31/08/2025
Guddomiyaha guud ee Xisbiga Dulmidiid Qaran Ambassador Jamal Ahmed Ibrahim ayaa soo saaray caaway War-Saxaafadeed.
WAR-SAXAAFADEED
Dowladda albaabada ayay xiratay iyadoo isku diyaarinaysa b**b doorasho, xilli dalka uu wajahayo xaalad adag oo u baahan in si dhab ah loo sameeyo wadatashi qaran loona midoobo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo ilaalinta midnimada ummadda.
Waxaan soo dhoweynayaa codadka ka imaanaya ummadda Soomaaliyeed iyo saamileyda siyaasadeed ee ku baaqaya in talo qaran lagu hago jihada dalka.
Dowladda Federaalka waxa ay waddaa qorshe horseedi kara dagaal sokeeye, maadaama ay b**b iyo afduub ku soo gabagabaynayso muddada xilkeeda.
DHAMAAD