17/03/2026
Ayadoo laga faa’iideysanayo kheyradka bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaa la fuliyay barnaamij afur wadareed ballaaran oo loogu talagalay dadka danyarta ah.
Barnaamijkan waxaa hirgelisay hey’adda Nezir Derneği iyadoo kaashaneysa wakiilkeeda Soomaaliya ee Waseela Somalia Organization, oo door muhiim ah ka qaadatay isku dubaridka iyo agaasinka afurinta.
Ka qeybgalayaasha barnaamijka ayaa u badnaa dadka ku dhaqan hareeraha magaalada Muqdisho, gaar ahaan qaxootiga iyo dadka nugul, kuwaas oo runtii mudan in la garab istaago laguna casuumo afurka.
Ugu dambeyn, waxaan si weyn ugu mahadcelineynaa hey’adda Nezir Derneği, oo laf-dhabar u ahayd hirgelinta barnaamijkan afur wadareedka.