Xafiiska Arimaha Bulshada ee Gobolka Benaadir

Xafiiska Arimaha Bulshada ee Gobolka Benaadir Xafiiska Arimaha Bulshada ee Gobolka Benaadir waa u adeegaha bulshada kunool gobolka benaadir Xafiiska Arimaha Bulshada ee Gobolka Benaadir

Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, ayaa ham...
19/03/2026

Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, ayaa hambalyo diirran u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Gobolka Banaadir, munaasabadda barakeysan ee Ciidda Soonfur.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in Ciidda Soonfur ay tahay maalin weyn oo muujinaysa farxad, midnimo iyo isxilqaan, isagoo bulshada ku booriyay inay xoojiyaan wadajirka, is-caawinta iyo ilaalinta nabadda.

Sidoo kale, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa Eebbe uga baryay shacabka Soomaaliyeed inuu ka aqbalo soonkii iyo cibaadadii ay soo guteen, kana yeelo mid ajar iyo kheyr u horseeda.

Ugu dambeyn, wuxuu shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay Ciid farxad leh oo ku dheehan nabad, barwaaqo iyo horumar.

🌙

13/03/2026

Afur gaarsiinta dadka araga la' iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta G.Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed oo xaruntooda Degmada Howl wadaag afur ugu qeybiyay

10/03/2026

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta ee Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, ayaa maanta xafiiskiisa kulan la qaatay wafdi ka socda dalka Turkiga, kuwaasoo maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku joogay magaalada Muqdisho.

Wafdiga ayaa gacan ka geystay taageero toos ah oo la gaarsiiyay 650 qoys oo danyarta ah ku nool xeryaha barakaca ee degmooyinka Daynile iyo Kaxda.

Sidoo kale, waxay siiyeen 130 caruur ah ciidsiin ah, halka qoysaska kale lagu taageeray lacago Zako ah si ay ugu maareeyaan noloshooda inta ka dhiman bishan barakaysan ee Ramadan iyo munaasabadda Ciidul Fidriga.

Wafdigan ka socday Turkiga waxaa hoggaaminayay, Sercan SIVA, Guddoomiyaha Eski Pazar ee dalka Turkiga, Murat Derecik, Mas’uulka Hay’adda Veneral Karabuk, Yaxye Xasan Cabdi oo ah Madaxa Hay’adda Aftuder Charity iyo Daner Dayanc, Mas’uulka Shaqooyinka gudaha Turkiga ee Hay’adda Veneral.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Banaadir ayaa wafdiga ku amaanay taageerada bani’aadamnimo iyo gargaarka loo fidiyay dadka baahan, isagoo sheegay in tallaabooyinkan ay xoojinayaan iskaashiga labada dal iyo hay’adaha samafalka.

Kulankan ayaa ahaa mid xoojinaya iskaashiga iyo taageerada bani’aadamnimada ee labada dal, iyadoo loo marayo hay’adaha samafalka ee caalamiga ah.

09/03/2026

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta G.Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed oo Khudbad kooban ka jeediyay afur wadareed kulmiyey Bahda Waxbarashada G.Banaadir

08/03/2026

Maanta iyo Warta Nabadda Iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta G.Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed oo afur u qeybinaya qoysaska danta yar

08/03/2026

Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dalka Turkiga oo booqasho shaqo ku yimid magaalada Muqdisho.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Degmada Canik ee gobolka Samsun ee dalka Turkiga, Mudane Ibrahim Sandikci (Başkan), Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Maamulka Gobolka Banaadir iyo bah-wadaagta Turkiga, gaar ahaan dhinacyada horumarinta waxbarashada, kor u qaadista xirfadaha gacanta, iyo abuurista fursado shaqo oo loogu talagalay dhalinyarada ku nool Gobolka Banaadir.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii ardayda Soomaaliyeed looga faa’iideyn lahaa waxbarashada teknoolojiyadda casriga ah, loona xoojin lahaa barnaamijyada tababarka xirfadaha gacanta si ay dhalinyarada uga caawiyaan helidda xirfado u sahla inay ka qayb qaataan horumarka bulshada isla markaana ay u helaan shaqo abuur.

Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta ee Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, ayaa wafdiga Turkiga la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan horumarka Maamulka Gobolka Banaadir ka sameeyay dhinacyada waxbarashada, isagoo sidoo kale iftiimiyay baahiyaha jira ee Dowladda Hoose ay u aragto in laga garab siiyo si loo sii horumariyo tayada waxbarashada ardayda Soomaaliyeed.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdullahi Aadam Muuse, Madaxa Caafimaadka Gobolka, Mudane Mustafa Kasapoğlu, U-qaabilsanaha Hey’adda IHH ee Soomaaliya, Mudane Hussein Abdulkadir Omar, Madaxa Mashaariicda Hey’adda IHH ee Soomaaliya, Mudane Abdifatah Mohamoud Moalim, iyo Turjubaanka kulanka, Mudane Süleiman İbrahim Sheekh Hussein.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku raacay in la kordhiyo kulamada iyo wada shaqeynta mustaqbalka si loo xoojiyo iskaashiga, loona xaqiijiyo in dadaallada la qorsheynayo ay noqdaan kuwo miro dhal ah oo si muuqata uga faa’iideeya bulshada, gaar ahaan dhalinyarada iyo ardayda ku nool Gobolka Banaadir.

08/03/2026

Markale iyo afurinta qoysaska danta yar, markaan waxaan ku tagnay Degmada Kaaraan, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta G.Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaana hogaaminayay teamka Afur qeybinta

08/03/2026

Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo wacyigelinta G.Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa sheegay in tababarkan uu kor u qaadayo doorka haweenka ka shaqeeya kalluumeysiga.

04/03/2026

Maanta iyo afurinta dadka danta yar ee Degmada Shibis iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta G.Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed.

28/02/2026

Mar kale iyo afurinta Dan yarta Ku nool Muqdisho iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta G.Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed oo maanta taakuuleynta afurinta u qeybiyay dadka ku nool Degmada Wadajir.

23/02/2026

Waa markale iyo Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta G.Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed iyo Degmada Boondheere oo qoysaska danta yar ku wareejinaya afur uu Maamulka G.Banaadir uu ugu talagalay in lagu garab istaago Bisha Ramadan Qoysaskaasi.

GUDDOOMIYE KU-XIGEENKA ARRIMAHA BULSHADA IYO WACYIGELINTA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR OO SI RASMI AH U DAAH-FURAY TARTANKA...
22/02/2026

GUDDOOMIYE KU-XIGEENKA ARRIMAHA BULSHADA IYO WACYIGELINTA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR OO SI RASMI AH U DAAH-FURAY TARTANKA SANADLAHA AH EE QUR’AANKA KARIIMKA

Muqdisho, Febraayo 22, 2026: Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Cabdicasiis Cismaan Maxamed, ayaa Axadda maanta si rasmi ah u daah-furay Tartanka Qur’aanka Kariimka ee uu Sanad kasta qabto Maamulka Gobolka Banaadir.

Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in tartankan uu qayb ka yahay barnaamijyada lagu weyneynayo bisha barakeysan ee Ramadaan, islamarkaana uu dhiirrigelin u yahay barashada iyo xifdinta Qur’aanka Kariimka.

Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay maamullada degmooyinka iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo guntiga u giijistay sidii loo sii joogteyn lahaa tartankan sanadlaha ah.

Sanadkan waxaa tartanka ka qaybgalaya 63 arday, kuwaas oo ku tartamaya Qaybaha Qur’aanka ee 30-ka Jus, 20 Jus, iyo 10 Jus. Ardaydan ayaa kasoo baxay tartamo horey uga dhacay degmooyinka Gobolka Banaadir, halkaas oo si caddaalad iyo hufnaan leh looga soo xulay.

Ardayda kaalmaha sare ka gala tartankan ayaa Gobolka Banaadir ku meteli doona Musaabaqada Heer Federaal ee ay qabato Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Islaamka, taas oo uu taabbageliyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Macallin Maxamuud Maxamed Maxamuud, ayaa ku ammaanay ardayda sida wanaagsan ee ay ugu diyaar garoobeen tartanka, isagoo xusay in ay dadaal iyo karti muujiyeen.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Akaadeemiyada Culuumta Qur’aanka ee Gobolka Banaadir, Shiikh Maxamed Daahir Macalin, ayaa bogaadiyay ardayda iyo waalidiinta ku garab istaagay, kuna dhiirrigeliyay dadaalkooda.

Tartanka Qur’aanka Kariimka ee uu sanad kasta taabbageliyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ah mid lagu dhiirrigeliyo jiilka soo koraya inay ku tartamaan barashada diinta iyo ku dhaqanka akhlaaqda suubban, iyadoo kuwa guulaysta la siiyo abaal-gudyo heer sare ah.

DHAMMAAD

Address

Xamar Weyne
Mogadishu
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Arimaha Bulshada ee Gobolka Benaadir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share