Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha - Soomaaliya

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha - Soomaaliya Minister's Message:
Information is very significant in planning of any nation. At the side of this

At the side of this background, I welcome you to the Ministry’s Facebook.

🌙 Ciidul Adxaa Mubaarak | عيد الأضحى المبارك Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Fe...
26/05/2026

🌙 Ciidul Adxaa Mubaarak | عيد الأضحى المبارك

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta caalamka munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa 1447H.

Waxaan Alle SWT ka baryeynaa inuu ciiddaan ciiddeeda nagu gaarsiiyo nabad, bashbash, barwaaqo iyo horumar waara.

Ciid Wanaagsan | كل عام وأنتم بخير

26/05/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, oo maalmahan howlo shaqo u joogay magaalada Laasacaanood, ayaa booqashooyin shaqo ku tagay Xarunta Golaha Baarlamaanka iyo Wasaaradda Qorsheynta ee Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudan...
26/05/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, ayaa booqasho shaqo ku tagay laba xarumood oo kala duwan, kuwaas oo kala ah Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta & Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya iyo xarunta Golaha Baarlamaanka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, dardargelinta qorsheyaasha horumarinta, iyo kor u qaadidda adeegyada bulshada si loo taageero hirgelinta ajendayaasha horumarineed ee dalka.

Agaasimaha Guud waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Aadan Maxamed Cabdi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Dowladda Waqooyi Bari, Mudane Cismaan Aadan Xuseen, iyo masuuliyiin kale.

Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay masuuliyiinta iyo howl-wadeennada Wasaaradda soo dhoweynta diirran iyo wada-shaqeynta wanaagsan ee ay muujiyeen.

 , 25 Maajo 2026:Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo k...
25/05/2026

, 25 Maajo 2026:

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashaneysa Wasaaradda Qorsheynta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, ayaa magaalada Laascaanood kusoo gabagabeysay shir wadatashi iyo aqoon-is-weydaarsi socday muddo saddex maalmood ah. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ( ), xoojinta isku-duwidda qorsheynta, iyo iswaafajinta mudnaanta horumarineed ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cismaan Aadan Xuseen, ayaa si rasmi ah usoo xiray shirka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda mideynta dadaallada qorsheynta iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda si loo dardargeliyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee saldhigga u ah koboca dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Intii uu shirku socday, waxaa si gaar ah looga hadlay tiirarka Qorshaha Isbeddelka Qaranka, horumarinta qorsheynta istaraatiijiga ah, diyaarinta qorshayaasha sannadlaha iyo kuwa shanta sano, iyo sidii mudnaanta horumarineed ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari loogu waafajin lahaa himilooyinka horumarineed ee qaranka.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Agaasimayaal Guud, Agaasimayaasha Waaxaha Qorsheynta, iyo khubaro farsamo oo ka kala socday heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, kuwaas oo yeeshay dooddo iyo wada-tashi wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo isku-duwidda qorsheynta iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda.

Sidoo kale, Dowladda Waqooyi Bari ayaa madasha kusoo bandhigtay qorsheyaasheeda mudnaanta leh ee la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka, kuwaas oo laf-dhabar u noqon doona horumar waara, adeegyo dowladeed oo tayo leh, iyo koboc dhaqaale oo loo dhan yahay.

24/05/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Laascaanood ee Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, ayaa booqday qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowladda Goboleedka si loo xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku xirka hay’adaha dowladda.

Muuqaalkan hoose kaga bogo.

24/05/2026

Khudbadda Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Cabdulqaadir Faarax, uu ka jeediyay kulanka wadatashiga ah ee lagu dardargelinayo fulinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ( ), kaas oo lagu daahfuray magaalada Laascaanood ee Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya. 🇸🇴

Daawasho wacan.

Laascaanood, Soomaaliya – 23 May 2026:Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaal...
23/05/2026

Laascaanood, Soomaaliya – 23 May 2026:

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Wasaaradda Qorsheynta Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari ayaa maanta magaalada Laascaanood ka furtay aqoon-is-weydaarsi saddex maalmood soconaya oo lagu xoojinayo isku-dubbaridka iyo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ( ), iyadoo ay ka qeybgalayaan masuuliyiin iyo khubaro ka kala socota Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa mideynta mudnaanta horumarineed, xoojinta wada-shaqeynta qorsheynta, iyo dardargelinta hirgelinta tiirarka Qorshaha Isbeddelka Qaranka, kuwaas oo kala ah dowlad-wanaagga, koboca dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada iyo karaanka aadanaha, iyo u-adkeysiga isbeddelka cimilada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta XFS, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), oo si rasmi ah u furay aqoon-is-weydaarsiga, ayaa sheegay in guusha hirgelinta qorshahan ay ku xirnaan doonto iskaashi dhow iyo wada-shaqeyn wax-ku-ool ah oo dhex marta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada.

“Qorshaha Isbeddelka Qaranka wuxuu u baahan yahay lahaansho wadajir ah iyo isku-duwid dhab ah si loo xaqiijiyo horumar loo dhan yahay iyo natiijooyin muuqda oo gaara shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Agaasimaha Guud.

Waxaa sidoo kale khudbad furitaan ah ka jeediyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta ee Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Axmed Aadan Saciid (Ayuub), halka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta ee Dowlad-Goboleedka, Mudane Cismaan Aadan Xuseen, uu goob-joog ka ahaa shirka.

Inta ay socdaan shirarkan wadatashiga ah, waxaa laga wada hadli doonaa mudnaanta dowlad-goboleedka, caqabadaha hortaagan hirgelinta qorshaha, baahiyaha taageero ee jira, iyo tallaabooyinka lagu xoojinayo qorsheynta, kormeerka, iyo isla xisaabtanka, si loo xaqiijiyo fulin wax-ku-ool ah oo la taaban karo.

21/05/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Laascaanood ee Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Muda...
21/05/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Laascaanood ee Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Wafdiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Laascaanood, waxaana halkaasi ku qaabilay masuuliyiin uu kamid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cismaan Aadan Xuseen, xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo Agaasimayaal Guud.

Safarkan shaqo ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada dalka, gaar ahaan dhinacyada qorsheynta, isku-dubbaridka iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee sanadlaha ah.

Inta uu ku sugan yahay magaalada Laascaanood, Agaasimaha Guud ayaa ka qeyb geli doona shirar iyo wada-tashiyo ay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka la yeelan doonto hay’adaha kala duwan ee Dowladda Waqooyi Bari. Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saari doonaa qorsheynta wadajirka ah, mudnaanta horumarineed, iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda.

Safarka Agaasimaha Guud waxaa ku wehlinaya Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo qaar kamid ah howlwadeennada Wasaaradda, kuwaas oo qeyb ka noqon doona kulamada iyo barnaamijyada shaqo ee safarka.

Address

Jidka Afgooye Mogadishu
Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 07:00 - 17:30
Tuesday 07:00 - 16:00
Wednesday 07:00 - 16:00
Thursday 07:00 - 16:00
Saturday 07:00 - 16:00
Sunday 07:00 - 16:00

Telephone

+252615040610

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha - Soomaaliya posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha - Soomaaliya:

Share