Mohamed Jafar Ali

Mohamed Jafar Ali Official Page of Director General of Forlanini Public Hospital Under the Ministry of Health-Somalia

Waxaan u hambalyeynayaa Umada Muslimiinta guud ahaan, gaar ahaan umada Soomaaliyeed, Munaasabada Eidul Fidriga.Alle ha i...
19/03/2026

Waxaan u hambalyeynayaa Umada Muslimiinta guud ahaan, gaar ahaan umada Soomaaliyeed, Munaasabada Eidul Fidriga.

Alle ha inaga aqbalo acmaashii bisha barakeesneed ee Ramadaan, alle ha inagu gaarsiiyo ciidaan ciideeda baraare iyo barwaaqo.

27/02/2026

Kalmad kooban oo aan ka jeediyay caawa munaasabada Afur Wadareedka Isbitaalka oo aan la afurnay bukaanada kujira Isbitaalka ee dhimirka ka xanuunsan.

Waxaan u balan qaadnay in la ciidisiin doono lalana ciidi doono.

Waxaan kulan afur wadareed la qaadanay bukaanada kujira Isbitaalka Dadweynaha Forlanini/lansereti oo aan mid mid u dul t...
27/02/2026

Waxaan kulan afur wadareed la qaadanay bukaanada kujira Isbitaalka Dadweynaha Forlanini/lansereti oo aan mid mid u dul tagnay bukaanada ka xanuunsan dhimirka inagoo ogaanaynay xaalkooda, caafimaadkooda, lana damqanaynay.

Waxaa ku wehliyay Wasiirka Wasarada Caafimaadka Dr Ali Haji Adam, Wasiir kuxigeenka Wasarada Dr Mohamed Bullaale, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dr Guuled Abdijalil iyo Agaaisme Waaxeedyada Wasaarada.

Wasaarada Caafimaadka waxeey ubalan qaaday sanadkaan ineey ciidsiin doonto dhamaan bukaanada ka xanuunsan dhimirka iyo kuwa kale ee kujira Isbitaalka.

24/02/2026
Waxaan maanta la kulmay kuna soo dhaweeyay xafiiska Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation Mudane Abdullahi Nor Osman iyo...
24/02/2026

Waxaan maanta la kulmay kuna soo dhaweeyay xafiiska Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation Mudane Abdullahi Nor Osman iyo wafdigiisa kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid Isbitaalka Dadweynaha Forlanini/lansereti.

Waxaan uga warbixiyay xaalada Isbitaal ka, waxaan mid mid u dul istaagnay bukaanada kujira Isbitaalka sida kuwa ka xanuunsan dhimirka, inagoo aan qiimeynay xaaladooda.

Hay’ada Hormuud Salaam Foundation ayaa nagu wareejisay deeq isugu jirta Raashinka nuucayadiisa kala duwan iyadoo lagu quudin doono bukaanada xanuunsan ee kujira Isbitaalka.

Waxaan uga mahad celiyay taageeradooda iyo garab istaagooda joogtada ah.

Waxaa sharaf ii ah inaan ka qeyb furitaanka Masjid Al Shifaa oo laga dhex dhisay Xarunta Weyn ee Wasaarada Caafimaadka &...
23/02/2026

Waxaa sharaf ii ah inaan ka qeyb furitaanka Masjid Al Shifaa oo laga dhex dhisay Xarunta Weyn ee Wasaarada Caafimaadka & Daryeelka Bulshada ee uu noo furay Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr. Ali Haji Adam.

Waxaa goob joog ahaa Agaasimaha Guud Wasaarada Caafimaadka Dr Guled Abdijalil iyo agaasime waaxeedyada Wasaarada.

Waxaan la kulmay wafdi ka socda Hay’ada UNICEF Somalia iyo UNOPS  oo booqasho rasmi ah ku yimid xarinta Isbitaalka Dadwe...
22/02/2026

Waxaan la kulmay wafdi ka socda Hay’ada UNICEF Somalia iyo UNOPS oo booqasho rasmi ah ku yimid xarinta Isbitaalka Dadweynaha Forlanini/Lansereti iyagoo kormeereen xarumaha dhismaha sida Keydka Qaran ee Tallaalka Soomaaliya, iyo xarunta Gurmadka Gar Gaarka Deg Dega iyo Dhaawacyada daran.

Waxaan uga Mahadceliyay booqashadooda iyo taageeradooda ku aadan dib u dhiska iyo howlgalinta Isbitaalka Forlanini.

Waxaan kusoo dhaweeyay Xafiiska Maamulka sare ee Isbitaalka Demartino ee uu higaaminaayo Agaasimaha Guud Isbitaalka Dadw...
21/02/2026

Waxaan kusoo dhaweeyay Xafiiska Maamulka sare ee Isbitaalka Demartino ee uu higaaminaayo Agaasimaha Guud Isbitaalka Dadweynaha ee Damartino Dr Abdirahim Omar Amin oo booqasho rasmi ah noogu yimid maanta.

Waxaan ka wada hadalnay Iskaashi iyo wadashaqeyn dhexmarta labada Isbitaal iyadoo lagu balamay in laga wada shaqeeyo Caafimaadka Bulshada oo ay u adeegaan labada Isbitaal si loo gaaro yoolka Caafimaad loo dhanyahay ee Universal Health Coverage.

19/02/2026

Waxaan ku adkeeyay in Tiirka Arimaha Bulshada ee Cutubyada Ciidamada Safaarada Taliyaaniga ay taageero muuqdo ka geestaan dib u dhiska kaabayaasha Dhismaha Isbitaalada Danta Guud gaar ahaan Isbitaalka Faca weyn ee Foralnini/ Lansereti.

Waxaan kulan la qaatay Cutubyada Ciidamada Taliyaaniga qeybtiisa Tiirka Arimaha Bulshada ee loo yaqaano (Italian Militar...
19/02/2026

Waxaan kulan la qaatay Cutubyada Ciidamada Taliyaaniga qeybtiisa Tiirka Arimaha Bulshada ee loo yaqaano (Italian Military CooperationCIMIC) kulankaas oo ka dhacay Xarunta Safaarada Taliyaaniga ee Muqdisho.

Waxaan ka wada hadalnay in la xoojiyo wada shaqeynta buuxda aan leenahay Safaarada Italy ee Muqdisho iyo cutubyadeeda, iyo in sare loo qaado taageerada eey siiyaan Isbitaalada Publica ah gaar ahaan Isbitaalka Forlanini oo ka mid ah Isbitaaladi Dowladi Taliyaaniga eey u dhistay Dowlada Soomaaliya.

Waxaan uga mahad celiyay soo dhaweyntooda diiran ee nagu soo dhaweeyeen Safaarada Italy ee Muqdisho.

Waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan iyo Muslimiinta Caalamka ugu hambalyeynayaa Dhalashada Bis...
17/02/2026

Waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan iyo Muslimiinta Caalamka ugu hambalyeynayaa Dhalashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Alle ha inaga aqbalo acmaasha bisha barakeysan alle ha inagu gaarsiiyo Ramadaankaan kiisa kale nabad iyo caafimaad iyo barwaaqo.

Waxaan ka qeyb galay madal dood cilmiyeed furan oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Wasaarada Caafimaadka XFS iyo J...
13/01/2026

Waxaan ka qeyb galay madal dood cilmiyeed furan oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Wasaarada Caafimaadka XFS iyo Jaamacada Umada Soomaaliyeed taas oo looga dooday diiradana lagu saaray Maalgalinta Caafimaadka Gudaha iyo Hirgalinta iyo dhisida Ceymisia Caafimaadka Qaranka.

Waxaa goob joog ahaa Wasiirka Wasaarada Caafimaadka & Daryeelka Bulshada XFS Dr. Ali Haji Adam Agaasimaha Guud Wasaarada Caafimaadka XFS Dr Guled Abdijalil Gudoomiyaha Jaamacada Umada Soomaaliyeed, Xildhibaano, Senetaro, iyo Agaasimayaal.

Muhiimada hirgalinta, yagleelida Hey’ada Ceymiska Caafimaadka Qaranka waa Qaaraan qaran oo u suurta galinaya muwaadiniinta soomaaliyeed ineey helaan adeeg caafimaad iyagoo aan dareemin culees dhaqaale, waxeeyna muhiim u tahay dhismaha hey’adaan in dalkeenu eey wax weyn ka badasho adeeg bixinta caafimaadka dalka.

Waxaan u mahadclelinayaa Agaasimaha Hay’ada KMG ee Ceymiska Caafimaadka Qaranka DrJalaaludiin Yusuf Ahmed oo kasoo shaqeeyay habraacyada hey’ada iyadoo la marsiinaayo goor dhaw baarlamaanka, golaha wasiiradana ay ansixi doonaan.

Address

KM0
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed Jafar Ali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share