17/02/2026
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed curashada bisha barakaysan ee Ramadaan. Bishani waa bil kheyr, naxariis, iyo dembi-dhaaf leh, fursadna u ah in aynu xoojinno midnimadeenna, walaaltinimada, iyo isu tanaasulka, annagoo Alle ugu dhawaanayna cibaado, sadaqo, iyo samafal.
Waxaan shacabka ku boorrinayaa in ay adkeeyaan amniga, garab istaagaan hey’adaha difaaca dalka, isla markaana isu gargaaraan gaar ahaan kuwa abaartu saameysay, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta iyo horumar joogto ah.