Office of The Special Envoy For The Prevention of Maritime Crimes

Office of The Special Envoy For The Prevention of Maritime Crimes Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee ka Hor-tagga Denbiyada Badda

Ergeyga Gaarka ah ee Ka Hortagga Dembiyada Badda oo Kulan La Qaatay Madaxa EU CAP  Somalia.Muqdisho, 9 Abriil 2025 – Erg...
09/04/2025

Ergeyga Gaarka ah ee Ka Hortagga Dembiyada Badda oo Kulan La Qaatay Madaxa EU CAP Somalia.

Muqdisho, 9 Abriil 2025 – Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Ka Hortagga Dembiyada Badda, Senatar Maxamed Cabdi cismaan (Manjino), ayaa maanta kulan isbarasho la yeeshay Madaxa Howl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EU CAP Somalia), Mudane Kęstutis Lancinskas.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray soo bandhigista qorshaha Xafiiska Ergeyga ee ku aaddan ka hortagga dembiyada ka dhaca badda Soomaaliya. Intii uu socday kulanka, Ergeyga Gaarka ah wuxuu si qoto-dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Xafiiska Ergeyga iyo EUCAP, si loo xoojiyo dedaallada lagu wajahayo kahortagga Denbiyadda badda, Sida kalluumaysiga sharci darrada ah, dhibaataynta noolaha badda, denbiyada abaabulan ee ka dhaca badaha iyo xeebaha dalka iyo dhammaan dembiyada kale ee khuseeya badaheena.

Sidoo kale, ergeyga ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay adkeynta baahida loo qabo xoojinta shuruucda badda, kor u qaadidda awoodda hay’adaha amniga badda, iyo sugidda nabadgelyada badaha Soomaaliya taasoo muhiim u ah xasilloonida guud ee dalka.

Ugu dambeyntii, Ergeyga ayaa kormeer ku sameeyey xarunta tababarka EUCAP, halkaas oo uu kula kulmay saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Badda, Ciidanka Badda Soomaaliyeed iyo howl-wadeenno ka tirsan qaar kamid ah Wasaaradaha JFS oo halkaas ku qaadanaya tababarro ay kamid yihiin culuumta badda, gaar ahaan dhinacyada la xiriira ilaalinta amniga badda iyo cilmi-baadhista khayraadka xeebaha dalka.

DHAMMAAD

Muqdisho, 8 Abriil 2025 – Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan kahortagga dembiyada badda, Mudane Maxamed C...
08/04/2025

Muqdisho, 8 Abriil 2025 – Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan kahortagga dembiyada badda, Mudane Maxamed Cabdi Cusmaan (Manjino), ayaa ka qeybgalay munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, taasoo uu xilka kula wareegayey Wasiirka cusub.

Intii ay munaasabadda socotay, Ergeyga ayaa hambalyo u diray Wasiirka cusub, Mudane Cabdulkaadir Maxamed Nuur, isaga oo muujiyay in uu diyaar u yahay wada-shaqayn dhow ee ku aaddan ka hortagga dembiyada ka dhaca badaha dalka iyo ilaalin bedqabka gaadiika badda, Sidoo kale Ergeyga ayaa xusay muhiimadda ay leedahay iskaashi buuxa oo dhexmara xafiiskiisa iyo Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Ergeyga ayaa muujiyay in Xafiiskiisa ay ka go’an tahay in uu si dhow ula shaqeeyo hoggaanka cusub ee Wasaaradda, si loo xoojiyo dedaallada lagu horumarinayo nidaamyada kormeerka, la socodka dhaqdhaqaaqyada badda iyo sugidda madaxbannaanida biyaha Soomaaliya.

Ciid wanaagsan dhammaan ummadda Soomaaliyeed meelwalba oo aad aduunka ka joogtaan.
30/03/2025

Ciid wanaagsan dhammaan ummadda Soomaaliyeed meelwalba oo aad aduunka ka joogtaan.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Office of The Special Envoy For The Prevention of Maritime Crimes posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share