06/05/2026
Ololle ballaaran oo ay ka qeyb qaadanayaan taageerayaasha Ururka Siyaasadeedka Talo-Qaran ayaa laga sameeyey xaafadaha magaalada Baydhabo, kaas oo diiradda lagu saaray wacyigelinta bulshada si ay uga qeyb qaataan doorashooyinka qof iyo cod.
Ololahan ayaa ujeedkiisu ahaa kor u qaadista fahamka bulshada ee muhiimadda doorashooyinka, iyadoo shacabka lagu dhiirrigelinayey inay si firfircoon uga qeyb qaataan hannaanka doorashada dimuqraadiyadeed.
Waxaa hoggaaminayey ololahan Guddoomiyaha Guud ee Ururka Talo-Qaran, Mr.Cabdwali Cismaan Cabdi Shancad, waxaana ku wehlinayey Wakiilka Koonfur Galbeed ee ururka, musharrixiin u taagan xilalka Wakiilada Kgs iyo Xildhibaan Golaha Deegaanka ee Degmada Baydhabo, iyo xubno kale oo ka tirsan ururka.
Mas’uuliyiintii ka hadlay goobaha ololaha ayaa xusay in ka qeybgalka bulshada ee doorashooyinka qof iyo cod uu yahay tiirka horumarka iyo dimuqraadiyadda, iyagoo shacabka ku boorriyey inay codkooda si xor ah u dhiibtaan.
Xisbigan, oo uu musharrax madaxweyne ka yahay Mr. Xasan Sheekh Isxaaq Xasan Nation, ayaa guud ahaan ka wada deegaanada Koonfur Galbeed—gaar ahaan magaalada Baydhabo—ololaha doorashooyinka Golaha Deegaanka, Golaha Wakiillada iyo tan madaxweynaha.