15/05/2025
GUDDIGA MAALIYADDA IYO MIISAANIYADDA EE GOLAHA SHACABKA BJFS OO KULAN LA QAATAY WASIIRKA WASAARADDA MAALIYADDA.
Muqdisho-Soomaaliya 06, May, 2025: Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalmiga iyo la-xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay wasiirka wasaaradda maaliyadda ee Xukuumadd Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige, waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan).
Ujeedka kulanka oo ahaa mid uu guddiga wasiirka u yeeray ayaa waxaa mas’uuliyiiinta wasaaradda maaliyadda oo uu wasiirka ugu h**eeyo looga dhageystay warbixinta guud ee Hannaanka Dakhli Uruurinta Dowladda, Warbixinta Saddex biloodlaha ee Dakhliga iyo Kharashaadka 2025 iyo sidoo kale Warbixinta Xisaab Xirka 2024.
Intaasi ka dib xubnaha guddiga ayaa wasiirka oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda su’aalo ka weydiiyay shaqada wasaaradda ay Qaranka u heyso.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalmiga iyo la-xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo xubnaha kale ee la socday, asiga oo sidoo kale sheegay in labada dhinac ay ku balameen in kulan kale oo su’aalo weydiin loogu yeero ma’uuliyiinta wasaaradda.
DHAMMAAD