15/05/2022
Mudane Shariif Sh Axmed musharrax madaxweyne ahna adaxweynihii h**e ee dalka ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta 79 guuradii ka soo wareegtay aas aaskii ururkii SYL 1943
" Waxaan Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa maalinkan taariikhiga ah ee ku astaysan 79 guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay ururkii Dhalinyarada gobonimo doonka Soomaaliyeed ee SYl."
"Waxa ay ku soo beegantay maalin kale oo muhiim ah oo la dooranayo madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya"
"Dhallinyarada waa lafdhabarta Ummadda iyo dowlad dhiskeena, Baarlamaankeenna labada Aqal ee maanta wax dooranaya waxa ay u badan yihiin dhallinyaro, guud ahaan Xildhibaanada waxaan ka codsanayaa in ay i doortaan si aan dalkaan u samatabixino, kor ugu qaadno sharafkii iyo Xorriyaddii ay dhaliyeen dadka u soo halgamay dalkeena"