07/05/2026
Agaasimaha Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Macallimiinta Waaxda, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta aqoonta, tayeynta xirfadaha iyo kor u qaadista qibradda shaqaalaha Gurmadka Degdegga ah.
Agaasimaha ayaa Macallimiinta kula dardaarmay inay laba jibbaaraan dadaallada lagu kobcinayo aqoonta shaqaalaha, si ay ugu diyaar garoobaan xaaladaha kala duwan ee gurmadka, una noqdaan kuwo leh karti, feejignaan iyo xirfad sare oo waafaqsan masuuliyadda culus ee ay bulshada u hayaan.
Sidoo kale, wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay wacyigelinta bulshada, si loo kordhiyo fahamka ku saabsan badbaadada, ka hortagga khataraha iyo sida shacabka uga qeyb qaadan karaan yareynta musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah.