06/06/2026
Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad Komaandooska Danab oo Howlgallo Amni Xaqiijin ah ka Sameeyey Deegaanno Hoostaga Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidanka Komaandooska Soomaaliyeed Danab gaar ahaan Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad ee Danab, ayaa guulo muhiim ah ka hooyey howlgallo ballaaran oo amni xaqiijin ah oo maalmihii la soo dhaafay si is daba joog ah uga socday deegaanno dhowr ah.
Howlgalladan qorsheysan oo saacado badan qaatay ayaa si gaar ah looga fuliyey Deegaanada kala ah Warmaxan, Tasxiille, Shareey, 10-Buundo, Tabeelaha, iyo aagga Donka.
Ujeeddada howlgalka ayaa ahayd mid lagu xaqiijinayo amniga guud ee deegaanadaas, ciribtirka haraadiga kooxaha argagixisada, iyo sidii loo furi lahaa waddooyinka muhiimka ah ee isku xira deegaanadan, si shacabka deegaanka ay ugu degaan nabadgalyo dhab ah, ganacsiga iyo isu-socodkuna u noqon lahaayeen kuwo ammaan ah.
Saraakiisha hogaaminyay hawlgalkan ayaa si heer sare xil isaga saaray ka run sheegida waajibaadka qaranka u igmaday, ayagoo si dhaw ula shaqeeyay shacabka deegaanka. Intii uu socday hawlgal ayaa lagu soo qabtay dhagar qabe kamida Khawaariijta oo dhib weyn ku hayay dadka masaakiinta iyo gaadiidleyda.
Ciidanka Komaandooska Danab ayaa ka run sheegay Waajibka ku aaddan xoreynta iyo xaqiijinta amniga dalka waa mid sii socon doona tan iyo inta dalka oo dhan laga sifeynayo argagixisada.
DHAMAAD