27/01/2025
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS Gen. Cabdullahi Sheekh Ismaaciil(Fartaag) ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka joogtada ah ee guddi howleedka farsammo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta.
Kulankan oo ay bishan martigelisay Wasaaradda Amniga Gudaha XFS ayaa waxaa kasoo qaybgalay guud ahaan xubnaha guddi howleedka farsammo ee xiriirka arrimaha xasilinta
Guddoomiyaha Guddiga mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa ka warbixiyay sooyaalka, baaxadda howlaha guddiga iyo hiigsigeeda , waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howlaha Wasaaradda Amniga, doorka Xaslinta iyo waxqabadka guddiga muddadii uu jiray.
Ugu danbeyntii Mudane Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo ka hadlay kulanka ayaa ka mahadnaqay howlaha guddiga isaga oo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya u leedahay mideynta farriimaha Xasilinta iyo wacyigalinta deegaannada dhawaan la xoreeyey, wasiirka ayaa intaas ku daray in la yeesho agendayaal midaysan oo lagu taageerayo arrimaha hortabinta u leh dawladda Soomaaliya .
------
ππππππππ
πΏπππππππ πΎππππππππππ
Email: [email protected]
Twitter: https://x.com/EnvoyStab_SOM