Moifar - Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta

Moifar - Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Waa Facebook-ga Rasmiga ah ee Wasaaradda Arr. Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Abdulkadir Ali ayaa ka qeybg...
03/06/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Abdulkadir Ali ayaa ka qeybgalay Aqoon-isweydaarsiga Wadatashiga Cilmi-baarista la xiriirka arrimaha deegaanka, taasi oo lala kaashanayey heyโ€™adaha UNDP iyo EIP.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen masโ€™uuliyiinta heerarka dowladda, saxiibada caalamiga ah iyo khubaro ayaa lagu falanqeeyey natiijooyinka hordhaca ah ee cilmi-baaris la xiriirta saameynta isbeddelka cimillada, maareynta kheyraadka dabiiciga ah, deegaanka iyo sida ay ula xiriirsan yihiin khilaafaadka ka jira Soomaaliya.

Doodaha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta hababka ku saleysan xogta iyo caddeymaha iyado natiijada noqoneyso diyaarinta talooyin wax ku ool ah iyo hagitaanno siyaasadeed oo lagu wajahayo caqabadaha ka dhasha xiriirka cimilada iyo amniga si loo hormariyo nabad-dhisidda deegaanka, dowlad-wanaagga, dib-u-heshiisiinta iyo adkeysiga bulshooyinka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Cabdul ayaa madasha ka sheegay sida ay lagama maarmaan u tahay in arrimaha bayโ€™ada iyo xal u helidda khilaafaadka ka dhasha ay qeyb ka noqdaan qorshaha Barnaamijyada isagoo adkeeyey baahida loo qabo iskaashiga u dhexeeya hayโ€™adaha heer federaal iyo dowlad-goboleed, bulshada rayidka ah iyo bahwadaagta caalamiga ah.

๐€๐Š๐‡๐‘๐ˆ๐’๐Ž: Majaladda Billaha ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta. Waa Cadadka 38 - aad ee ...
02/06/2026

๐€๐Š๐‡๐‘๐ˆ๐’๐Ž: Majaladda Billaha ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta. Waa Cadadka 38 - aad ee May 2026.

Guji Halkan hoose:
https://drive.google.com/file/d/1r2VLHWhfLW2KU_Wb2EHDfv4LBprPtrKC/view?usp=sharing

-------
๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ
๐‘ฟ๐’‚๐’‡๐’Š๐’Š๐’”๐’Œ๐’‚ ๐‘ฟ๐’Š๐’“๐’Š๐’Š๐’“๐’Œ๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘พ๐’‚๐’“๐’ƒ๐’‚๐’‚๐’‰๐’Š๐’๐’•๐’‚
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/MoifarMedia
Twitter: https://twitter.com/MoIFARSomalia
Instagram: https://instagram.com/moifarsomalia
Tiktok: tiktok.com/
Flickr: Moifarsomalia
Website: www.Moifar.gov.so
YouTube: https://youtube.com/

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Sadad Alio  ayaa maa...
30/05/2026

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Sadad Alio ayaa maanta goobjoog ka ahaa munaasabadda dhaarinta xildhibaannada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mudane Caliyow oo khudbad kajeediyey kulanka ayaa sheegay in isagoo ku hadlaya magaciisa, midka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka hoggaanka iyo howlwadeennadaba uu hambalyeynayo xildhibaannada cusub ee Koonfur Galbeed isaga oo bogaadiyey doorashada iyo hannaanada kale, wuxuuna kula dardaarmay in ay xilka ugu adeegaan deegaan doorashada, doowlad goboleedka iyo ahaan qaranka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Wasiir Saadaad waxaa uuu adkeeyey sida Waaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ay uga goโ€™antahay dhaqangelinta iyo jiheynta aragtida Xukuumadda Dan Qaran ee baahinta awoodda iyo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, dimoqoraadi ah, hufan, cadaalad ah oo qeyb laga wada yahay.

Wasiirka Arrimaha Gudahaโ€“Farriinta Ciidul AdhxaMunaasabadda Ciidul Adhxa awgeed, waxaan hambalyo iyo duco u dirayaa shac...
26/05/2026

Wasiirka Arrimaha Gudahaโ€“Farriinta Ciidul Adhxa

Munaasabadda Ciidul Adhxa awgeed, waxaan hambalyo iyo duco u dirayaa shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Dunida Muslimka.

Waxaan rajeynayaa in maalmahan barakeysan ee farxadda dartood aan xusuusanno dadka nugul, aanna badinno sadaqada, is-cafinta, isu-dhimrinta iyo walaalnimada.

Soomaaliya waxay u jiheysatay marlaxad dadka loo dhoweynayo xuquuqdooda dastuuriga ah sida doorashada toos ah, aan ka wada shaqeyno kor yeellidda danta guud, kaqeybgal bulsho iyo gaarista dal nabad iyo barwaaqo ah.

Illaahay hanaga aqbalo ducadeena iyo acmaasha wanaagsan.

Ciid Mubaraak.

Wasiiru Dowlahaโ€“ Farriinta Ciidul AdhxaCiid Wanaagsan dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo aad joogtaan. Dabaald...
26/05/2026

Wasiiru Dowlahaโ€“ Farriinta Ciidul Adhxa

Ciid Wanaagsan dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo aad joogtaan. Dabaaldegga maalmaha Ciidul Adhxaa waxaan qoysaska Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda u rajaynayaa ciid barakaysan.

Munaasabadahan Barakeysan waxay astaan u yihiin dulqaad, wadajir bulsho iyo nabad. Aan uga faaโ€™ideysanno soocelinta kalsoonida umadda dhexdeeda ah, dib u heshiisiin iyo adkeynta midnimada.

Waxaan rajaynayaa naxariista Eebbe iyo inuu acmaasha naga aqbalo,

Ciid Wanaagsan.

Wasiir Kuxigeenka โ€“ Farriinta Ciidul AdhxaWaxaan umadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta ugu hambaleyeynayaa muna...
26/05/2026

Wasiir Kuxigeenka โ€“ Farriinta Ciidul Adhxa

Waxaan umadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta ugu hambaleyeynayaa munaasabadda Ciidda Barakeysan ee Adhxa.

Munaasabaddan qiimaha badan aan uga faaโ€™ideysanno adkeynta walaalnimada, isu-naxariisashada iyo in aan si wadajir ah uga shaqeyno hirgelinta rajada weyn ee Soomaaliya oo mid, nabad iyo barwaaqo ah.

Ciid Mubaarak.

Agaasimaha Guud โ€“ Farriinta Ciidul AdhxaWaxaan farxadda munaasabadda Ciidul Adhxa u dirayaa shaqaalaha Moifar - Wasaarad...
26/05/2026

Agaasimaha Guud โ€“ Farriinta Ciidul Adhxa

Waxaan farxadda munaasabadda Ciidul Adhxa u dirayaa shaqaalaha Moifar - Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta & dhammaan umadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka.

Waa maalmo farxad leh oo qoysaska iyo bulshada dhexdeeda laga dareemo is-xiriirin, isu-naxariisasho iyo walaalnimo. Waa in xamaasadda iyo farxadda maalmahaas barakeysan ay noo horseedaan in si daacadnimmo ah ugu adeegno horumarinta dalka iyo dadka.

Dhammaan Ciid Wanaagsan.

Hoggaanka iyo Howlwadeennada Moifar - Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta waxay shacabka Soomaal...
26/05/2026

Hoggaanka iyo Howlwadeennada Moifar - Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta waxay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Muslimiinta caalamka hambalyo leeyihiin munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adhxaa.

Munaasabaddan qiimaha badan waxay xambaarsan tahay casharro ku saabsan iimaan, walaaltinimo, naxariis iyo isu tanaasul. Waxaan Alle uga baryeynaa inuu dalkeenna ku manneysto nabad waarta, barwaaqo iyo midnimo.

Adinka iyo Qoysaskiinnaba, Ciid Wanaagsan

23/05/2026

Muuqaalka guud ee daahfurka โ€œTababarka Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadirโ€.

23/05/2026

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Hon Ali Yusuf Ali - Xoosh ayaa caasimadda Muqdisho ku daahfuray โ€œTababarka Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadirโ€.

Address

888 Road
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Moifar - Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Moifar - Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta:

Share