ee BRA), Cabdikarin Cali Cumar (Madaxa Nidaamyada Xogta Caafimaadka, Wasaaradda Caafimaadka Federaalka), Dr Aweis Axmed (Agaasimaha Siyaasadda iyo Qorsheynta), iyo Daahir Cismaan (Maareeyaha HMIS, Banaadir).
Mudadi uu socday tababarka, ka qaybgalayaashu waxay heleen tababar ku saleysan ku-dhaqan si loo xoojiyo ururinta xogta tallaalka, iyadoo hadafku yahay in la hagaajiyo diiwaangelinta tallaalka iyo dabagalka carruurta guud ahaan gobolka.
Sofia Cabdikariin, oo wakiil ka ahayd OGOW Health, ayaa tiri:
“Shaqaalaha caafimaadku waa laf-dhabarta nidaamka caafimaadka. Dadaalkooda ku aaddan hagaajinta la socodka tallaalka wuxuu yeelan doonaa saameyn togan oo waarta jiilalka mustaqbalka.”
Ugu danbeyn, Mudane Dahir ayaa ku booriyay shaqaalaha caafimaadka in ay ka faaiideystaan tababarka, islamarkaana is bedel ka muujiyaan adeeg bixinta talaalka gaar ahaan arimaha la xariira xogta.
Dhammaad.