31/05/2026
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS iyo Hey'adda Qaramada Midoobay ee Barnaamijyada Horumarka UNDP ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis wada-shaqeyn.
Heshiiskaan oo ah mid ay labada dhinac kaga wada-shaqeyn doonaan barnaamijyada dhallinyarada, nabadda iyo amniga, horumarinta xirfadaha dhallinyarada, sare u qaadista doorka dhallinyarada ee la dagaalanka isbeddelka cimilada iyo shaqo abuurka dhallinyarada ayaa waxa uu socon doonaa muddo shan sano ah.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS waxaa saxiixa heshiiska ku metelaayay Wasiirka Wasaaradda Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali halka dhinaca UNDP uu saxiixa heshiiska ku metelaayay Mr. Lionel Laurens oo ah madaxa UNDP Somalia, ayadoo saxiixa heshiiska uu goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo masuuliyiin labada dhinac kala meteleysay.
Saxiixa kadib, Wasiirka Wasaaradda ayaa sagootin u sameeyay Mr. Lionel Laurens oo dhawaan Soomaaliya ka bedelan doona.
Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda ayaa wefdiga UNDP soo tusay qeybaha ay ka koobantahay xarunta cusub ee Wasaaradda.