03/05/2026
AKADEMIYADA CILMIGA, DHAQANKA IYO SUUGAANTA OO SOO QABANQAABISAY BANDHIGFANEED CASRI AH OO LAGU SOO BANDHIGAY CIYAARDHAQAMEED SOOMAALIYEED
Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo ka duulaysa horumarinta iyo casriyaynta ciyaara-dhaqameedyada Soomaaliyeed ayaa soo qabanqaabisay bandhigfaneed casri ah oo lagu soo bandhigayay ciyaardhaqameedda Gaddoon, oo laga ciyaaro qeybo badan oo geyiga Soomaaliyeed ka mid ah; iyadoo lagu laray habridmeedka iyo muusigga Afrikaanka ee “Afrobeat”.
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, oo goobta ka hadlay ayaa sheegay ahmiyadda ciyaardhaqameedyadu ku leeyihiin dhowridda dhaxalkeenna dhaqan iyo hiddaha soojireenka ah ee ummadda Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Agaasimaha Waaxda Fanka iyo Suugaanta ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Maxamuud Faarax Warsame (Badmacaaeye) oo goobta ka hadlay ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaantu uga go’antahay casriyaynta iyo horumarinta jaadadka kala duwan ee ciyaaradhaqameedyada, si ay da’yarta Soomaaliyeed isula jaanqaadaan.
Gabagabadii, Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo madasha soo xiray ayaa bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada, ugu baaqay in ay ku fara-adaygaan hiddahooda guunka ah iyo dhaqankooda suubban.
—DHAMMAAD—
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta