Guddiga Shaqaalaha Rayidka Ee Federaalka

Directions Website Contact the organization

Guddiga Shaqaalaha Rayidka Ee Federaalka Guddiga Shaqaalaha Rayidka Ee Federaalka waa hay'ad dastuuri ah, u madax bannaan shaqadiisa.

Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda waa hay'ad dastuuri madax bannaan, lagu unkay Hindise-Sharciyeed ay ansixiyeen Goleyaasha Wasiirrada iyo Baarlamaanka, Xeer Madaxweynena lagu soo saaray.

24/09/2026
BAAHIN SHAQO-QAADASHO GUDAHA AHJagada: Agaasimaha Waaxda Maamulka ShaqaalahaGuddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowlad...
21/09/2026

BAAHIN SHAQO-QAADASHO GUDAHA AH

Jagada: Agaasimaha Waaxda Maamulka Shaqaalaha

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda wuxuu ku wargelinayaa dhammaan shaqaalaha Dowladda ee buuxiya shuruudaha iyo aqoonta looga baahan yahay jagada Agaasimaha Waaxda Maamulka Shaqaalaha in jagadani u furan tahay Shaqo-qaadasho Gudaha ah (Internal Merit-Based Recruitment).

Shaqaalaha Dowladda ee buuxiya shuruudaha jagada waxaa lagu wargelinayaa in ay codsiyadooda ku soo gudbiyaan Nidaamka Elektaroonigga ah ee Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, iyagoo adeegsanaya akoonkooda (User Account) ay ku leeyihiin nidaamka.

Gabdhaha ka tirsan shaqaalaha Dowladda waxaa si gaar ah loogu dhiirrigelinayaa in ay soo codsadaan jagadan.

Si aad u hesho faahfaahinta jagada, shuruudaha iyo habka codsashada, fadlan raac linkigan:

https://ncsc.gov.so/p/job-detail?d=37

Waqtiga K**a Dambaysta ah
04 Oktoobar 2026 — 11:59 PM

____________-___________-__________

Xafiiska Xiriirka Dadweynaha
Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya
Website: www.ncsc.gov.so
E-mail: [email protected]

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo soo xiray Tababar ku saabsanaa Maamulka iyo Shuruucda Shaqaalaha Dowla...
19/09/2026

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo soo xiray Tababar ku saabsanaa Maamulka iyo Shuruucda Shaqaalaha Dowladda

Muqdisho, Soomaaliya — 19-ka Sebtembar 2026: Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa soo gabagabeeyay tababar ku saabsanaa Maamulka iyo Shuruucda Shaqaalaha Rayidka Dowladda, kaas oo loo qabtay shaqaalaha Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda xiritaanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, Mudane Xasan Abshirow Maxamed, masuuliyiin ka tirsan Guddiga iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud, Agaasimaha Machadka, iyo shaqaalihii ka faa’iideystay tababarka.

Tababarka ayaa waxaa ka faa’iideystay in ka badan 150 shaqaale oo ka tirsan Xafiiska Xisaabiyaha Guud, iyadoo lagu xoojiyay fahamkooda ku aaddan shuruucda, xeerarka iyo habraacyada maamulka shaqaalaha rayidka, si loo horumariyo aqoonta, kartida iyo hufnaanta shaqaalaha.

Xiritaanka tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Guddiga ee lagu tayeynayo awoodda shaqaalaha dowladda, si loo horumariyo wax-soo-saarka iyo tayada adeegyada ay hay’adaha dowladdu u fidiyaan bulshada.
___________________________
Xafiiska Xiriirka Dadweynaha
Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya
Website: www.ncsc.gov.so
E-mail: [email protected] See less

RA'IISUL WASAARAHA XFS AYAA KU DHAWAAQAY HIRGELINTA TARTAN FURAN OO SHAQADA DOWLADDA AHGuddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidk...
17/09/2026

RA'IISUL WASAARAHA XFS AYAA KU DHAWAAQAY HIRGELINTA TARTAN FURAN OO SHAQADA DOWLADDA AH

Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda wuxuu si weyn u soo dhaweynayaa go'aanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ee ku aaddan hirgelinta hannaanka tartanka furan si waafaqsan shuruucda dalka.

Hannaankan wuxuu tallaabo muhiim ah u yahay dhismaha adeeg rayid oo xirfad leh, karti ku dhisan, isla markaana natiijooyin wax-ku-ool ah u horseeda hay’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

17/09/2026
Madaxweynaha JFS ayaa ka qeybgalay bandhigga xiritaanka la xisaabtanka sanadlaha ee Xukuumadda.
13/09/2026

Madaxweynaha JFS ayaa ka qeybgalay bandhigga xiritaanka la xisaabtanka sanadlaha ee Xukuumadda.

Muqdisho, 07 September 2026 – Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa manta tababar u furay Shaqaalaha Xafii...
07/09/2026

Muqdisho, 07 September 2026 – Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa manta tababar u furay Shaqaalaha Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaaalka Soomaaliya, kaa oo ku saabsana Maamulka iyo Shuruucda Shaqaalaha Dowladda.

Furitaanka tababarka waxa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Guddiga, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Xisaabiye Kuxigeenka, Agaasimaha Mahcadka Maareynta Maaliyadda iyo Dowlad Wanaaggan, Agaasimeyaal iyo Lataliyaal ka trisan Guddiga iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud, ayaa waxa si rasmi ah u daah-furay Agaasimaha Guud ee Guddiga Qaranka Shaqaalaha Mudane Abuukar Gacal.

Tababbarkaan oo socon doona 7 -16-ka Bishaan ayaa ujeedkiisu yahay in dhammaan howlwadeenada kala duwan ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda looga faa’ideyo casharo iyo tusmooyin wax ku ool ah kuwaa oo lagu kobcinaya fahamka arrimaha maamulka iyo shuruucda quseysa shaqaalaha rayidka ee Dowladda.

Agaasimaha Guud ee Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Mudane Abuukar Gacal ayaa sheegay in qofka shaqaalaha ee fahamsan sharuucda iyo xeerarka Maamul ee Shaqaalaha Rayidka marwalba ka waxtar iyo wax-soosaar badanyahay kan kale ee aan aqonin, sidaa daraadeed waxuu kula dardaarmay kasoo qeybgalayaasha in si wanaagsan ugu faa’ideystaan fursadaan maalmaha uu tababbarka socda. Sidoo kale, Agaasimaha ayaa xusay in maaraynta iyo dhowrista xogta muwaadiniinta ay qeyb ka tahay tababbarka.

Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ayaa dhankiisa xusay in shaqaalaha markasta ay u baahan yihiin tababbaro joogto oo ku saabsan isxasuusin shuruucda jirta iyo waxyaaba soo kordhay islamarkaasna xafiiska ay ka go'an tahay in markasta shaqaalaha ay helaan tababbar si kor loogu qaado howl-gudashada shaqaalaha.

Tababarkan ayaa kamid ah dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo maamulka shaqaalaha rayidka ah, iyadoo xoogga la saarayo tayeynta iyo kartida waxqabad ee howlwadeenada Hay’adda Dowladda, si loo helo adeeg bixin hufan loona gaaro hiigsiga Qaranka.

Dhamaad.
___________________________
Xafiiska Xiriirka Dadweynaha
Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya
Website: www.ncsc.gov.so
E-mail: [email protected]

31/08/2026

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dawladda Mudane Xasan Abshirow Maxamed, Guddoomiye Ku-Xigeenka Guddiga Mudane Cali Muumin, Xoghayaha Guud ee Guddiga Deeq Xaaji Ciise, Cabdikariin Sheekh Xasan iyo Cabdiweli Maxamed Daa’uud oo xubino ka ah Guddiga waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Jeneraal Xuseen Dhoore Maxamed (Gen. Joon Dhoore) oo ku geeriyooday dalka Sweden.

Guddoomiye Abshirow ayaa qoyskii, elehadii, asxaabtii uu ka geeriyooday iyo umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geeridii ku timid Marxuumka, wuxuuna Alle uga baryay inuu Janadii Fardowso ka waraabiyo.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Dodoma, Tanzania – 28 Agoosto 2026: Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...
28/08/2026

Dodoma, Tanzania – 28 Agoosto 2026: Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, oo hoggaaminaya wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo booqasho shaqo ku jooga Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Tanzania u qaabilsan Shaqada, Shaqo-abuurka iyo Xiriirka Shaqaalaha, Mudane Deus Sangu.

Intii ay booqashada ku jireen, wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa booqday Wasaaradda Shaqada, Shaqo-abuurka iyo Xiriirka Shaqaalaha, Xafiiska Xoghaynta Golaha Wasiirrada, iyo Hay’adda Dowladda Tanzania u qaabilsan Dowladda Dijitaalka ah (e-Government Authority – e-GA).

Kulamada iyo booqashooyinkaasi waxay diiradda saareen is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradaha ee la xiriira horumarinta maamulka shaqada, xoojinta awoodda hay’adaha dowladda, casriyeynta habraacyada iyo nidaamyada shaqo, tayeynta adeegyada dadweynaha, iyo dardargelinta isbeddelka dijitaalka ah ee hay’adaha dowladda.

Agaasimaha Guud ee Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda, oo qayb ka ahaa wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa si firfircoon uga qayb qaatay kulamada iyo is-weydaarsiga khibradaha, gaar ahaan arrimaha la xiriira maamulka iyo horumarinta shaqaalaha rayidka, shaqo-abuurka, tayeynta adeegga dadweynaha iyo casriyeynta nidaamyada maamulka dowladda.

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, kor loogu qaadayo awoodda hay’adaha dowladda, isla markaana laga faa’iidaysanayo khibradaha iyo hababka wanaagsan ee dalalka saaxiibka ah.

___________________________

Xafiiska Xiriirka Dadweynaha
Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya
Website: www.ncsc.gov.so
E-mail: [email protected]

Dodoma, Tanzania – Khamiis, 27 Agoosto 2026: Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya,...
27/08/2026

Dodoma, Tanzania – Khamiis, 27 Agoosto 2026: Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, oo hoggaaminaya wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa magaalada Dodoma kula kulmay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Tanzania u qaabilsan Maamulka Adeegga Dadweynaha iyo Maamul-wanaagga, Mudane Ridhiwani Kikwete (Minister of State, Public Service Management and Good Governance).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray is-weydaarsiga khibradaha iyo waayo-aragnimada la xiriira dib-u-habaynta iyo casriyeynta adeegga dadweynaha, maamulka iyo maareynta shaqaalaha dowladda, hufnaanta, maaraynta waxqabadka, isla-xisaabtanka iyo horumarinta hoggaaminta hay’adaha dowladda.

Agaasimaha Guud ee Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda, oo ka mid ahaa wafdiga Soomaaliya, ayaa sidoo kale kulan gaar ah la yeeshay Xoghayaha Joogtada ah ee hay’adda u qaabilsan adeegga shaqaalaha rayidka ee Dowladda Tanzania. Kulankaas ayaa looga wada hadlay casriyeynta maamulka iyo maareynta shaqaalaha rayidka, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo is-weydaarsiga khibradaha ee labada dal.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale booqday Mtumba Government City, oo ah xarunta cusub ee hay’adaha Dowladda Tanzania ee magaalada Dodoma. Intii ay booqashada ku jireen, wafdigu waxay indha-indheeyeen qaabka loo qorsheeyey isku-ururinta hay’adaha dowladda, kaabeyaasha iyo adeegyada ay wadaagaan, isku-xirka dijitaalka ah, hufnaanta maamulka, iyo doorka xarumaha dowladeed ee casriga ahi ku leeyihiin tayeynta adeegyada dadweynaha iyo isku-duwidda hawlaha dowladda.

Booqashadan shaqo ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan casriyeynta hay’adaha dowladda, xirfadeynta adeegga dadweynaha iyo xoojinta maamulka, waxqabadka iyo isla-xisaabtanka, iyadoo laga faa’iidaysanayo khibradaha iyo waayo-aragnimada Dowladda Tanzania iyo dalalka kale ee gobolka.

________________________________

Xafiiska Xiriirka Dadweynaha
Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya
Website: www.ncsc.gov.so
E-mail: [email protected]

Address

Guriga Hooyooyinka, Hamarwayne
Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 09:00 - 16:30
Tuesday 09:00 - 15:00
Wednesday 09:00 - 15:00
Thursday 09:00 - 12:00
Saturday 09:00 - 15:00
Sunday 09:00 - 15:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Guddiga Shaqaalaha Rayidka Ee Federaalka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Guddiga Shaqaalaha Rayidka Ee Federaalka:

Shortcuts

Share