Abdirahman Mustaf Mohamed

Abdirahman Mustaf Mohamed Senior Aide to the Prime Minister of the Federal Republic of Somalia H.E. Hamza Abdi Barre.

07/12/2024

Waxay muddo katirsanaayeen ciidanka Jubaland oo h**ey u waayay xuquuqdooda, laakiin waxaa Alle mahadiis ah in DFS 🇸🇴 dalacsiisay dushoodana darajo muddo ka maqnayd surtay.

05/12/2024

RW Hamza Abdi Barre ayaa gabadh 2 maalin kahor ka codsatay in laga caawiyo wax-k-qabashada xanuunka aabeheed heshay codsigeedii.

04/12/2024

Saalax Dheere oo muddo dheer ahaa Sargaal katirsanaa ciidanka Daraawiishta Jubaland, ayaa si faahfaahsan uga warbixinaaya sababta ay ciidanka Dowladda Federaalku u yimaadeen Raaskaambooni.

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Danqaran, ayaa maanta ansixiyay soo jeedinta Wasiirka Qorsheynta ee Magaacabista Agaasim...
21/11/2024

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Danqaran, ayaa maanta ansixiyay soo jeedinta Wasiirka Qorsheynta ee Magaacabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Istaatistikada Qaranka, Dr. Cabdisalaan Cabdiraxmaan Maxamed.

Hay’addaan waxaa hadda Agaasime ka ah Sharmarke Farah oo shaqo wanaagsan soo kaso qabtay horumarinta hay’adda mudadii dhowrka sano ahayd ee uu hoggaaminayay.

Hambalyo walaashey Dr. Hodan Osman oo maanta laga guddoomay warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo, waxayna noqonaysaa Danjirih...
20/11/2024

Hambalyo walaashey Dr. Hodan Osman oo maanta laga guddoomay warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo, waxayna noqonaysaa Danjirihii ugu da’ada yaraa, uguna aqoonta badnaa ee dumar ah ee Safiir noqotay.

Waxaan u rajaynayaa Danjire Hodan in Alle u fududeeyo masuuliyadda Qaran ee ay qaaday, waana ku kalsoonahay aqoonteeda, Xirfadeed iyo waayo-aragnimadeeda in ay muddo kooban uga soo dhalaali doonto shaqadaas.

Hambalyo iyo bogaadin ayaan hawada u marinayaa Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Cirro” oo ku guuleystay door...
19/11/2024

Hambalyo iyo bogaadin ayaan hawada u marinayaa Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Cirro” oo ku guuleystay doorashada Madaxtooyada Somaliland sida ay ku dhawaaqeen Guddiga Doorashooyinka Somaliland.

Madaxwayne Cirro, ayaa noqonaaya madaxwaynihii 6aad ee ay yeelato Somaliland intii uu dhisnaa Maamulkaasi.

Mario Balotelli, ayaa goal qurux badan hadda kahor ka dhaliyay kooxda faca-weyn ee Manchester United, ciyaar kulul oo dh...
18/11/2024

Mario Balotelli, ayaa goal qurux badan hadda kahor ka dhaliyay kooxda faca-weyn ee Manchester United, ciyaar kulul oo dhexmartay 2012 labada koox ee Magaalada Manchester kawada dhisan ee united iyo City, markaas ayuu funaanadiisa kor u qaaday si uu dadka u tuso qoraalkaan “Maxay tahay sababta aan goor walba anigu goolka uga dhaliyo United”.

Caawa waxaan arkay qoraal nin isku magacaabay Mahad Islaam leeyahay lacag ayay Wasaaradda Gaashaandhiggu iso dirtay, 2019 ayuu sidaan oo kale sheegtay in Dowladda Federaalku lacag usi dirtay.

Haddaba, waxaan isweydiiyay “Why Always Mahad Islaam?

Alfanaan Daa’uud Xanfar, ayaa asbuucii tagay soo saaray hees macno weyn leh oo muujinaysa in aysan dadka Soomaaliyeed ka...
17/11/2024

Alfanaan Daa’uud Xanfar, ayaa asbuucii tagay soo saaray hees macno weyn leh oo muujinaysa in aysan dadka Soomaaliyeed kala heyb iyo qabiil fiicnayn, laakiin ay wadagaan wax ka badan wax kala qeybiya.

Waxaa kamid ah erayada heesta;

“Madhibaan waa madaxda Soomaaliyeed, Madhibaan waa mudanka Cideed, waa dadkii micnihi iyo maqaamka lahaa”

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xeerka dhisidda Guddiga Madaxa...
16/11/2024

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xeerka dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha, waxaana xeerkaan ansixiyay 173 Xildhibaan.

Baarlamaanka 11aad ee JFS ayaa muujiyay sida ay uga go’antahay in talada iyo awoodda Dalka dib loogu celiyo dadka Soomaaliyeed, si loogu diyaariyo in ay dalka ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah.

Ra’iisul Wasaare Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha-u-naxariistee Madaxwaynihii h**e ee Somali...
16/11/2024

Ra’iisul Wasaare Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha-u-naxariistee Madaxwaynihii h**e ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Marxuum Axmed Siilaanyo inuu ahaa siyaasi kaalin weyn kaso qaatay Dowlad-dhiska Soomaaliya, wuxuuna soo qabtay xilal kala duwan sida Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Ganacsiga iyo Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Alle uga baryay marxuumka inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo qoyskiisa, qaraabadiisa, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre oo ka duulaaya qorshaha xukuumadiisa ee ah horumarinta iyo taageerida dhallinyarada So...
14/11/2024

Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre oo ka duulaaya qorshaha xukuumadiisa ee ah horumarinta iyo taageerida dhallinyarada Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa hal-abuurka leh, ayaa maanta qaabilay wiilkaan da’ada yar ee qoray buug uu ugu magac-daray “Rajadu waa innaga, Dalkaaga haka raja dhigin”.

Qoraaga buugga oo lagu magacaabo H**e buba, ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha sababta ku kaliftay in uu qoro buuggaan oo ahayd markii uu arkay ardaydii isaga jiilkiisa ahayd ee wax-ka-baranaysay Dalka Turkiye ay tahriib ka doorbideen waxbarashadii, ayuu go’aansaday in uu qalinka u qaato qoridda buugaan, wuxuuna qorayay mudo 6 sano ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ku bogaadiyay qoraaga dadaalkiisa kana iibiyay 1000 buug, wuxuuna qoraaga ka codsaday in uu buugaagtaan geeyo dugsiyada hoose iyo sare ee dalkeena, si jiilka maanta waxbaranaya looga badbaadiyo in ay ku dhacaan qatartii ay h**ey ugu dheceen kuwii iyaga ka h**eeyay.

Sareeye Guutto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid), ayaa caawa la wareegay xilka taliska Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka S...
13/11/2024

Sareeye Guutto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid), ayaa caawa la wareegay xilka taliska Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Waxaana Alle uga baryayaa in uu saaxiibkey Gen. Khaalid u fududeeyo howsha baaxadda leh ee hortaalla.

Address

Sinai Road
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdirahman Mustaf Mohamed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Abdirahman Mustaf Mohamed:

Share