Abdulkadir Mohamed Nur

Abdulkadir Mohamed Nur Dadaalaaba wuu gaaraa!
(1)

04/05/2026

Nabadaa naas la nuugo leh!

03/05/2026

Waxaan maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabiley Danjiraha Jamhuuriyadda Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper AKTAŞ.

Waxaan uga mahadcelinayaa booqashadiisa.

03/05/2026

Abwaan Tarash horey ayuu murti dhameestiran xaalad walba noogu sheegey. Tanna maanta ayey taagantahay hala dhuuxo.

01/05/2026

Maalin kale oo qiimo u leh Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaa Reer Koofur Galbeed.

Waxaa awooda doorashada iska leh Shacabka Reer Koofur Galbeed, horey waxay idaacadaha uga maqli jireen
in madax loo doorey qol mugdi ahna lagu soo kala qaybsadey kuraasta, shakhsiyaadna go’aan ka gaareen.

Isreereeb ka dhacay Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka(JSP) waxaa tanaasuley dhamaan musharixiintii daneyneysey kursiga ugu sareeya ee KGS, sidaasna boorka Shimbirta Cagaaran ee ku xardhan lambar 15 waxaa lagu wareejiyey Musharaxa Xisbiga JSP inuu Koofur Galbeed u tartamo Sheekh Aadan Maxamed Nur Madoobe. Waxaa loogu xushey inuu yahay shakhsiga mudan wakhtigaan inuu hogaamiyo KGS, waaya aragnimo ku filanna uu u leeyahay arimaha maamulka.

Weli faanoole fari k**a qodna waxaan albaab walba iyo mehrad walba u istaageynaa in uu xisbigeena noqda midka guuleysta anagoo Shacabkeena weydiisaneyna codkooda.

Musharax Aadan Maxamed Nur Madoobe waxan u rajeynayaa in uu guuleyso hogaanka, guud ahaan JSP na guul ayaan u rajeynayaa.

29/04/2026

waxaan si buuxda u gudoomay maamuuska iyo billadda ay i gudoonsiisay Somali Night Awards caawa, waxaana u gudoomay guud ahaan daljirayaasha dahsoon ee aan dadka u muuqan balse garab iigu ahaa waxqabad walba oo aan qarankeyga u qabtay.

27/04/2026

Sharaf weyn ayay ii tahay in Somali Night Awards ay caawa igu maamuusto siyaasiga ugu saameynta badnaa gayiga Soomaaliyeed sanadkan 2026.

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan intii ka qeyb qaadatay abaabulka iyo martidii nagu sharaftay joogitaankooda.

Waxaad i xasuusinaysaan maalmo adag iyo kuwo aad u quruxbadan oo aan qarankeyga usoo shaqeeyay anigoo sarkaal ah, dublumaasi ah, Taliye ah, iyo anigoo wasiir ka ah wasaarado kala duwan oo ay ka mid tahay Wasaaradda Caddaaladda, Gaashaandhigga iyo hadda oo aan ahay wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Maamuuskan wuxuu ii yahay dhiirrigelin aan ku sii xoojinayo u adeegidda qarankeyga Soomaaliyeed. Waxaanna sidoo kale u hambalyeynayaa qeybaha kale ee bulshada ee abaal marinnada ku guuleystey.

Abaalmarintan waxaan la wadaagayaa halgamayaasha qarsoon, waxaanan si gaar ah ugu hibeeyay hooyaday qaaliga ah, Marwo Xasiila Maxamed Ibraahim.

27/04/2026

Duqii F ahaa caay Birmadaha la caayo muu rabaa inuu Doorasho ku galo🤣, wareysi kale halaga qaado uu doorasho nagula galo.

26/04/2026

Sanadkaan waa sanadkii Reer Bakool, Madoobana waa mideeyaha reer KGS.

25/04/2026

Waxaan aad ula yaabey 2026 in siyaasi Soomaaliyeed weli ku fekeraayo in dhalinyarada Soomaaliyeed uu buundo kursi ku raadsado ka dhigto. Doorasho dadban hadii dhalinyaro wax loogu qabanaayo 20kii sano ee la soo dhaafey maxaa wax loogu qaban waayey, markii la ogaadey in doorasho toos ah ay fursad ku leeyihiin dhalinyarada ayaa la rabaa in been loo sheego.

Diidey buundo iney noqdaan dhalinteena.

24/04/2026

Dastuurkii dhamaa ma 4.5 keliyaa nooga soo aadey, horta ma ku qorantahay 4.5 ma lanaga hubiyey.🤣

Address

KM4 Street
Mogadishu

Telephone

+905077397299

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdulkadir Mohamed Nur posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Abdulkadir Mohamed Nur:

Share