21/06/2026
Sawirro: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Galmudug, Mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel), ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka furay Shirka Madasha Isku-dubbaridka Xasilinta ee Wasaaradaha Dowladda Galmudug.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, isku-dubbaridka qorshayaasha xasilinta, iyo kor u qaadista dadaallada lagu taageerayo nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta bulshada.
Furitaanka shirka waxaa ka qayb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha ka shaqeeya arrimaha xasilinta ee Dowladda Galmudug, masuuliyiin ka socotay Dowladda Hirshabeelle, hay’adaha taageera barnaamijyada xasilinta, iyo marti sharaf kale.
Mas’uuliyiintii ka hadlay madasha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-xirka hay’adaha dowladda, is-weydaarsiga khibradaha iyo xoojinta iskaashiga dowlad-goboleedyada si loo dardargeliyo dadaallada xasilinta, loona xaqiijiyo nabad, amni iyo horumar waara oo ka hanaqaada deegaannada Galmudug.