Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka

Guddiga Madaxabannaan ee  Dastuurka This is the official page of the Independent Constitutional Review and Implementation Commission (ICRIC)

Mahadcelinta Guddoomiyaha Gudigga Madaxabannaan ee Dastuurka Avv. Burhaan Aadan Cumar ee ku saabsan ansixinta iyo meelma...
08/03/2026

Mahadcelinta Guddoomiyaha Gudigga Madaxabannaan ee Dastuurka Avv. Burhaan Aadan Cumar ee ku saabsan ansixinta iyo meelmarinta wax-kabeddelka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Hassan Sh. Mohamud oo saxiixay Nuqulka Rasmiga ah ee Wax-kab...
08/03/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Hassan Sh. Mohamud oo saxiixay Nuqulka Rasmiga ah ee Wax-kabeddelka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Saxiixan taariikhiga ah waxaa goobjoog ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sh. Adan Mohamed Nur “Madoobe”, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Abdi Hashi Abdillahi, Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka Avv. Burhan Adan Omar, Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Guddiga Lasocodka Dastuurka Xil. Hussein Qasim Yusuf iyo Sen. Saed Abdi Hussein.

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo si wadajir ah u ansixiyay Nuqulka Rasmiga ah ee sooj...
04/03/2026

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo si wadajir ah u ansixiyay Nuqulka Rasmiga ah ee soojeedinta Wax-kabeddel Kooban Cutubka 4aad, iyo Wax-kabeddelka Cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Xildhibaannada Golaha Shacabka oo 186 xildhibaan ah iyo 36 oo Golaha Aqalka Sare ah, ayaa ajendihiisu ahaa Ansixinta Qodobbada 13(1), Qodobka 16aad iyo Qodobka 28(2) ee Cutubka 2aad, iyo Soojeedin wax-kabeddel kooban ee Cutubka 4aad iyo wax-kabeddelka Cutubyada 5aad ilaa 15aad ee Dastuurka.

04/03/2026

Hadaljeedinta Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ee ansixinta Cutubyada 5aad Ilaa 15aad ee Dastuurka.

04/03/2026

Hadaljeedinta Sheik Bashir Ahmed Salad ee ansixinta Cutubyada 5aad Ilaa 15aad ee Dastuurka.

04/03/2026

Hadaljeedinta Xoghayaha Guddiga Lasocodka Dib-u-eegista Dastuurka ee BFS Sen. Sead Abdi Hussein ee andixinta Cutubyada 5aad Ilaa 15aad ee Dastuurka.

04/03/2026

Hadaljeedinta Guddoomiyaha Guddiga Lasocodka Xil. Husein Qasim Idow ee ansixinta Cutubyada 5aad Ilaa 15aad ee Dastuurka.

04/03/2026

Hadeljeedinta Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka Avv. Burhan Adan Omar ee ansixita Cutubyada 5aad Ilaa 15aad ee Dastuurka.

Guddiyada u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa soo gabagabeeyay nuqulka k**a dambaysta ah ee soojeedimaha wax-kabedd...
02/03/2026

Guddiyada u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa soo gabagabeeyay nuqulka k**a dambaysta ah ee soojeedimaha wax-kabeddelka Cutubyada 5aad ilaa 15aad ee Dastuurka.

Kulankan oo ay si wadajir ah u shirgudoominayeen Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka, Avv. Burhan Adan Omar, iyo Guddoomiyaha Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xil. Hussein Qasim Yusuf “Idow”, ayaa ajendihiisu ahaa in soojeedimaha wax-kabeddelka Cutubyada 5aad ilaa 15aad lagu dhafo aragtiyihii, talooyinkii, iyo soojeedimihii ay xildhibaannadu ka dhiibteen intii lagu gudajiray ka doodista cutubyada.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shaley soo gabagabeeyey ka doodista dhammaan Soojeedimaha Wax-kabeddelka Dastuurka...
27/02/2026

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shaley soo gabagabeeyey ka doodista dhammaan Soojeedimaha Wax-kabeddelka Dastuurka gaar ahaan Cutubyada 10aad ilaa 15aad ee Dastuurka.

Hay’adaha u xisaaran dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka, Guddiga Lasocodka Dastuurka ...
26/02/2026

Hay’adaha u xisaaran dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka, Guddiga Lasocodka Dastuurka ee BFS iyo Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo la kulmay Wasaaradda Maaliyadda.

Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirka iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa diiradda lagu saaray soojeedimaha wax-kabeddelka Cutubka 11aad ee Nidaamka Maaliyadda Guud. Sidoo kale hay'adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa dhageystay tallooyinka Wasaaradda Maaliyadda.

Address

Jubba Street KM 0
Mogadishu
SO00000

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka:

Share