27/01/2025
Ma maqashay โAllow Qof aan wax ogayn ha Cadaabinโ hadii Jawaabtaadu Haa tahay Buuga Adkeysi Aqri.
Waxaan nasiib yeeshay in aan Goobjoog ka noqdo Bandhigga Buuga Adkeysi ee uu qoray Siyaasiga wayn Xildhibaan Abdirahman Abdishakur Warsame oo ka dhacday Mogadishu. Waxaa i cajabgeliyay Cilmiga iyo Taarikh-da Adkeysi Xambaarsanyahay iyo suโaalaha Goobtaas lagu waydiiyay Xildhibaanka.
Waxaan goโaansaday inaan Buuga Adkesi aqriyo Allahna waa igu guuleeyay aqrintiisa, waxaana iiga soo baxday dhowr arrin:-
1- in aan waxbadan ka ogaaday kana bartay Taariikh-da iyo Sooyaal-ka Siyaasiga Buuga qoray.
2- Taariikh-yo kala duwan iyo Sooyaal Siyaasadeed ee Soomaaliya soo martay oo aan horay u aqrin sheekooyina kalena aanan ku maqlin.
3- waxaan ku ogaaday in badan dadka Soomaaliyeed ka mid ah fahamka ay Siyaasada ka haystaan ku kooban yahay Sawirka dadka madaxda ah iyo Kelmadaha ay ku hadlayaan oo keliya,xaalkuna sidaa ka bedelan yahay.
4- Arrinta aan markaygii h**e shakiga ka qabay hadana markaan Buuga aqriyay xaqiiqsaday waxa ay tahay in Siyaasiga soo galaya Suuqa Siyaasada iyo kan horay ugu jiray Siyaasada labadaba Ookiyaalaha ugu jira ee ay wax ku arkaan/ ku aqriyaan uu yahay in ay Aaminsanyihiin Maqaamka sare Siyaasada lagu gaaro Qinyaano, Qish iyo Been(Qalbiga iyo Afka siyaasiga oo aan wada socan).
5- in uu yaryahay Siyaasi Danaha Guud ee dadka uu Madaxda u yahay ka shaqeeya, bedelkeedana uu ka fkiro Siyaasiga inuu Masaalixdiisa gaarka ah meel sare gaarsiiyo inta Kursiga joogo.
6- in Madaxda Dowladda in badan Umadda ay madaxda u yihiin been uga sheegaan waxyaabaha dhabta ahna laga leexiyo, loona sheego waxyaabo qiyaali ah oo aan Sal iyo Raad toona lahayn, Tusaale ahaan in Dowladaha Caalamku diidan yihiin in Somaaliya dowlad noqato, in Qofku arragtidiisa gaarka ah ka dhigo ahdaaftii Dowladnimo lagu gaari lahaa IWM.
7- inta Garaad-kaygu gaarsiisanyahay iyo sooyaalka Siyaasadeed ee Buuga Adkeysi aan ka aqriyay waxaan meesha iiga muuqan in System Dowladeed oo dhisan marka laga reebo Magaca Dowladda oo hormar ku socdo Siyaasiga u yimaado waxna ku daro berrina ka tago in uusan dhisnayn.
Ugu dambayntii, waxaan u mahadcelinayaa Siyaasiga Buugaan qoray oo runtii ah Hal-abuur cusub oo aan horay qof Siyaasi Somaaliyeed ah looga baran in dadka shacabka loosoo bandhigo Taariikh iyo Sooyaal Siyaasadeed oo aysan waxbadan ka ogayn.
Waxaan intaas ku dari lahaa dhalinyarada waxbarata iyo dadka kale in ay wax aqriyaan u fududahay in Buuga adkeysi aqriyaan waa hubaa inaad wax aadan ogayn hada ogaan doonto aqris kadib waa iga Talo.