Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed

Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed SOMALI NATIONAL TELEVISION SNTV is regulated by the Ministry of Information, Culture & Tourism Federal Government of Somalia
(1437)

Industry Broadcasting

Founded 1983

2011 (re-launch)

Headquarters Mogadishu, Somalia
Area served

Somalia & abroad (satellite)

Owner Federal Government of Somalia

Daud Aweis is the Minister of Information of Federal Government of Somalia

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia. Headquartered in Mogadishu, the nation's capital, its main responsibility is to provide public service broadcasting throughout the country.

08/09/2026

Xuska maalinta caalamiga ah Daaweynta iyo soo celinta awoodda dhaqdhaqaaqa jirka (Physiotherapy) ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

PRESS RELEASEMinister of Information Closes the Second Somali Strategic Communication Forum 2026Mogadishu, 8 September 2...
08/09/2026

PRESS RELEASE
Minister of Information Closes the Second Somali Strategic Communication Forum 2026

Mogadishu, 8 September 2026 – The Minister of Information, Culture and Tourism of the Federal Government of Somalia, H.E. Abdulfatah Qasim Mohamud, today officially closed the Second Somali Strategic Communication Forum 2026, held in Mogadishu from 7–8 September 2026.

The two-day Forum brought together representatives from Federal Government institutions, Federal Member States, the Banadir Regional Administration, media professionals and organisations, international partners, civil society, academia and social media influencers.

Held under the theme “Shaping the Future of Somalia’s Media in the Digital Era,” the Forum focused on the development and modernisation of Somalia’s media sector, strengthening government communications, promoting access to credible and reliable public information, countering misinformation and disinformation, adapting to emerging technologies and Artificial Intelligence (AI), strengthening media ethics, and building a professional, resilient and future-ready Somali media sector.

Throughout the Forum, participants engaged in panel discussions, presentations, expert sessions and consultations examining the state of Somalia’s media sector, the opportunities and challenges arising from emerging technologies, priority actions for media development, and the critical role of media and strategic communication in liberation efforts, stabilisation, humanitarian response and peacebuilding in Somalia.

The Forum also featured a dedicated inter-ministerial meeting bringing together the Ministries of Information of the Federal Government, Federal Member States and the Banadir Regional Administration. The meeting focused on strengthening cooperation and coordination across government communications, advancing the implementation of the National Communication Strategy, improving the coherence of key government messages, and establishing sustainable coordination mechanisms across different levels of government.

Colonel Hassan Ali Nur Shuute, Chairman of the Armed Forces Court of First Instance, who attended the closing session, said the Strategic Communication Forum had come at a critical time when Somalia needs to accelerate the modernisation of its media sector and strengthen strategic public communication and public awareness. He further emphasised that countering misinformation, disinformation and narratives that fuel division within society is a national priority requiring coordinated action and collective responsibility.

H.E. Nur Sidow Baba, Minister of Information and Public Awareness of South West State, speaking on behalf of the Federal Member States and the Banadir Regional Administration, called for stronger cooperation among government institutions, particularly in adapting to the rapidly evolving media environment and addressing the risks posed by misinformation and disinformation.

Closing the Forum, the Minister of Information, Culture and Tourism, H.E. Abdulfatah Qasim Mohamud, reaffirmed the Federal Government of Somalia’s commitment to modernising the country’s media sector, strengthening the professional capacity of media practitioners, enhancing government communications, and fostering a credible and trusted information environment.

Minister Abdulfatah thanked the United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia (UNTMIS) for its support towards the successful organisation of the Forum. He also commended Federal Government institutions, Federal Member States, the Banadir Regional Administration, Somali media organisations, international partners, experts, academics and all stakeholders who contributed to the successful delivery of the Forum.

Outcomes and Next Steps

The Ministry of Information, Culture and Tourism will prepare the 2026 Forum Outcomes and Summary Report, providing a comprehensive record of the key discussions, recommendations, identified needs, priorities and outcomes emerging from all sessions of the two-day Forum.

The report will inform a post-Forum action and follow-up framework, including efforts to strengthen government communication coordination, advance the development and modernisation of Somalia’s media sector, and guide cooperation between the Federal Government of Somalia and international partners supporting media development and strategic communication.

The Second Somali Strategic Communication Forum concluded with a shared understanding of the importance of institutionalising the Forum as a sustainable national platform for consultation, coordination and cooperation, bringing together government institutions, media, partners and other stakeholders to advance Somalia’s media and strategic communication priorities.

END

WAR-SAXAAFADEEDWasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliyeed 2...
08/09/2026

WAR-SAXAAFADEED

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliyeed 2026-ka

Muqdisho, 8 Sebtembar 2026 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliyeed 2026, oo socotay 7–8 Sebtembar, iyadoo ay ka qeyb galeen hay’adaha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, bahda warbaahinta, saaxiibada caalamka, ururrada bulshada rayidka, aqoonyahanno iyo saameeyayaasha Baraha Bulshada.

Madasha oo halku-dhiggeedu ahaa “Qaabaynta Mustaqbalka Warbaahinta Soomaaliya ee Xilligan Casriga ah” ayaa labada maalmood diiradda lagu saaray horumarinta iyo casriyeynta warbaahinta Soomaaliyeed, xoojinta xiriirka warbaahinta dowladda, helitaanka xog sugan oo lagu kalsoonaan karo, la-dagaallanka wararka been-abuurka ah iyo marin-habaabinta, adeegsiga aaladaha casriga ah iyo garaadka macmalka ah (AI), anshaxa saxaafadda, iyo sidii loo dhisi lahaa warbaahin Soomaaliyeed oo xirfad leh, adkaysi leh, isla markaana la jaanqaadi karta isbeddellada casriga ah.

Intii ay Madashu socotay waxaa la qabtay dood-wadaagyo, bandhigyo, kulamo khubaro iyo wada-tashiyo, kuwaas oo lagu falanqeeyay xaaladda warbaahinta Soomaaliyeed, fursadaha iyo caqabadaha ka dhashay horumarka aaladaha casriga ah, tallaabooyinka mudnaanta leh ee lagu horumarin karo warbaahinta dalka, iyo doorka warbaahintu ku leedahay dib-u-xoreynta, xasillinta, gurmadka bani’aadannimada iyo nabad-dhiska Soomaaliya.

Madasha waxaa qeyb ka ahaa kulan gaar ah oo ay yeesheen Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda warfaafinta dowladda, hirgelinta Istiraatiijiyadda Qaranka ee Xiriirka Warbaahinta, mideynta farriimaha muhiimka ah ee dowladda iyo dhismaha hannaan joogto ah oo ay wadaagaan heerarka kala duwan ee dowladda.

G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, oo goobjoog ka ahaa xiritaanka Madasha, ayaa sheegay in Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahintu ay ku soo aaday xilli loo baahan yahay in la xoojiyo la qabsiga casriyeynta warbaahinta, jiheynta iyo wacyigelinta dadweynaha. Waxa uu intaa ku daray in ka-hortagga wararka been-abuurka ah, marin-habaabinta iyo isku-diridda bulshada ay tahay ajande qaran oo u baahan in si wadajir ah la isaga kaashado.

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Nuur Siidow Baaba, oo ku hadlay afka Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, ayaa ku baaqay in kor loo qaado iskaashiga hay’adaha dowladda, gaar ahaan horumarinta iyo la qabsiga warbaahinta casriga ah, iyo iskaashiga lagula tacaalayo khataraha ka dhasha wararka been-abuurka ah iyo marin-habaabinta.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, oo Madasha soo xiray, ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay casriyeynta warbaahinta dalka, kobcinta xirfadaha bahda warbaahinta, xoojinta warfaafinta dowladda iyo dhismaha jawi warbaahineed oo lagu kalsoonaan karo.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Kala-guurka Soomaaliya (UNTMIS) taageerada uu ka geystay qabsoomidda Madasha. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay dhammaan hay’adaha dowladda, Dowlad-goboleedyada, Gobolka Banaadir, warbaahinta Soomaaliyeed, saaxiibada caalamka, khubarada, aqoonyahannada iyo dhammaan qeybihii kala duwanaa ee ka qeyb qaatay qabsoomidda iyo guusha Madasha.

Natiijooyinka iyo Tallaabooyinka Xiga

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay diyaarin doontaa Warbixinta Nuxurka iyo Natiijooyinka Madasha 2026, taas oo si dhameystiran u ururin doonta doodihii, talooyinkii, baahiyihii, mudnaantii iyo qodobadii ka soo baxay dhammaan fadhiyada labada maalmood.

Warbixintu waxay saldhig u noqon doontaa qorshe-hawleedka dabagalka Madasha, xoojinta isku-duwidda warfaafinta dowladda, horumarinta warbaahinta Soomaaliyeed iyo hagidda wada-shaqeynta Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada taageera horumarinta warbaahinta iyo xiriirka warbaahinta.

Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliyeed waxay ku soo dhammaatay is-afgarad ku saabsan baahida loo qabo in Madashu noqoto hannaan joogto ah oo qaran, laguna sii xoojiyo wada-tashiga, isku-duwidda iyo iskaashiga dhinacyada ka shaqeeya horumarinta warbaahinta iyo warfaafinta Soomaaliya.

DHAMMAAD

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho, Soomaaliya

Munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweyn diirran loogu sameeyay Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad e...
08/09/2026

Munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweyn diirran loogu sameeyay Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor G/sare Maxamed Axmed (Korneyl Lacag) iyo cutubyo ciidan ah oo dalka Turkiga kusoo qaatan tababar heer sare ah.

Munaasabadda ay soo qaban qaabiyeen hoggaanka Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo hoggaaminayay G/sare Saahid Jaamac Faarax , waxaa ka qay bgalay saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka.

Munaasabadda soo dhaweynta sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Taliyeyaasha Guutooyinka 17-aad iyo 19-aad Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo dhiirigeliyo cutubyada cusub ee kusoo biiraya Ciidanka.

Taliyaha Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor G/sare Saahid Jaamac Faarax oo ka hadlay goobta ayaa soo dhaweyn u sameeyay cutubka ciidan, isagoo xusay in laga filayo inay si hufan uga qayb qaataan waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Taliyaha Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa u mahadceliyay Saraakiisha iyo Ciidamada soo dhaweynta ballaaran u sameeyay, waxaana uu cutubyada cusub kula dardaarmay inay waxii ay soo barteen uga faa’iideeyaan dalkooda, dadkooda, islamarkaana ay ilaaliyaan anshaxa iyo waajibaadka ciidanimo.

08/09/2026

WARKA HABEEN EE SNTV 08.09.2026

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta soo xi...
08/09/2026

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo labo maalmood ka socday Muqdisho.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka waxaa ka qeyb galay Wasiirrada Warfaafinta Dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir waxaana muddadii labada maalin ahayd ee uu socday diiradda lagu saaray " Istiraatiijiyadda xiriirka Warbaahinta, halka ku dhigga shirka ee sanadkan ayaana ahaa " Qaabeynta Mustaqbalka Warbaahinta ee Xilligan casriga ah",

Shirweynaha ayaa isku keennay madaxda Dowladda Dowladda Federaalka, kuwa maamul gobolleedyada, Khubarro warbaahineed iyo daneeyeyaal, iyadoo si weyn looga dooday qaabeynta iyo mustaqbalka warbaahinta casriga ah.

Wasiirka Warfaafinta Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo gaba-gabada shirka ka hadlay ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay muhiimad gaar ah siinayso dhismaha hannaan joogto ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, gaar ahaan casriyeynta warbaahinta, horumarinta warfaafinta Dowladda, Dhaqanka iyo Dalxiiska, wadaagga xogta, kobcinta xirfadaha iyo la jaanqaadidda isbeddellada casriga ah ee warbaahinta.

Sidoo kale, Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-gobolleedyada iyo masuuliyiinta ka socotay maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhankooda shirka ku soo bandhigay aragtiyahooda, caqabaha heer gobol iyo talooyinka ku saabsan sidii loo horumarin lahaa wada-shaqeynta iyo xooojint Warbaahinta.

Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada madasha labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliyeed 2026 ee lagu xoojinayo wada-tashiga, iskaashiga iyo dejinta jihada mustaqbalka Warbaahinta.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaaan Wasii...
08/09/2026

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaaan Wasiiradda Gargaarka iyo Haweenka Koonfur Galbeed, ayaa maanta qaabilay Wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya, Mudane Etienne Peterschmitt.

Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, u diyaar-garowga Super El Niño, iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ku nool goobaha ay weli ka jiraan xaaladaha bani’aadannimo.

Labada dhinac ayaa xoogga saaray dardargelinta dadaallada ka hortagga iyo yareynta fatahaadaha, gaar ahaan xoojinta difaacyada webiyada iyo xiridda meelaha jilicsan.

Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ka warbixiyay socdaalkii uu dhawaan ku tagay Gobalka Hiiraan oo ka mid ah Goobaha ugu nugul fatahaadaha, isagoo ku baaqay in la mideeyo dadaallada lagu badbaadinayo dadka iyo hantidooda.

08/09/2026

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Muqdisho ku soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 oo sanadkaan looga hadlay qaabeynta mustaqbalka Warbaahinta ee xilligan casriga ah.

08/09/2026

Dagaalka Fikirka iyo Doorka Warbaahinta.

08/09/2026

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo Muqdisho ku qabatay kulan looga hadlay Mudnaanta Istiraatiijiyadeed ee shanta sano ee soo Socota iyo gaarista natiijooyinka wax-ku-ool ah ee Wasaaradda.

Address

Jamaal Abdinasir Street
Mogadishu

Telephone

+2521861035

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed:

Shortcuts

Share