12/01/2025
Dowlad Baanu Leenahay, Bulshaduse Daryeel Bey Tabaysaa.
Dowladnimadu waa nidaam bulsho oo ujeedkiisu yahay in lagu hogaamiyo bulshada si ay u gaaraan horumar, xasillooni, iyo caddaalad. Waxaa hubaal ah inay jirto dowlad, Laakiin Su’aasha muhiimka ahi waxay tahay: Dowladdu ma ka tarjumaysaa (daboolaysaa) baahiyaha bulshada? Bulshadu waxay tabaysaa daryeel, taas oo muujinaysa in hoggaanka jira uusan ku filnayn buuxinta waajibaadka ka saaran adeegyada muhiimka ah.
Maxay Bulshadu U Tabaysaa Daryeel?
Bulshada Soomaaliyeed, oo soo martay duruufo adag sida dagaallo sokeeye, abaaro, iyo nidaam dowladnimo oo daciif ah, waxay u baahan tahay dowlad si dhab ah ugu adeegta danaha shacabka. Waxayna u baahan yihiin dawlad daboolaysa baahiyahooda aasaasiga ah ee dhinacyada kala duwan oo ay ka mid yihiin:
1. Caddaalad: Bulshada Soomaaliyeed waxay rabtaa inay ku noolaato deegaan ay ka jirto caddaalad. Haddii xuquuqda qofka si siman loo ilaalin waayo, waxaa dhalan kara kalsooni darro iyo kala qoqobnaan bulsho.
2. Adeegyada Bulshada: Bulshadu waxay xaq u leedahay helitaanka adeegyo muhiim ah sida waxbarasho, caafimaad, iyo biyo nadiif ah. Daryeelka bulshada waxaa kamid ah in la xaqiijiyo in adeegyadaasi ay gaaraan dhammaan gobollada dalka.
3. Shaqo-abuur iyo Deggenaansho Dhaqaale: Qoysas badan oo Soomaaliyeed waxay la daalaa dhacayaan shaqo la’aan iyo saboolnimo. Dowlad mas’uul ah waa inay abuurtaa fursado shaqo oo daahfuran, gaar ahaan dhalinyarada oo ah laf-dhabarta qaranka.
4. Amniga: Bulsho aan dareemin ammaan ma noqon karto mid kobac dhaqaale ama horumar bulsho gaarta. Dowladdu waa inay ka hortagtaa khataraha amni ee soo wajaha bulshada, lana dagaallantaa kooxaha qaswadayaasha ah.
Doorka Dowladda.
Dowladdu waa inay u dhaqantaa sidii waalid u damqanaya carruurtiisa. Haddii dowladdu ay ku mashquulsan tahay dano gaar ah ama ay ku guuldarreyso daryeelka bulshada, waxay lumisaa kalsoonida shacabka, taas oo keenaysa inay meesha ka baxdo isku xirka dowladnimada iyo bulshada.
Maxaase Laga Filayaa Dowlad Wanaagsan?
▪︎ Inay ku saleysnaato caddaalad, sinaan, iyo hufnaan.
▪︎ Inay mudnaanta siiso adeegyada bulshada oo ay dadka ka saarto dhibaatada.
▪︎ Inay dadka ka qeybgeliso go'aan-qaadashada iyada oo la xaqiijinayo in codkooda la maqlo.
▪︎ Inay ilaaliso hantida guud, kana fogaato musuqmaasuqa.
Gunaanad: Inkastoo aan leenahay dowlad, su’aashu waxay tahay: Ma tahay mid ka turjumaysa baahiyaha iyo rabitaanka shacabka? Bulshadu waxay tabeysaa daryeel, waana waajib saaran hoggaanka inuu xaqiijiyo in shacabka ay helaan wax kasta oo ay xaq u leeyihiin. Maamul wanaag waa daryeel bulsho, taas oo saldhig u ah horumarka qaranka.
Farriin: "Shacabkayagow, Aan ku Dhaqanno si faham leh si aan u sugno badbaadadayada."